Qaamuuska Asalka
kayn-mansuun
(-nno, m.dh)MagacLafdheeri
Macnaha
(juqr.) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
Erayo la-mid ah
kayn(juqr.) Eray lagu magacaabo dhul aan beernayn oo ay ka baxaa…kayn1. Nasiibdarro, ayaandarro, cawaxumo. 2. (-ymo, m.l) Meel dh…kayn-badhaale(juqr.) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka…kayn-maanguruuf(juqr.) Dhul qoyan oo biyo fedhiyaan oo badanaa ay buuxiyeen…kayn-tiridGoynta dhirta iyo bannaynta kaynta.kaynaanGeeddi dheer oo aan nasasho badan lahayn guurid.kaynaanGeeddi meel fog loo guuro oo aan nasasho badan lahayn.kaynaani/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Geeddi dheer oo aan nasasho lah…

