Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 19 of 20.
aw-daare
Ciyaar leh sida mingiska, rooxaan dadka ku soo degta; degaanka webiyada ayaana laga yaqaanaa; mokhoddon; gunjis.
awaaji
Ogeysiinta akhbaar dad badan la ogeysiiyo.
awaalid
aawilid, awaal¹ (2).
awaarayn
awaare m.l Ciid buda ah oo cagta, dabaysha iwm. si sahlan u kicin karaan.
awaaree
Wax soconaya habaas kicin.
awal
Marka hore; waa hore; koowaad.
awdan
Wax buuxsamay ama daboolmay ahaansho.
awdid
ld awd¹.
awdmid
Xubin daloosha ee jirka ka mid ah oo wada xiranta ama qaarkeed awdmo; sida xiidmaha, halbowlayaasha iwm.
awdmid-halbowle-wadne
Marka xinjir ku sameysmato halbowlaha wadnaha dhexdiisa, taas oo keenta in dhiiggu ka xirmo waraabinta wadnaha.
awdnaan
ld awdnaansho.
awdnaansho
/dh ld awdnaan.
aweyti
Habaar, cid Eebbe looga baryo in uu dhaqso u dhinto.
awlaad
1. eeg weled. 2. Carruur.
awlaadsasho
ld awlaadsi.
awlaadso
Duco Eebbe iyo werdi samayn.
awlal
1. Feeraha iyo hilibka saaran. 2. Iskujirka malabka iyo xabagbta shinnida.
awlax
1. Mindi aad u weyn o geela lagu qalo. 2. Jaad warmaha ka mid ah.
awlee
Geel badan si wadajir ah u ololid.
awno
Aseendo; beer weyn.
awood
/mg1 (-day, -dday) (f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.
awood-danabeed
Awoodda danab ee qalab koronto waa xaddiga tamarta ee ku geddisantahay hal halbeeg oo ammin ah. Awood danab waxa lagu cabbiraa Waat, summadduna waa P. Tamar danab QV ItV VI Ammin t t Awoodda danab ee Waat ah waxa lagu helaa taranta keyd faraqa V iyo qulqulka danabka ee Ambiiyeer (A).
awooddaran
Wax awood yar ahaansho.
awooddarnaan
ld awooddarnaansho, awooddarri, awooddarro.
awooddarnaansho
/dh ld awooddarnaan.
awoode
Haddii aad dhinca Illaah fiiriso, waxaad ula jeeddaa, in uu wax kasta ka awood badanyahay.
awoodla'aan
Wax aan awood lahayn; tabardarro; karti la'aan. ld awoodla'aansho, awoodli'i.
awoodla'aansho
/dh ld awoodla'aan.
awoodli'i
'aan.
awoodsii
Cid karti ay wax ku qabato u yeelid.
awoodsiin
ld awoodsiis.
awoowe
1. Aabbaha aabbihiis ama hooyada aabbaheed. 2. u.j: awoowow! 3. u.j: wiilka aan awoowaha u ahayow!; gabadha aan awoowaha u ahayey! ld awow.
awow
awqoosi m.l Gacan yaraha hargaantiga, marka uu herinta la joogo.
awr
1. Geela kiisa lab; rati. 2. A. cirka: urur xiddiga ah oo qaab rati leh.
awradhaye
Nagaar xooluhu daaqaan oo dhirta daawada leh ka mid ah.
awrdhal
1. Awrka markastaba hasha qurbac ka dhalo. 2. Hal da' kasta qurbac dhasha. ld awradhale.
awrdhaw
1. Rimmay gacmeeda lagu sameeyo geedaha aan labeebka ahayn sida timirta; faxlid. 2. ld awrdhebid.
awrdhebid
ld awdhaw¹ (2).
awtaan
Cid aan laga aarsan karin habaarid.
awtomaatig
Qalab isawada oo iskiis u shaqeeya. ld awtomaatiko, otomaatig.
awtomaatiko
ax e.d Cod lagu muujiyo xannuunka ama xaqiraad.
axad
Maalmaha toddobaadka mid ka mid ah oo u dhexeeysa sabtida iyo isniinta.
axadeysi
Durraamo yar oo ay haweenku sameeyaan.
axadeyso
Haween axadeysi sameyn.
axadh
1. Cuntada dhadhankeeda la jeclaysto. 2. Hadalka nuxurkiisa dib loo sii dhadhansado.
axal
Xilliyada dayrta mid ka ah oo u dhexeysa ximirka iyo xayska.
axan
Xoolo la qalo ama cunto kale oo loogu duceeyo qof markaa dhintay.
axar
1. Timir iwm lafo ka saarid. 2. Arrin aad uga baaraandegid.
axaran
Arrin iwm wax la axaray ahaansho. ld axran.
axarnaan
ld axarnaansho, axranaan, axranaansho.
axarnaansho
/dh ld axarnaan.
axdi
Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld cahdi.
axgab
1. A. ah: tabarbeelidda nafley tabar beeshay; jirro, gabow, daal iwm awgeed. 2. ld axgabid.
axgabid
ld axgab¹ (2).
axkaan
1. (dii.) Sharciga Islaanka wax ku xukumo. 2. (dii.) Sharciga u degsan dadka Islaanka ah ee ay ku dhaqmaan.
axmaq
Qof aan caqli badan lahayn; nacas, dabbaal.
axmaqnimo
Axmaq ahaansho.
axranaansho
/dh ld axarnaan.
axsaan
Samo cidi u gasho cid kale.
ay
Eray badanaa lagu isticmaalo dalalka Ustaraaliya, Niyuusilaand iyo Maraykanka oo lagu isticmaalo gobol ay daboosho jidhi; amase, waxaa lagu isticmaalaa gobol dhiraysan oo aan loo bannayn qodaal. Waxaa kaloo si dabacsan loogu isticmaalaa gobol kasta oo dugag ah oo aan loogu talaggelin qodaal.
ay4
Magacuyaal yeele oo matala “iyada” ama “iyaga”. Tus. “Maryan Wiil ay tiqiin ayay maanta suuqa ku aragtay”, “Wiilashu guri ay degganaayeen ayay aadeen”.
ayaamo
1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan². ayaan¹ m.l Awood qarsoon oo qofka la socota dhalashada ilaa dhimashada qofka, sababna u noqota xumo iyo samo waxa uu la kulmayo; nasiib; hoodo.
ayaan
Dharaar iyo habeenkeed; maalin.
ayaandaran
f.mg⁴ (-rnaa, -rnayd) Qof aan nasiib wanaagsan lahayn ahaansho.
ayaandarnaan
ld ayaandarnaansho, ayaandarri, ayaandarro.
ayaandarnaansho
/dh ld ayaandarnaan.
ayaanla'aan
Xaaladda uu ku suganyahay qof aan naasiib wanaagsan lahayn. ld ayaanla'aansho, ayaanli'i.

