kabawaaro
Joogsashada roob da'ayaa qayoodo. ld kabawaarid.
kabax
Meel ciidda laga qaado si ceel iwm looga dhigo.
kabax-kabaxlayn
layn.
kabaxow
Neef xoolo ah oo aad u gaboobay.
kabay
1. Kabjad. 2. Qalab nafley jabtay lagu kabo.
kabbaqable
K. ah: shaah, fuud iwm oo aan kululayn, si fiicanna loo kabban karo; qandac; kuljiir. ld kabbaquble.
kabbaqablee
Dareere si aayar ah u cabbid. ld kabbaqublee.
kabbaqableyn
ld kabbaqubleyn.
kabbaqableysasho
ld kabbaqableysi, kabbaqubleysasho, kabbaqubleysi.
kabbaqableyso
Caano, fuud, shaah iwm aan kululayn kabbasho. ld kabbaqubleyso.
kabbaqubleysasho
sasho.
kabbax
K. ah: nafley cudur ku dhacay kana bogsootay oo jirkeedu sameystay difaac.
kabbaysasho
ld kabbaysad, kabbaysi.
kabbayso
Dareere kabbo-kabbo u cabbid.
kabbi
Caano iwm cid hal kabbo ka siin. ld kebbi.
kabbin
ld kabbis¹, kebbin, kebbis¹.
kabbisii
Cid caano iwm in uu kabbado u oggolaansho. ld kebbisii.
kabbisiin
ld kebbisiin.
kabbisnaansho
/dh ld kebbisnaan.
kabbo
1. Caano, biyo iwm in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado. 2. Qasac yar oo lagu cabbiro, saliid, gaas iwm.
kabboo
Kabbo sameyn.
kabbood
Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.
kabboosho
In yar oo caano, biyo iwm ah oo mar afka lagu qaado
kabco
Dhismo muqaddas ah oo muslimiintu u jiheystaan markay tuka- nayaan, oo Maka ku yaal. ld kacbo.
kabee
Cid kab ku garaacid.
kabeebey
Ciyaar dhaqameed ragga iyo dumarku wada ciyaaraan, leh durbaan, jiib iyo jaan oo laga ciyaaro gobollada koonfureed.
kabid
ld kab¹ (3), kabniin.
kabiir
Arday horjooge u ah arday Quraan.
kabixis
K. ah: nafley xoog yaraatay qabow awgiis.
kablakac
1. K. ah: qof aan aad u fekerin. 2. K. ah: rayska kabta raaca.
kable
Caleen dhul-beereedka ka baxda oo inta la kariyo soorta lagu iidaamo.
kabnaan
ld kabnaansho.
kabnaansho
/dh ld kabnaan.
kabo
/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax jabay kabniin ku samaysasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
kabrar
1. Roobka badan ee da'a marka guga roobyaraan looga baqayo xilligii dhammaado. 2. Xalxal; barar.
kabrarro
Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. ld gabrar.
kabriid
Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. ld kebriid, kibriid.
kabro
Xeego.
kabsar
Nagaar caleemo yaryar oo cunnada lagu udgisto. ld kabsaro.
kabsasho
ld kabsad, kabsi.
kabsid
1. Midiidinka liita oo
kabso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Kabo illasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
kabtan
Sarkaal saddex xiddigood leh; dhamme.
kabti
1. Orod xoog loo ordo ilaa laga xiiqo; fagax. 2. Fogaan qof ku xiiqo.
kabtin
Masaafo aad u dheer.
kabud
Cudur oogada u yeela nabarro badan oo buurbuuran oo baruur adag ah.
kabuubyo
Dareemaha xubnaha jirka midkood oo is dhimma waxyeello darteed lana dareemo jiriiricyo.
kabuubyoo
Kabuub- yoo dareemid.
kac
1. Istaagid, joogsasho, sarakicid.
kacaamayn
ld ka- caamin.
kacaamee
1. Cid
kacaamid
ld kacaan¹ (4).
kacaan
ka dhigid. 2. Wax cusbooneysiin. ld kacaami.
kacaanad
K. ah: haweenay kacaan ah.
kacaandiid
Qof aan mabaadi' kacaan u hoggaansanayn.
kacaannimo
Kacaan ahaansho.
kacdimi
1. Faras kacdin cayrin. 2. Faras kacdin gelin. ld kactimi.
kacdimid
ld kacdin¹, kactin¹.
kacdimin
ld kactimin.
kacdin
1. Orodka fardaha billowga ilaa iyo inta uu ka xiiqaayo. 2. Booddada hore oo farasku orodka billaabaayo. ld kacdimid.
kacdood
1. Dib u caaliridda nabar la moodaayay in uu bogsooday dib u caaliro. 2. ld kacdoodid. ld kacdoon.
kacdoodid
ld kac-dood¹, kacdoomid, kacdoon¹.
kacdoon
Bannanbax lama filaan u dhaca ay la socoto xasillooni daro laguna diiddanyahay siyaasad dal laguna doonayo isbeddel siyaasadeed.
kackac
Bur jilicsan oo kuuskuusan oo la shiilay dhedhen macaanna leh.
kacsan
Wax aan degganeyn ahaansho.
kacsanaan
ld kacsa- naansho.
kacsanaansho
/dh ld kacsanaan.
kacsasho
ld kacsad, kacsi.
kacsi
Dareenka rabidda galmo. ld kac- sasho.
kacso
1. Kacsi dareemid. 2. Wax fadhiya istaagsasho.

