afareysasho
ld afareysad, afareysi.
afareyso
Tiro afar ka dhigasho.
afarfaallow
Qof aan faalka aad u aqoon.
afarfoolle
Ilmo yar oo ay u soo baxeen afartii ilig oo ugu horreysay, oo ah afarta fool.
afargees
Shaxan joometeri ah oo afar dhinac oo isle'eg leh.
afariyotobnaad
Habeenka dayaxu ugu iftiinka badanyahay oo bishu afar iyo tobanka tahay.
afarqaad
1. Orod xawli ah oo addimada hore iyo kuwa dambe kuwaba mar la qaadayo. 2. Wax muggiisu qaado afar shay.
afarqaadid
ld afarqaad¹ (1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad.
afarran
Nalfey wax dhashay iyo saddexdeeda ilmood oo wadajira.
afarranaan
ld afarranaansho.
afarranaansho
/dh ld afarranaan.
afarrey
1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).
afarsuulle
Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.
afartamaad
/dh.t.j ld afartanaad.
afartan
Tiro ka kooban afar meelood oo min toban ah; “40”.
afartanaad
/dh 1. (t.j) Tirada heerka afartanka ku abbaaran. 2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka billawda afartamaadka dabshidka. ld afartamaad.
afartanbax
Naag dhashay oo 40 maalmood u dhammaasho. ld afartambax².
afartanbixi
Naag dhashay ummulnimo ka bixin. ld afartambixi.
afartanbixid
ld afartambax¹, afartambixid, afartanbax¹.
afartanbixin
ld afartambixin.
afartaneeye
Tiro qiyaas ahaan afartan u dhow. ld afartameeye, afartameeyo.
afayn
ld afays.
afaysan
Wax af leh noqosho.
afaysnaan
ld afaysnaansho.
afaysnaansho
/dh ld afaysnaan.
afayso
Qalab wax lagu gooyo, af u yeelasho.
afbadan
Wax afaysan ahaansho (qalab wax lagu gooyo).
afbadnaan
ld afbadnaansho.
afbadnaansho
/dh ld afbadnaan.
afbar
Ilmo yar sida loo hadlo barid.
afbarad
Ilmo yar oo ku jira marxaladdii hadal barashada.
afbaro
Ilmo yar, sida loo hadlo barasho.
afbax
U a.: qof wax sirtooda si daacadnimo ah ugu sheegid.
afbeel
Wax aan wax goyn karin noqosho (qalab af leh).
afbeelid
ld afbeel¹.
afbilaabo
Qof afbilaw cunid.
afbilaw
Cuntada ugu horreysa ee subaxdii la cuno; quraac.
afbixid
ld afbax¹.
afbuur
Caro ama isla weyni la aamusid; afuur.
afbuurid
ld afbuur¹.
afcaan
(c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
afcadde
Wan weyn oo jabsaday.
afceli
1. Ka a.: cid cid kale oo aaney af garanayn uga turjumid. 2. Qof xurmad kaa mudan si uusan jaclaysan ugu warcelin; afnaq.
afcelin
ld afcelis.
afceliso
1. Naag turjubaanad ah. 2. Naag dadka ku afnaqdo.
afceliye
1. Nin turjubaan ah. 2. Nin dadka ku afnaqo.
afcuug
/dh (-gyo, m.dh) Dhul beereed aan weli si wacan loo geed qaadin.
afdabayl
Buntuq aan booba ahayn, dheer, oo kow iyo toban xabbadood qaada.
afdaran
Wax aan af lahayn ahaansho (qalab wax gooya).
afdarnaan
ld afdarnaansho, afdarraan, afdarraansho, afdarro.
afdarnaansho
/dh ld afdarnaan.
afdarraansho
/dh ld afdarnaan.
afdhaaf
Is-afgaranwaa.
afdhabaandhab
1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. ld afdhabaandhabid.
afdhabaandhabid
ld afdhabaandhab¹, afdhabaandhaw.
afdhalow
Cudur afka dadka iyo xoolaha ku dhaca oo bushimaha nabarro u yeela. ld afgorofow.
afdheere
Nooc suuska aan duulin ka mid ah, madow oo af dheer leh.
afdhuub
Labada tiir ee aqal irriddiisa ku mudan midkood.
afdhuubyaale
Hab geela aarankiisu u ordo isagoo luqunta hore u dhiibanaya gafuurkana dhuubaya. ld afdhuubyaalayn.
afdhuubyaalee
Afdhuubyaale samayn.
afduub
1. Xoog iyo khasab cid lagu kaxaysto si wax loogu madax furto ama dan gaar ah loogu fushado. 2. Afsaab. 3. ld afduubid.
afduuban
Wax la afduubay ahaansho.
afduube
Qof afduub sameeya.
afduubid
ld afduub¹ (2).
afduubnaan
ld afduubnaansho.
afduubnaansho
/dh ld afduubnaan.
afee
Qalab wax lagu gooyo af u yeelid.
afeef
Hadal, kolka la doodayo la hormarsado, og waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqayo soo qaadkood lagu gudbo.
afeefasho
ld afeefad.
afeefo
Ka a.: cid arrin khuseysa afeef ka yeelasho.
afeeftan
Ka a.: arrin afeef ka samayn.
affur
1. Cunnada la cuno kolka qorraxdu dhacdo bisha soonqaad. 2. ld affurid.
affuran
Aan soommanayn. ld afuran, afursan.

