Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 15 of 20.
aragtida-Darwin
(baay.) Aragtida tadawurka ee ahayd isirka sinjiyada oo Charles Darwin soo saaray 1859, taas oo ilaa haddadadka qaarkood rumaysanyahay sinjiyadu inay ka soo jeedaan noocyada abnaqyada hoose, marka loo eego dariiqadda xulashada dabeeciga.
aragtida-kuwaantam
(fiis.) Aragti ugu horeyntii u soo saaray Maks Blank (1858-1947) oo sharaxaysa kaaha walax madow, wuxuuna soo bandhigay afeef ah in tamarta birlabdanabeedku ku baxdo kuna qaadanto qaybo joogto ahayn oo ku dhufsanayaal abyoon ah. Tusaale ahaan, tamartu waxa ay u baxdaa baakidho yar yar oo isdabajoog ah. Rakaad kasta oo birlabdanabeed waxa la xiriira baakidho yaryar oo tamar ah, ma jirto tamar la helo oo ka yar baakidhadan, kuwaas oo loo yaqaano kuwaantaam ama footoon.
aragtida-Leewis
(kiim.) eeg asiidha Lewis.
aragtiinka-asaasiga-ah-ee-aljebra
Isle'eq tibxaale kasta oo leh sansaanka a z + a,z + a z ... +a z + a =o, taas oo a , a , a ,... iwm ay yihiin tirooyin murakab ah oo leh ugu yaraan hal xidid oo murakab ah.
aragtiinka-asaasiga-ee-kalkulaska-abynan
Aragtiin tibaaxaysa xiriirka ka dhexeeya abyan iyo xigsinayn, taas oo ah, haddii abyanka f(x)dx uu jiro, iyo urliba fansaarka f(x) uu jiro f'(x) = f(x) marka a x b; marka f(x)dx = F(b) - F(a).
aragxumaan
ld aragxumaansho, aragxumi, aragxumo.
aragxumaansho
/dh ld aragxumaan.
aragxun
1. Nafley ay jirro, macluul iwm ka muuqdaan ahaansho. 2. Nafley aan indhaha si fiican wax uga arkeyn ahaansho.
arah
Dad in ay soo gurtaan qaraab miro, xabag, caws iwm u safrid; arahdoon. ld arahdoon².
arahdoonasho
ld arahdoonad.
arahdoonid.
ld arahdoonid.
arahdoono
Dad miro, xabag, caws, iwm. raadsasho.
aram
Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta.
arammi
/dh Xanuun ka dhasha nabar hore oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
aranjaato
Cabbitaan laga sameeyo liinxaali, biyo iyo sonkor oo midab hurdi ah leh.
arar
1. Dhulka u dhow ee ku heeran ceel ama degaan. 2. Gogoldhigga loo sameeyo hadal ama qoraal. 3. Daaqidda ay xoolo la waraabshey soo daaqaan inta ayan rakaadan.
ararasho
ld ararad.
arari
Xoolo cabbay oo la rabo in la rakaadiyo caws geyn.
araro
1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho.3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.
arax
1. Xiriirta lafdhabarta qaybteeda sare oo ay feeraha is-haystaan. 2. Xubin hilib ah oo ka kooban dhowr ricirood iyo cadkooda. 3. Sac, saddex da'ood ama ka badan dhalay.
araxdaaco
Deri.
araxnimo
Arax ahaansho (sac).
araye
Maroodiga lab oo raxanta hoggaamiya; arbe.
arayl
(kiim.) Koox orgaanig ah samaysanta marka atam haydarojiin ah laga saaro haydarokaarboon aroomaatig ah ama mid ka farcamay.
arbaco
Maalinta afraad ee toddobaadka, una dhexeysa talaadada iyo khamiista.
arbe
1. Araye. 2. Shabeelka lab.
arbucuun
Xoolo lumay si Eebbe bahal iyo tuug uga badbaadiyo quraan ama duco u akhrin.
arbucuunaan
ld arbucuunaansho.
arbucuunaansho
/dh ld arbucuunaan.
arbucuunan
Wax arbucuun loo akhriyey ahaansho (xoolo lumay).
arbucuunid
ld arbucuunis
arbush
1. Xaalad xasillooni la'aaneed ee cidi ku sugantahay; qas; lab; rabsho. 2. ld arbushid.
arbushan
Wax la arbushay ahaansho.
arbushid
ld arbush¹ (2), arbushaad.
arbushnaan
ld arbushnaansho.
arbushnaansho
/dh ld arbushnaan.
ardaa
Duggaal kor ka furan, ood ka samaysan, aqallada hortooda laga dhiso oo habeenkii lagu caweeyo ama la seexdo.
ardaaggal
1. Marti u noqoshada reer gabar laga doonayo. 2. A. ah: nin reer uu gabar ka doonayo darteed marti ugu ah. ld ardaadhig¹.
ardaaggelid
ld ardaadhigid.
ardaal
Qof aan ceebta ka xishoon.
ardaalnimo
Ardaal ahaansho.
arday
1. Qof tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. (dh.) Ilmo duqsi quraan dhigata.
ardayad
1. Gabar tacliin nidaamsan oo sanado go'an iyo heerar kala duwan leh ku hawlan. 2. Gabar dugsi quraan dhigata.
ardiyad
1. Cashuur ay dawladdu ka qaaddo qof leh dhul bannaan ama dhismo. 2. Caddaynta lahaanshaha guryaha;mulkiyad.
ardooyin
Duulal la rumaysan yahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo udug iyo raashin; fiqiburaale; wadaaddo.
areebo
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.
areerin
A. ah: hilib jiir ah oo daliigo dhaadheer oo dhuudhuuban laga dhigay.
argaggax
Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumiya la kulmid (qof).
argaggaxsan
Wax argaggaxay ahaansho (qof).
argaggaxsanaan
ld argaggaxsanaansho.
argaggaxsanaansho
/dh ld argaggaxsanaan.
argaggixi
Qof argaggax ku ridid.
argaggixid
ld argaggax¹ (2).
argaggixin
ld argaggixis.
argaggixisannimo
Isticmaalid rabash, dil, afduub iyo dhac si loo gaaro ujeeddo siyaasadeed ama si loogu qasbo dawlad in xukunkeedu wax ka beddesho.
argaggixiso
1. Dad hubaysan oo argaggax dadka ku rida ama dila. 2. Naxdin iyo cabsi weyn oo qofka degganaanta ka lumisa.
argagsanaansho
/dh ld irkigsanaan.
argeeg
/dh Geed nagaar aan qodax lahayn, oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo xididdo dhaadheer oo weelbiyoodka laga tolo.
arhid
ld arah¹ (2), arahdoonid (2).
arho
Arah aadid.
ari
Nooc ka mid ah meesiyada la dhaqdo, ku dhala shan bilood, had iyo jeer la nool xaaska oo ka kooban riyo iyo ido. ld eri¹ (1).
aricad
Riyo.
arifadh
Mindi yar oo ariga lagu qasho.
arijir
/dh A. ah: qof mehereddiisu tahay ari raacid.
aritmatig
Barashada xirfadaha la xiriira xisaabinta, iyadaoo la adeegsanayo tirooyin iyo xisaabfallo, sida; isugeyn, kalagoyn, iskudhufasho iyo isuqaybin. Waxa kale oo ay la xiriirtaa barashada dhismaha habdhiska tirooyinka, iyo sida tiro sansaankeedu loogu beddelo sansaan kale, sida; jajabyada oo loo beddelo jajab tobanle, boqolley oo loo beddelo jajab.
arjantam
(kiim.) Bir ka tirsan curiyeyaasha kalaguurka ah oo u jiri kartaa asal ahaan iyo weliba salfaydh (AgS) iyo kolorayd (AgCl) ahaanba. Summaddeedu waa: Ag. Bar dhalaalkeeduna (b.dh.) 960 C. Bar karkeeduna (b.k.) 2180 C. Cufnaan beeggeeduna waa 10.5, tiroborotoon 47, cuf atammeed 107.87.
arji
Qoraal loo diro dawlad, shirkad, hay'ad iwm oo wax lagu weyddiisanayo ama lagaga cabanayo.
arjibilaago
(juqr.) Koox jasiirado ah.
arjiqore
Qof araaji qora.
arjun
Qof dhagax ku dilid.
arkaan
A.ta islaamka: shanta tiir ee diinta islaanka ku taagan tahay. ld arkaanu-islaan.
arkaniida
Dir ka tirsan artaraboodhaha berriga ku nool kana kooban ilaa 5.000 oo sinji oo ay ka mid yihiin caarada, dabaqallooca, shilinta iyo aboorka. Jidhka arkaniiduhu wuxuu u qaybsamaa qayb hore oo loo yaqaanno madax saabley iyo qayb dambe oo loo yaqaan ubuc.
arkiifiyo
Ururin ama keydin macluumaad, qoraal, dukumentooyin, sawirro, iwm. Kaasoo xambaarsan macluumaad ku saabsan waddan taariikhdiis, meel, urur, qaab sawir, iwm.
arkijireddoon
Qof dano gaar ah oo uu hore u heli jiray darteed aan isbeddel cusub oggolayn.
arkoo
Cid wax ay daneyneyso la kulmid; doorasho.
arkoon
Wax la arkooday ahaansho.
arkoonaan
ld arkoonaansho.
arkoonaansho
/dh ld arkonaan.

