0

koronkor

m l

Sabuul meseggo oo iniinihiisu caanacaano yihiin oo aan weli bislaan

0

koronkoraysad

m l

Eeg: koronkoraysasho

0

koronkoraysasho

m f dh

ld koronkoraysad, koronkoraysi.

0

koronkoraysi

m l

Eeg: koronkoraysasho

0

koronkorayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Badar karsamaya qaar gurasho. 2. Badar koron-kor ka dhigasho.

0

koronkorro

m dh u

Ayaxa dhashiisa aan weli duulid baran.

0

korontayaqaan

m l (-nno, m.dh)

Qof yaqaan farsamada korontada.

0

koronto

m dh (-ooyin, m.l)

1. Qeyb cilmiga fisikada ka mid ah oo isku dhaf ah oo loo yaqaan danab, loona isticmaalo quwad dhalin sida guryo ifinta, karinta, waraabka iwm. 2. Danabka lafteeda.

0

koroomiyam

m l (kiim.)

Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah, dabiici ahanna u jirta koromayt. Waxay aad ugu badantahay dalka Simbaabwi.

0

koror

f mg1 (-ray, -rtay)

1. Wax is khordin. 2. Ku k.: wax, wax kale ku darid.

0

kororsad

m l

Eeg: kororsasho

0

kororsasho

m f dh

ld kororsad, kororsi.

0

kororsiimo

m dh

Waxa ku siyaada wax horay u jiray

0

kororso

f g3 (-saday, -satay)

Wax kororsiimo ku darsasho.

0

korow

m l

Jaadadka daanyeerka mid ka mid ah oo yaryar aadna u fudfudud; kore.

0

korran

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la koriyey ahaansho.

0

korranaan

m f dh

ld korra- naansho.

0

korranaansho

m l

/dh ld korranaan.

0

korrayn

m f dh

Eeg: korree

0

korree

f mg2 (-reeyay, -raysay)

Meel sare ku sugnaan.

0

korriimo

m dh

Eeg: korniimo

0

korriin

m l

Eeg: korniimo

0

korsaar

f g

/mg. 1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax, wax kale ka kor marin. 2. (f.mg) U k.: badeeco iwm faa'iido saarid.

0

korsaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax, wax kale dushiisa yaalla ahaansho.

0

korsaarid

m f dh

Eeg: korsaar²

0

korsaarnaan

m f dh

ld kor-saarnaansho.

0

korsaarnaansho

m l

/dh ld korsaarnaan.

0

korsad

m l

Eeg: korsasho

0

korsasho

m f dh

ld korsad.

0

korshirix

m l

1. Neef korka ku leh baro midabo ah. 2. Xoor barobaro leh.

0

korsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid meel sare fuulin.

0

korsiin

m f dh

Eeg: korsii

0

korso

f g3 (-saday, -satay)

Nafley yar xannaanaysasho si ay u korto.

0

korsocod

m l

1. Faa'iidada laga helo ganacsiga. 2. Lacag laysku dhigto marka turub la cayaarayo oo bannaanka ka ah wixii lagu ciyaarayey. 3. Dad dhex-dhexaadiya laba qolo oo dagaashan.

0

korsocoto

m dh

Socoto reero u marti ah.

0

korsooh

m l

Xarig seddex raab oo laysku tidcay ka samaysan.

0

korsoohid

m f dh

Eeg: korsooh²

0

kortag

m l

Aadidda la aado meel xoogaa durugsan si loogu kaadsho ama saxaroodo. ld kortegid.

0

kortegid

m f dh

519korubooddo

0

korubooddo

m dh

Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro oo si god ka bood ah la isugu cuno.

0

koryaal

m l (-llo, m.dh)

Qumbe ligligii laga gooyey oo haruub loo yeelay.

0

koryeeri

m l (-iyo/koryeeri, m.dh)

Bas.

0

kosayn

m l

1. (xis.) Fansaan tirigonoomeeteri ee xagal. Kosayska xagal + (cos+) ee saddexagal qumman waa saamiga dhinaca la deriska ah xagasha + iyo shakaalka. 2. Absiisaha bar ku taalla goobo halbeeg ah marka laga hadlayo habdhiska kulannada laydi.

0

kotaanjant

m l (xis.)

Fansaar tirigonoo-meeteri ee xagal, kaas oo la mid ah ro-gaalka tanjankiisa.

0

kow

m dh t

Lambarka tirada laga billaabo oo labada ka horreeya; hal, mid; “1”. ld koow.

0

kowaad

m l

Eeg: koowaad

0

kowk

m l (jool.)

Adke aan cufnayn oo burbura midabkiisuna yahay boor oo ay ku jiraan ilaa 80% kaarboon ahi. Waa hadhaaga la helo marka la samaynayo neefta dhagax- dhuxuleedka. Waxa kale oo laga diyaariyaa dhagax-dhuxuleedka oo lagu shido heerkul hoose.

0

kowrax

f g1 (-xay, -xday)

Hilib iwm oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.

0

kowraxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Hilib wax la kowrixiyay ahaansho.

0

kowrixi

f g2 (-iyay, -isay)

Hilib kowrax ka dhigid.

0

kowrixid

m f dh

Eeg: kowrax

0

kowrixin

m f dh

Eeg: kowrixi

0

kowsad

m l

Eeg: kowsasho

0

kowsasho

m f dh

ld kowsad, kowsi.

0

kowsi

m l

Eeg: kowsasho

0

kowso

f mg3 (-saday, -satay)

Tiro bilaa-basho.

0

koxdin

m dh

Xiddig naafaha ka mid ah, oo u dhexeysa majinta iyo dirirdayga.

0

koyto

m dh u

Dad yimid oo degey dhul aanay ku dhalan.

0

ku

³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira 520 wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.

0

ku-dhalasho

m dh (baay.)

Xaalad qof ku dhasho sida badanna uu waalidka ka dhaxlay.

0

kub

m l (-bab, m.l)

Cagta iyo lowga xubinta u dhexeysa.

0

kubaddawaco

m dh

Mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada.

0

kubadhagaxoobid

m f dh

Eeg: kubadha-gaxow²

0

kubadhagaxow

f mg1 (-oobay, -owday; - oobi)

ku dhicid.

0

kubbad

m dh (-do, m.l)

1. Shey kankoonsan oo ka sameysan cinjir, harag iwm oo neefi ku jirto looguna talaggalay in lagu ciyaaro; banooni. 2. Wax qaabka banooniga leh oo wareegsan.

0

kubbad-badh

m dh (-do .., m.l)

(juqr.) Nuska dhulka, marka sallax dhexdiisa la matiyay uu labo gabal o isla eg u qaybiyo. Dhulka badanaa waxaa loo qaybiyaa kubbad badhka woqooyi iyo kubbad badhka koonfureed, kan hore waa badhka ushiisa ah ee dhulka badhaha woqooyi ka xiga, kan dambena waa midka koonfur ka xiga dhul badhaha.

0

kubbayn

m f dh

ld kubbays.

0

kubbays

m l

Eeg: kubbayn

0

kubbee

f g2 (-beeyay, -baysay)

Wax diirran meel dhiig fadhiistay saarsaarid.

0

kubeerto

m dh (-ooyin, m.l)

Go' weyn oo dhogor jilicsan laga sameeyo oo dugsoon oo sariiraha la saaro, xilliga dhaxantana la huwado; buste.

0

kubkucirroole

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof dalal badan maray oo waayo-aragnimo leh.

0

kubkusiigaale

m l (-layaal, m.l/dh)

Qof socod dheer soo galay oo markaa ka soo istaagay.

0

kubo

m dh (-ooyin, m.l)

ddawaco.

0

kubram

m l (kiim.)

Curiye kalaguur ah, midabkiisu yahay baroor-cas, summad- diisuna tahay Cu. Tiro atamkiisu waa 29, cuf atamkiisu waa 63.546. Bar dhalaashan-kiisu waa 1083.4° C.

0

kud

m l

Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo badanaa aan laga kicin.

0

kudaal

m dh

1. Dhicidda xoolo fardo lagu dhaco. 2. Faras aan la lahayn lala cararo.

0

kudaalid

m f dh

Eeg: kudaal³

0

kudaankudi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax horey u tikhaantikhin.

0

kuddaafad

m dh

Eeg: dukaafad

0

kuddar

m l

Xisaab xisaab kale lagu daro; isugayn.

0

kuddayad

m l

Eeg: kuddayasho

0

kuddayasho

m dh

Sameynta cid falkeed laga daba sameeyo. ld kuddayad.

0

kuddo

m dh

1. Orod booddo ku anbabbaxa oo xawli dheer leh. 2. Dagaal aan habeys-nayn oo aan laysu tureyn. 3. Masaafada u dhexeysa laba qof oo orotameysa oo kala horreeysa. 4. Orgoodka gammaanka.

0

kudhac

m dh (-cyo, m.l)

Suuq lagu iibiyo waxyaabaha duugga ah.

0

kudid

m f dh

ld kudmo (2).

0

kudkude

m l

Dulin shilinta u eg dhiig-kunool ah oo badanaa laga helo meelaha digada xooluhu ku badanyihiin; hooskuhar.

0

kudmo

m dh

1. Saarashada dibi ama faras saarto, sac deggan ama geenyo beydalan. 2. ld kudid.

0

kuduud

f g1 (-day, -dday)

Eeg: kaduud²

0

kuduudan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Eeg: kaduudan

0

kuduudi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: kaduudi

0

kuduudid

m dh

Eeg: kaduudid

0

kuduudin

m dh

Eeg: kaduudin

0

kuduudnaan

m dh

Eeg: kaduudnaan

0

kuduudnaansho

m l

/dh ld kaduudnaan.

0

kuf

f mg1 (-fay, -ftay)

Nafley socota horay u dhicid.

0

kufaar

m l w

1. eeg kaafir. 2. eeg kufri¹.

0

kufi

f g2 (-iyay, -isay)

Noole socda horay u ridid.

0

kufid

m f dh

ld kufniin, kuftin.

0

kufin

m dh

ld kufis.

0

kufis

m l

Eeg: kufin