0

afraad

m l

/dh.t.j ld afaraad.

0

afrid

m l

Mayrax, derin iwm oo daaha looga dhigo aqal-Soomaaliga.

0

afrog

f g1 (-gay, -gtay)

1. Weel afkiisa sare hoos marin. 2. Weel waxa ku jira ka wadaddaadin.

0

afrogan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Weel la afrogay ahaansho.

0

afrogid

m f dh

ld afrog¹.

0

afrognaan

m f dh

ld afrognaansho.

0

afrognaansho

m l

/dh ld afrognaan.

0

afruug

m l

Eeg: afuugid

0

afruugid

m dh

Eeg: afuugid

0

afruujin

m dh

Burburinta beer carradeeda la burburiyo lana carrageddiyo.

0

afsaar

m dh

Oodda xerada ariga afka lagaga oodo.

0

aftahan

m l (-nno/-ammo, m.dh)

1. Qof fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.

0

aftahannimo

m dh

Aftahan ahaansho.

0

aftahmo

m dh

1. Awodda qof u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.

0

aftax

m l

Fasax aan caadi ahayn oo ardayda dugsiga quraanka la siiyo.

0

afti

m dh (-iyo, m.l)

Arrin ama qaynuun, in la oggolaado ama la diiddo darteed, ay dowladi shacbigeeda u bandhigto.

0

aftin

m dh (-nno, m.dh)

Meesha ay banka iyo aydu iska galaan. 2. Meel dihin oo aan la daaqin.

0

aftir

m l (-rro, m.dh)

Cad maro ah ama warqad afka lagu tirto.

0

aftirasho

m f dh

Eeg: aftiro

0

aftirid

m f dh

Eeg: aftir²

0

aftiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Qof, wax sida dufan, caano iwm oo afkiisa ku yaal iska bi'in.

0

aftixid

m f dh

Eeg: aftax²

0

aftoolin

m dh

Meel cabsi leh. ld afdoolin.

0

aftuur

m l

Eeg: afxir¹

0

aftuurid

m dh

Eeg: afxirid

0

afur

m l

Eeg: affurid

0

afuran

f mg4 (-rnaa,-rnayd)

Eeg: affuran

0

afuri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof soomanaa afur siin. 2. Qof soon ka jebin. ld afursii.

0

afurid

m f dh

Eeg: affurid

0

afurin

m f dh

ld afursiin.

0

afurnaan

m f dh

Eeg: affurnaan

0

afurnaansho

m l

/dh ld affurnaan.

0

afursan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: affuran

0

afursanaan

m dh

Eeg: affurnaan

0

afursanaansho

m l

/dh ld affurnaan.

0

afursii

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: afuri

0

afursiin

m f dh

ld afurin.

0

afuuf

m l

1. ld afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo carruurta loo xiro.

0

afuufan

f mg1 (-fmay, -fantay; -fmi)

Wax la afuufay noqosho.

0

afuufid

m f dh

ld afuuf¹ (1).

0

afuufmid

m f dh

Eeg: afuufan¹

0

afuufnaan

m f dh

ld afuufnaansho.

0

afuufnaansho

m l

/dh ld afuufnaan.

0

afuufo

m dh

Neef afka, ama wax kale, laga sii daayo.

0

afuug

m l

Caws ka jaridda beer la geed qaaday. ld afuugid.

0

afuugid

m f dh

ld afruug¹, afruugid, afuug¹.

0

afuujin

m dh

Burburinta beer carradeeda lagu sameeyo si loo carrageddiyo.

0

afwaaji

f g2 (-iyay, -isay)

Hadal qof laga filayo in uu sheego, hadal kale oo buriya sheegid.

0

afwaajin

m f dh

Eeg: afwaaji

0

afwebi

m l (--afwebi, m.l)

(juqr.) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.

0

afweyn

m dh

Riciraha tunka tan ugu sareysa ee madaxa ku fadhiyo.

0

afweyn-holac

m l (daaw.)

Halaamacood lafta afweynta ee ka muuqata dhegta dabadeeda oo saameeya gododka laftaas (air space)la xiriiriya godka dhegta dhexe.

0

afxaar

m l (-rro, m.dh)

Qof cay badan oo aan xishoon.

0

afxir

m l

Asraar loo akhriyo xoolo lumay si uusan dugaag u cunin. ld aftuur¹.

0

afxiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Qof soon niyaystay ahaansho. 2. Dugaag si uusan xoolo lumay u cunin wax la afxiray ahaansho.

0

afxirasho

m f dh

Eeg: afxiro

0

afxirid

m f dh

ld aftuurid.

0

afxirnaan

m f dh

ld afxirnaansho.

0

afxirnaansho

m l

/dh ld afxirnaan.

0

afxiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Soon niyaysasho.

0

afxumaan

m f dh

ld afxumaansho, afxumi, afxumo.

0

afxumaansho

m l

/dh eeg afxumow. ld afxumaan.

0

afxumayn

m f dh

Eeg: afxumee

0

afxumee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Qof hadallo aan munasaab u ahayn ku dhihid.

0

afxumi

m dh

Eeg: afxumaan

0

afxumo

m dh

Eeg: afxumaan

0

afxumow

f mg3 (-maaday, -maatay)

Wax afxun noqosho (qof).

0

afxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Wax cay badan ahaansho.

0

afyaal

m l

1. Hoggaamiye; horyaal. 2. Qof cid u qaabbilsan soo dhoweynta. 3. Aftahan. 4. Oodafo. 5. Mir ka duwan iniinaha tusbaxa, dheer, oo soo ooda taxa tusbaxa.

0

afyaqaan

m l (-nno, m.dh)

1. Qof cilmiga afafka aqoon u leh. 2. Qof codkar ah.

0

afyar

m dh

Nooc kalluunka ka mid ah.

0

afyuub

m l (-bab, m.l)

Bayd faal, oo madaxa iyo tan manjaha ka sarreysa min hal ka ah, manjaha iyo tan madaxa ka hooseysana min labo.

0

afyuun

m l

Geed-ubax oo dhacaankiisa laga sameeyo mukhaaddaraad.

0

ag

m dh (-go, m.l)

Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran.

0

agaag

m l

Fagaag. ld agag.

0

agaagse

m l

agaalli m.dh Nuguushi (xiddigo).

0

agaasiman

f mg4 (-innaa, -innayd)

Wax la agaasimay ahaansho.

0

agaasime

m l (-mayaal, m.l)

1. Qof madax ka ah waax wasaaradeed, wakaaladeed, hay'adeed iwm. 2. A. guud: qof dhowr agaasime madax u ah.

0

agaasimid

m f dh

ld agaasin¹ (2).

0

agaasin

m l

1. Xafiis laga maamulo waax wasaaradeed, wakaaladeed iwm. 2. ld agaasimid. Habeynta iyo isku dubbarididda hawsha. 3. A. guud: xafiis laga maamulo dhowr waaxood.

0

agaasinnaan

m f dh

ld agaasinnaansho.

0

agaasinnaansho

m l

/dh ld agaasinnaan.

0

agab

m l

1. Faa'idada iyo waxtarka ay cidi leedahay. 2. Ciirsi; miciin.

0

agabbar

f g1 (-ray, -rtay)

Nafley leyliyid.

0

agabbarid

m f dh

ld agabbarid¹. agabsad m.l ld agabsasho.

0

agabsasho

m f dh

ld agabsad. agabso f.g3 (-saday, -satay) Cid ciirsi ka dhigasho.

0

agag

m l

Eeg: agaag

0

agagaar

m l

Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. ld agaggaar.

0

agagas

m l

Qof aan ka xishoon waxyaabo bulshada uu la noolyahay ceeb ula muuqda.

0

agaggaar

m l

Eeg: agagaar

0

agagse

m l

1. Waxa laga baxsho ama laga qasho xoolo la soo dhaco inta aan la qeybsan. 2. Wax yar oo kororsiimo ahaan loo siiyo qof xoola la soo dhacay oo la qaybsaday wax yar ka helay. ld agaagse.

0

agagsi

f g1 (-iyay, -iday; -iyi)

Cid agagse siin.

0

agagsiyid

m f dh

Eeg: agagsi

0

agan

m l

1. Ceel biyo badan leh; naq badan. 2. A. ah: xoolo, ceel, dhul iwm oo aan intifaac lahayn.

0

agas

m l

Cunto la siiyo dadka aasaya qof dhintay oo qabriga lagu dul cuno.

0

agjoog

f g1 (-gay, -gtay)

Wax meel u dhow ku sugnaan.

0

agjoogid

m f dh

Eeg: agjoog

0

agjooji

f g2 (-iyay, -isay)

Wax, wax kale oo taagan meel u dhow istaajin.

0

agjoojin

m f dh

Eeg: agjooji

0

agliil

m dh (-lo, m.dh)

Cuntada la siiyo arooska toddobada beri ee ugu horreysa.