Qaamuuska Asalka
kaalsiyam
(kiim.)MagacDhexdhexaad
Macnaha
Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4,faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
Erayo la-mid ah
kaalWarmaha waaweyn nooc ka mid ah.kaalNin guursadey xoolo siin. ld kaali.kaal1. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda l…kaalandar(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegy…kaalayAgtayda imow.kaalbaaCaano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo …kaalidld kaalin² (2).kaalin1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. …

