Words starting with 'K'
1,917 Somali words beginning with 'K' — page 11 of 20.
khaakhuul
Rabsho xa-silloonida lagu waxyeeleeyo.
khaalis
Wax saafi ah oo aan wax kale ku jirin.
khaanad
Meel yar oo wax lagu rito oo lagu sameeyo armaajada, miiska iwm.
khaarij
Dal, dalalka kale ee xuduuddiisa dibadda ka ah.
khaariji
1. Qof dilid. 2. Qof, qof kale wax ka raba ka reebid.
khaarijin
ld khaarijis.
khaas
1. K. ah: wax gaar ah oo lagu keli yahay. 2. K. ahaan: gaar ah, gooni ah.
khaash
Cunno, miro, dawo iwm oo intay raageen xumaadey; faad. ld qaash.
khaatimo
Sida wax waliba ku dhammaadaan ama ku dambeeyaan; ciribdambeed. ld khaatumo.
khaatir
1. ld khaatil. Qof dhagar badan. 2. Kh. ka joog: qof, qof kale shiddaysan. ld khaati.
khaawis
Fiirada qof meel daloosha laga fiiriyo isaga oo aan ogeyn.
khaayin
'in.
khaayir
Si yasid iyo jeesjees leh oo cid loo fiiriyo.
khaayis
1. Cunto waqtigeedii dhammaa-day oo dhacday. 2. Cunto baryood ah.
khabaar
Wax aan horey loo ogeyn oo laysu sheego ama la helo; war. ld khabar.
khabaarsasho
ld kha-baarsad, khabaarsi.
khabaarsi
Dhibaato ay dhaliyeen col iyo abaar. ld khabarsasho.
khabaarso
War raadsasho.
khabar
1. Dhacdo naxdin leh. 2. ld khabaar¹.
khabarsasho
ld khabarsad, khabarsi.
khabarso
Khabar raadsasho.
khabiid
Qof aan weji furreyn oo xaasid ah.
khabiidnimo
Khabiid ahaansho.
khabiir
Qof laamaha cilmiga ama fanka mid ka mid ah aqoon gaar ah oo dheer u leh.
khad
/dh Wax shubma oo madow ama midab kale oo wax lagu dhigo ama wax lagu daabaco; anqaas.
khadar
Nasiib wanaagsan.
khaddaab
Qad lagu xardho soo jeedka haweenka si loogu qurxiyo.
khaddif
khamaarid
khaddifsanaansho
/dh ld khatifsanaan.
khaddiib
Ninka khudbadda jimcaha ka akhriya masaajidka.
khadyaan
K. ah: qof dhibaato uusan wax ka qaban karin daashatay.
khafiif
1. Kh. ah: wax culays yar; wax jurmi yar. 2. Qof maskaxdiisa wax u dhimanyihiin.
khafiifi
Wax khafiif ka dhigid.
khafiifin
ld khafiifis.
khafiifnimo
Khafiif ahaansho.
khafiifsan
Wax maskaxdiisu wax u dhiman yahay ahaan-sho (qof).
khafiifsanaan
ld khafiifsanaansho.
khafiifsanaansho
/dh ld khafiifsanaan.
khafiyad
Garaangar yar oo wareegta oo leh meel xariggu galo, oo ceelka korkiisa suran, dalowgana lagu soo jiido.
khajal
Xishood; asluub; asturnaan. ld khajil¹.
khajalid
ld khajilaad, khajilid.
khajilaad
Dareen naxdin iyo xishood badan leh cid fagaara joogto ay muujiso. ld khajalid.
khal
Waxyaalaha lagu saqraamo oo cinabka la khamiiriyay laga sameeyo oo kala go'a dhanaanna isu roga.
khalaq
Wax abuurid (Eebbe).
khalfad
1. Dariishad. 2. Khaanad.
khaliif
1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto.
khaliifan
(dii.) Qof la khaliifay ahaansho.
khaliifnaan
ld khaliif-naansho.
khaliifnaansho
/dh ld khaliifnaan.
khaliifnimo
Khaliif ahaansho.
khalji
Qoryo dhuudhuuban oo aqallada lagu dhiso ama bedemmada iwm lagu awdo ama lagu karo; sarab; sadaq.
khalkhal
1. Kh. ah: xasillooni darro qof ku dhacda cabsi, farax, naxdin iwm awgood. 2. Kh. ah: qalab xubno badan ka kooban oo adkaantii iyo is-haysashadii ka ba'do; kharraab.
khalkhal-birlabeed
Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.
khalkhalgeli
(1).
khalkhali
ld. khalkhali. Cid khalkhal ku abuurid.². Aala
khalkhalin
ld khalkhalgelin, khalkhalgelis, khalkhalis.
khalkhalsan
1. Wax khalkhal la geliyey ahaansho. 2. Wax la kharraabiyey ahaansho.
khalkhalsanaan
ld khalkhalsanaansho.
khalkhalsanaansho
/dh ld khalkhal-sanaan.
khalqi
u Uun badan.
khamaar
Cayaaro lacag lagu kala helo. ld khammaar¹.
khamaarid
ld kham-maarid.
khamaas
Kh. ah: bil labaatan iyo sagaal ku dhammaata; toomman.
khamiir
1. Badar cajiiman, muddo la huuriyo si loo dubi karo. 2. Badar yar, cajiiman oo canjeero, bur iwm lagu fixiyo.
khamiiri
Khamiir ka dhigid.
khamiirid
Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iwm). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
khamiis
Dhar tolan oo ilaa canqowyada jooga, gacmo dheerna leh oo raggu gashadaan. ld qamiis.
khamraawi
/dh (-iyaal, m.l/dh) Xargaha shiraaca haya midkood.
khamraysan
Ahaansho qof khamri cabsan.

