Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 12 of 20.
amankaagsanaansho
/dh ld amakaagsanaan.
amar
1. Erey ama weer cid lagu farayo inay hawl fuliso. 2. Dhibaato weyn. 3. Kibir iyo qab weyni wadajira. 4. A. Alle: maqaadir Alle.
amarbixin
Amar farid; idmid; amarsiin.
amardiiddo
U hogaansanaan la'aanta amar la is faray. ld amardiidmo.
amarkutaagle
Awood maammul oo si aan sharci ahayn loo adeegsado. ld amarkutaagleeye.
amarkutaaglee
Amarkutaagle samayn.
amarti
Isla weyni iyo kibir wadajira.
amarweynaan
Kibir iyo isla weeyni badan. ld amarweyni.
amayn
Iskudhisyo orgaanig ah oo sameysma marka hal ama in ka badan oo atamyada haydarojiin ee amooniyada lagu beddelo koox orgaanig ah.
amba
² xi. ld ama.
ambaal
Raro awrka dushiisa la saaro si rarku aanan wax u yeelin awrka.
ambabbax
1. ld ambabbixid. Billowga socdaalka. 2. Lacag jidmar ah. 3. A. ah: qof markaa socdaal bilaabaya.
ambabbaxsan
Wax ambabbaxay ahaansho (cid).
ambabbaxsanaan
ld ambabbaxsanaansho.
ambabbaxsanaansho
/dh ld ambabbaxsanaan.
ambabbixi
1. Qof socdaal gelaya waxa uu u baahanyahay siin. 2. Cid safraysa sagootiyid. 3. Xoolo foofaya agaasimid.
ambabbixid
ld ambabbax¹ (1).
ambabbixin
ld ambabbixis.
ambalaas
Baabuur gaar ah oo loogu tala galay in si degdeg ah cid aad u jirran ama dhaawac ah loogu gaarsiiyo isbitaal.
ambaqaad
Billowga arrin ama dood taagan; meel ka qaadid, ka bilaabid. ld ambaqaadid.
ambaqaadid
ld ambaqaad¹.
ambasho
ld ambad.
ambi
1. Cid jahada toosan ka lumin. 2. Nafley meel fog oo aanay si sahlan uga soo noqon karin geyn. ld lumi.
ambiyeer
(fiis.) Summad A. Waa halbeegga caalamiga (HC) ah ee qulqulka danabka. Hal ambiyeer waa xaddiga qulqulka danab ee dhexmaraya laba gudbiye oo dherer-dhaaf ah, ahna barbaro, iskuna jira hal mitir ee dulaalaati madhan, ka dhex dhaliya xoog le'eg 2x10 (N/Nm). Niyuutan halkii mitir ee dhererka gudbiyaha.
ambiyeer-beege
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga qulqulka danabka ee mareeg danab.Ambiyeer beegga waxa mareegta loogu xidhaa si taxane ah.
ambo
Cid waddada habboon ka lumid.
amiiba
(baay.) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.
amiino
(kiim.) Koox iskudhisyo orgaanig ah oo biyaha ku milma, lehna kooxaha kaarbogsayl (-COOH) iyo amiino (-NH) oo ku dheggan kaarboonka alfa.
amiino-asiidh
(baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH) iyo amino (-NH2) oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
amiir
1. Waxaruhu marka ay ka go'aan naaska hooyadood oo ay gooni u daaqaan; aaran. 2. ld ammiir.
amma
xi. ld ama.
ammaa
fk. Mindhaa.
ammaag
Ciid ku aasid (god, dab iwm). ld amaag.
ammaagan
Wax la ammaagay ahaansho. ld amaagan².
ammaagid
ld amaagid.
ammaagnaan
ld amaagnaan, amaagnaansho, ammaagnaansho.
ammaagnaansho
/dh ld ammaagnaan.
ammaan
Wax wanaagsan cid ka sheegid.
ammaana-allah
Nabadgelyo.
ammaanan
Wax la ammaanay ahaansho.
ammaanaysan
Wax la ammaanaystay ahaansho.
ammaanaysii
Qof ammaano u dhiibid.
ammaanaysnaan
ld ammannaysnaansho.
ammaanaysnaansho
/dh ld ammaanaysnaan.
ammaanayso
1. Ka a.: wax ammaano ahaan cid uga qaadasho. 2. Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
ammaanee
Qof ama shay ammaan siin; nabadgelyo siin.
ammaangeli
Wax nabadgelyo siin.
ammaannaan
ld ammaannaansho.
ammaannaansho
/dh ld ammaannaan.
ammaano
1. Wax cid loo dhiibto si ay u xafiddo. 2. Kalsooni cid lagu qabo; aamminaad.
ammaansasho
ld ammaansi.
ammaanso
Ku a.: cid ammaano u dhiibasho.
ammiir
Taliye; madax qoon; suldaan. ld amiir² (2).
ammiirnimo
Ammiir ahaansho. ld amiirnimo.
ammin
/dh Goor; waqti. ld immin.
amminka
Hadda; eegga. ld imminka.
amminla'
1. Xilliga xagaaga dabadiisa. 2. Roobka ugu horreeya dayrta.
ammooniya
(kiim.) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira 36.9 % oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milan-biyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.
ammuur
Nooc xamaaratada ka mid ah oo muluca u eg kase weyn oo leh midab bunni ah. ld amuur.
ammuuraysan
Wax mushkilo hayso ahaansho.
ammuuraysnaansho
/dh ld ammuuraysnaan.
ammuuree
Wax mushkilo hayso ahaansho.
amnac
A. ah: waqti aad u kulul oo baadka iyo biyuhuba yaryihiin; abaar xun.
amni
Nabad, nabadgelyo.
amran
1. Wax amar la siiyay ahaansho (cid). 2. La khaliifay ahaansho (qof).
amranaan
ld amranaansho.
amranaansho
/dh ld amranaan.
amuur
an qr.diid ld aan².
ana
qr. Hadday u yaraato; haddaan wax kale jirin; agow; xataa. Tus. “Ana ii ahaateenaa!”; “Ana roob di'i lahaayaa!” ld anaa².
anaa
² qr. ld ana.
anaakici
Koox ciidan ah oo si gaar ah u tababbaran oo cadow lala dagaallamayo dhulkiisa loo diro si uu u fadqalalleeyo.
anaani
Qof naftiisa keliya wax la raba.
anaaninnimo
Anaani ahaansho; nafjeclaysi. ld anaaniyad, anaaniyo.

