0

aqab

m l (aqab, m.dh)

Qurac

0

aqal

m l (-llo, m.dh)

Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.

0

aqalgal

m l

Marka ugu horraysa ee laba qof oo isguursaday oo si rasmi ah guri u wada degay. ld aqalgelid.

0

aqalgeli

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: aroosi

0

aqalgelid

m f dh

ld aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.

0

aqalgelin

m dh

Eeg: aroosin

0

aqalsoomaali

m l

Aqal gembis ah, rarma, oo ka kooban raro, dhigo udbo, saamo iyo xargo oo miyiga Soomaaliya laga dhisto.

0

aqas

e d

Eeg: akhas

0

aqasho

m f dh

ld caqasho.

0

aqbal

m l

Oggolaanshaha cidi yeesho wax la weyddiistay. ld aqbalid.

0

aqbalid

m f dh

ld aqbal¹.

0

aqbalsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Cid inay wax oggolaato ku khasbid.

0

aqbalsiin

m f dh

Eeg: aqbalsii

0

aqbo

m dh

Eeg: abqo

0

aqi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley gaajo iyo harraad badan badid. ld caqi.

0

aqin

m f dh

ld caqin.

0

aqlabiyad

m dh

Tirada dadka ee ka badan nuskooda.

0

aqli

m l

Eeg: caqli

0

aqo

f mg3 (-qday, -qatay)

Nafley cunto iyo biyo la'aan dartood u wax yeelloobid. ld caqo.

0

aqoo

f g3 (yaqaan, taqaan; yiqiin, tiqiin/aqooday, aqootay)

Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho. Tus. “Hashi iga luntay ayaan geel ka aqooday”.

0

aqood

m f dh

ld aqoonsho.

0

aqool

f g

/mg1 (-oolay, -ooshay) 1.(f.g) Dad badan cunto u qaybin. 2.(f.g) Wax dad badan ka dhexeeya maamulid.3. (f.mg)Iyadoo hawl maalmeed la soo dhammeeyay guri u soo noqosho.

0

aqoolan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la aqoolay ahaansho.

0

aqoolid

m f dh

ld aqool² (2).

0

aqoolnaan

m f dh

ld aqoolnaansho.

0

aqoolnaansho

m l

/dh ld aqoolnaan.

0

aqoolxumaan

m f dh

ld aqoolxumaansho.

0

aqoolxumaansho

m l

/dh ld aqoolxumaan.

0

aqoolxumi

m dh

Eeg: aqoolxumo

0

aqoolxumo

m dh

Hab aan wanaagsanayn oo wax loo qaybiyo. ld aqoolxumi.

0

aqoolxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Wax aan aqool wanaagsan lahayn ahaansho.

0

aqoon

m dh

1. Cilmi. 2. Garasho dheerad ah oo wax loo leeyahay. Tus. “Jaamac Xamar aqoon buu u leeyahay”.

0

aqoon-beereed

m dh (c.beer.)

Sayniska beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin mashaakilka dalagyada soo go'a, ka hortagga cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo bacrinta carrada.

0

aqoon-farsamo

m dh

1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.

0

aqoon-isweydaarsi

m l (-iyo, m.dh)

1. Dood dad badani ka qaybqaataan si xal loogu helo arrin taagan. 2. Tababbar gaabanoo loo furo dad gaar ah, si aqoontada kor loogu qaado.

0

aqoonbaaris

m dh

Cilmibaaris.

0

aqoondaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Qof aan aqoon lahayn ahaansho.

0

aqoondarnaan

m dh

1. Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. 2. Xaaladda uu ku suganyahay qof aan wax qori karin waxna akhriyi karin; jaahilnimo; aqoon la'ahaansho. 3. eeg aqoondaran. ld aqoondarnaansho, aqoondarri, aqoondarro.

0

aqoondarnaansho

m l

/dh ld aqoondarnaan.

0

aqoondarri

m dh

Eeg: aqoondarnaan

0

aqoondarro

m dh

Eeg: aqoondarnaan

0

aqoondhaaf

m l

Qof aqoon badan.

0

aqoonla'aan

m dh

Xaaladda qof aan cilmi barani ku suganyahay. ld aqoonli'i.

0

aqoonli'i

m dh

'aan.

0

aqoonni

m l

/dh Qof aqoon loo leeyahay; la yaqaan; indhagarad. ld aqoonnin.

0

aqoonnin

m l

/dh ld aqoonni.

0

aqoonsad

m l

Eeg: aqoonsasho

0

aqoonsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Cid wax kale u citiraaftay ahaansho.

0

aqoonsanaan

m f dh

ld aqoonsanaansho.

0

aqoonsanaansho

m l

/dh ld aqoonsanaan.

0

aqoonsasho

m f dh

ld aqoonsad, aqoonsi.

0

aqoonsi

m l

1. Warqadda a.ga: dokumenti rasmi ah oo ay ku yaalliin magac dhan,sawir iyo wixii kale oo caddaynaya qof sugiddiisa. 2. Warqadda citiraafka. 3. ld aqoonsasho.

0

aqoonsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid wax si dhab ah uga dhaadhacsiin.

0

aqoonsiin

m f dh

Eeg: aqoonsii

0

aqoonso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax citiraafid. 2. Wax hore loo kasayey muddo dambe dib u garasho.

0

aqoonta-cudurrada

m dh

Eeg: baatoloji

0

aqoonta-kansarka

m l (daaw.)

Eeg: onkooloji

0

aqoonta-ummulinta

m dh (daaw.)

Qayb ka mid ah cilmi takhtareedka oo ku saabsan xanaaneynta dumarka inta ay uurka leeyihiin, marka ay dhalayaan iyo lix toddobaad oo ku xigta xilliga dhalmada marka xubnaha taranku ay dhibaato baxayaan.

0

aqoonxumaan

m f dh

ld aqoonxumaansho, aqoonxumi, aqoonxumo.

0

aqoonxumaansho

m l

/dh ld aqoonxumaan.

0

aqoonxumi

m dh

Eeg: aqoonxumaan

0

aqoonxumo

m dh

Eeg: aqoonxumaan

0

aqoonxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Qof aan cilmi badan lahayn ahaansho.

0

aqoonyahan

m l (-nno, m.dh)

Qof aqoontiisa cilmiyeed sarraysa.

0

aqoonyahannimo

m dh

Aqoonyahan ahaansho.

0

aqsayn

m f dh

ld asqayn.

0

aqsaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: asqaysan

0

aqsaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: asqaysii

0

aqsaysiin

m f dh

Eeg: asqaysiin

0

aqsaysnaan

m f dh

Eeg: asqaysnaan

0

aqsaysnaansho

m l

/dh ld aqsaysnaan.

0

aqsee

f g2 (-seeyay, -saysay)

Eeg: asqee

0

aqso

m dh

Eeg: asqo

0

aqsoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: asqoo

0

aqsoobid

m dh

Eeg: asqood

0

aqsood

m l

Eeg: asqood

0

aqsow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Eeg: asqoo

0

aqyaar

m l

Eeg: ikhyaar¹

0

aqyaarayn

m dh

Eeg: ikhyaarayn

0

aqyaaree

f mg2 (-reeyay, -reysay)

Eeg: ikhyaaree

0

aqyaarnimo

m dh

Eeg: ikhyaarnimo

0

ar

u j

Eeg: waryaa

0

araaji

m dh w

Eeg: arji

0

araanjo

m dh (-ooyin, m.l)

Liimo-xaali.

0

araarayn

m f dh

Eeg: araaree

0

araare

m l

1. Kala joojinta iyo maslixidda dad dagaalamaya. ld araari.

0

araaree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Dad dagaalamaya kala joojin.

0

araari

m dh

Wadiiqo yar oo u dhexeysa laba dhisme, laba beerood, ama laba xero iwm.

0

araasi

m l

Orod iyo ci' uu sameeyo sac dhalay marka uu u soo socdo dhashiisa. ld insaarax¹.

0

araasiyid

m dh

ld insaarixid.

0

arabbikhi

m dh

Galley.

0

arad

m l

Dhul; arlo.

0

arag

f g1 (-rkay, -ragtay; -rki)

1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho.

0

arag-dhowaadka

m l (-rgo ..., m.l)

(daaw.) Xaalad arag oo ay fallaaraha ifku ku dhacayaan meel ka horreysa xuubka aragga (reetina); wixii yaal meel ka fog lix mitir si fiican looma arko, isha oo la khasbana laguma sixi karo. Waa in la qaato murayadaha indhaha oo takhtarku u qoray.

0

arag-qumin

m dh (daaw.)

Awoodda ishu ay ku qumiso dhererka kulmiska bikaacadeeda, ayna u tusto hummaagyo bayaan ah ee walxo yaala fogaanno kala duwan.

0

aragbeel

m l

Eeg: indhabbeelid

0

aragbeelid

m f dh

Eeg: indhabbeelid

0

aragti

m dh (-iyo, m.l)

1. Sida arrin cid ugu muuqato. 2. Awoodda waxgarashada dadka. 3. Arag. Tus. “Nin iyo baadidii aragti baa ka dhexeysa”. 4. Fikrad, mabda' iwm oo cidi rumaysantahay kuna salaysan xeerar iyo qawaaniin gaar ah.

0

aragti-haraa

m dh (-iyo ..., m.dh)

(xis.) Aragtida loo tibaaxo isle'egta f(x) = (xa)gx+f(a) taas oo micnaheedu yahay haddii tibxaale f(x) ee doorsoome x,loo qaybiyo (xa), oo a ay tahay madoorsoome; tibixda haraaga waxa ay le'eg tahay qiimaha tibxaalaha marka x = a. Tibxaalaha sare f(1) = 2+3-1-4= 0, sidaa daraadeed (x-1) waa isir.

0

aragti-isir

m dh (-iyo ..., m.dh)

(xis.) Xaaladda ay (x-a) ku noqonayso isirka tibxaalaha f(x) ee doorsoome x, haddii iyo haddii oo keliya f(a) = 0. Tusale ahaan, haddii f(x) = x +x-6 = 0 f(-3) = 9-3-6= 0; f(2) = 4+2-6 = 0. Sidaa daraadeed isirrada f(x) waa (x-2) iyo (x+3). Aragtida isirka waxa laga soo diiray aragtida haraaga.