Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 13 of 20.
anaaniyo
Wax la jeclaysiga qof naftiisa keliya wax la rabo. ld anaaninnimo.
anafee
Cid anafo u geysasho.
anafo
Dhibaato af iyo addin lagu geysto.
anafoo
Ku a.: arrin ku eedoobid (cid).
anatomi
(baay.) Barashada dhismaha noolayaasha, gaar ahaan xubnahooda gudaha iyada oo la adeegsanayo jeebis iyo baadhitaan weyneyso leh.
andaco
Waxaan la hubin sheegashadooda ama ku doodiddooda.
andacoo
Ku a.: war aan xaqiiqadiisa la hubin ku doodid (cid).
andaqaad
Wax dammiinasho.
andaqaadid
ld andaqaad¹.
aneexo
Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. ld uneexo.
anfac
Cid faa'iido u yeelasho (wax).
anfaco
(2).
anfariir
1. Dareen kulminaya yaab weyn iyo cabsi; argaggax. 2. ld anfariirid.
anfariiri
Cid anfariir ku ridid.
anfariirid
ld anfariir¹.
anfariirsan
Wax anfariir hayo ahaansho. ld hanfariirsan.
anfariirsanaan
ld anfariirsanaansho.
anfariirsanaansho
/dh ld anfariirsanaan.
anficid
ld anfac¹ (3).
angar
1. Qof meel cidla ah uga tegid. 2. Qof dhibaato ku dhaafid.
angaran
Wax la angaray ahaansho.
angarid
ld angar¹.
angarnaan
ld angarnaansho.
angarnaansho
/dh ld angarnaan.
anguugyo
Dareen murugo gocosho ku dheehan tahay leh. ld anguubyo.
anhaydaraydh
(kiim.) Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah: tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.
aniga
Magacuyaal tilmaamaya qofka kowaad ee kelida ah oo ebyoon ah (hadlaha ama qoraha). ld ani.
animoomitir
(fiis.) Qalab lagu cabbiro xawaaraha iyo jihada dabaysha iyada oo halbeeggu yahay intaas oo mayl saacaddiiba ama intaas oo mitir ilbiriqsigiiba.
aniyo
Macacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'iyo'.
anjiina-bektores
Xanuun naaska bidix hoostiisa oo ku fida garabka, gacanta bidix iyo surka. Badanaa wuxuu ka yimaadaa shaqo badan oo jirku sameeyo, nasashadana waa lagu nafisaa.
annaaniyad
(c.naf.) Mowqifka ama dabeecadda ku tusaysa in aad adiga is muujisid naftaada keliya ama aad aaminsantahay in aad ka muhimsantahay dadka kale, adigoo aan xaqiiqsan, mudnaan gaar ahna aad is siisid.
annaga
magacuyaal tilmaamaya qofka kowaad ee wadarta ah oo ka baxsan kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayo. ld anna².
annilliida
(baay.) Faylam ka mid ah laf dhabarla'da oo ka kooban goryaanno maraaraysan, tusaale: dirxi dhuleed. Anniliiduhu wuxu leeyahay jidh jilicsan oo dhululubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaro. Maraarahaasi waxay aad uga muuqdaan dhinaca dusha iyaga oo u taxan sida fargallada ama kaatun. Dhinaca gudaha maraar kasta waxa tan kale u dhexeeya xuub iyo xaad dag.
anoo
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'oo'.
anoofeles
(baay.) Kaneecada dheddig oo qaadda noolaha duumada keena, dadkuna qaniinyadeeda ayaa duumada u keena.
anqaas
Hoore madow oo ka samaysan dhuxul, xabag, caano ama biyo isku riiqan oo ardada dugsiga quraanka wax ku qortaan. ld inqaas.
anqalyo
Nafaqada laga helo caanaha naasleyda.
anqari
Ilmo markaa dhashay caano ama biyo siin. ld canqari.
anqarin
ld anqaris, canqarin.
anqarsasho
ld canqarsasho.
anqarso
Ilmo markaa dhashay caano ama biyo qaadasho. ld canqarso.
ansaar
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed (nnk) iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyay.
ansaarixid
insaarixid.
ansaarixin
insaarixin.
ansaleel
A. ah: barax biyuhu ku badanyihiin. ld ansareer.
ansaleeli
Caano ansaleel ka dhigid. ld ansareeri.
ansaleelin
ld ansareerin.
ansax
Wax diinta iyo sharciga waafaqsan noqosho.
ansaxin
Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
anse
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'se'.
anshax
(etno.)Habka iyo hanaanka qof bulshada uu la noolyahay la dhaqmo; asluub.
anshax-xumaan
ld anshax-xumaansho, anshaax-xumi, anshax-xumo.
anshax-xumaansho
/dh eeg anshax-xumow. ld anshax-xumaan.
anshax-xumo
1. Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. 2. ld ansax-xumaan.
anshax-xumow
Qof anshax-xun noqosho.
anshax-xun
Qof aan anshax wacan lahayn ahaansho.
anshaxdaran
Qof aan anshax wacan lahayn ahaansho.
anshaxdarnaan
ld anshaxdarnaansho, anshaxdarro.
anshaxdarnaansho
/dh ld anshaxdarnaan.
anshaxdarro
Hab xun oo bulshada loola dhaqmo. ld anshaxdarnaan.
anshaxdarroo
Ku a.: cid anshaxdarro kula kicid.
anshi
Anshax; asluub.
ansixi
Wax ansax ka dhigid.
ansixid
ld ansax¹ (2).
ansixin
ld ansixis.
antaradhaaf
1. Wax xadkoodi caadiga ahaa ka batay. 2. ld antaradhaafid.
antaradhaafi
Wax xadkoodi caadiga ahaa ka badin.
antaradhaafid
ld antaradhaaf¹ (2).
antarasayt
(jool.) Dhuxul-dhagaxeed adag oo madow oo dhalaala oo ah dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u sarreeya ee urkaarboonka.
antaro
Xad; seere; sohdin.
antaweeri
Cid si danteeda loo dhaafiyo in muddo ah warwareejin.
antaweerin
ld antaweeris.
anuu
Magcuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani', 'aa 1' iyo 'uu 1'.
anuug
Wax alla wixii sarreeya (cir).
anuun
Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'uun 3'.
anyakow
Ciyaar dhaqameed si gaar ah looga yaqaan degmada Jilib.
aq
A. ah: qof biyo iyo cunto la'aan darteed u liita. ld caq.

