Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 18 of 20.
asiili
1. ld asali. 2. Dugsiga caruurta yaryar aadaabta iyo farta lagu baro inta aanay waxbarashada rasmiga ah bilaabin.
asitayl
Kooxda orgaanigga ah ee CH3CO (kooxda itanoyl).
askaaris
(baay.) Abla-ablaynta qaarkeed waxay ka tirsanyihiin duulka loo yaqaan fasmaydiya (Phasmaidia), waxaanay leeyihiin af leh 3 ilaa 6 baabila.
askarayn
ld caskarayn.
askaree
/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g)Askari ka dhigid (qof). 2. (f.mg) Askari iska dhigid.
askari
1. Qof ciidanka dagaallama ka mid ah, welina aanxiddigo iyo alifyo midna la siin; dable. 2. Ciidan dagaallama guud ahaan (xiddigaba ha lahaado). ld askar, caskari.
askarmaroodi
1. Qof aan ahayn shaqaale rasmi ah oo mararka qaarkood uu adeege ka yahay isbitaal, xero militari iwm. 2. Qof askari ahaan loo adeegsan jiray mararka qaarkood miyiga wax ka qaban jiray.
askarnimo
Askari ahaansho. ld askarinnimo, caskarinnimo, caskarnimo.
askax
1. Geed dhirta yaryar ka mid ah oo mirihiisa ceeriinka lagu cuno. 2. Miraha geedka askaxa. 3. A. ka dhig: gumaadid. ld askaax.
askoorbik-asiidh
Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.
askumid
ld askun¹.
aslaax
/mg1 (-xay, -xday) 1. (f.g) Hagaajin; dhul in wax lagu beero u diyaarin. 2. (f.mg)Nabad ka a.: nabad dhax dhigid.
aslaaxi
Nabad ka a.: heshiisiin.
aslaaxid
ld aslaax¹ (2).
aslaaxsan
Islaax ahaansho.
aslaaxsanaan
ld aslaaxsanaansho.
aslaaxsanaansho
/dh ld aslaaxsanaan.
aslan
¹ fk. Erey lagu adkeeyo diidmo. Tus. “Aslanba ha iga qaadin buugga”.
aslanaan
ld aslanaansho.
aslanaansho
/dh ld aslanaan.
asli
1. ld asali. 2. (-iyo, m.dh) Kuul cambar ah.
aslo
Asal marsasho.
asluub
Dhaqanwanaag; anshax.
asluubee
Asluub u yeelid.
asluubeysan
Asluub lahaansho; edebeysan.
asluubeysnaan
ld asluubeysnaansho.
asluubeysnaansho
/dh ld asluubeysnaan.
asmaysan
Wax asma lagu gamay ahaansho.
asmaysnaan
ld asmaysnaansho.
asmaysnaansho
/dh ld asmaysnaan.
asmee
Asmo ku akhriyid; ku ganid.
asmo
Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
asool
1. ld oslid. Baahida neef ida ah oo dheddig u qabo kudmo. 2. A. ah: neef dheddig oo ida ah oo kudmo u baahan.
asoollan
Wan u taga u baahan (lax).
asoollanaan
ld asoollanansho.
asoollanaansho
/dh ld asoollanaan.
asoolli
Wan, lax kudid.
asqayn
ld aqsayn.
asqaysan
1. Nafley jahawareersan ahaansho. 2. Qof aqso hayso ahaansho. ld aqsaysan.
asqaysii
1. Cid wax aqsaysan ka dhigid. 2. Cid hadal ku wareerin. ld aqsaysii.
asqaysiin
ld aqsaysiin.
asqaysnaan
ld aqsaysnaan, aqsaysnaansho, asqaysnaansho.
asqaysnaansho
/dh ld asqaysnaan.
asqee
1. Cid aqso badid. 2. Qof jahawareeri. ld aqsee.
asqo
1. Dayow; dhama'. 2. Biyawaa; harraad. ld aqso.
asqoo
1. Wax harraad dareensan ahaansho. 2. Nafley dayow ku dhaca ahaansho. ld aqsoo, aqsow, asqow.
asqood
ld aqsoobid, aqsood, asqoobid.
asqow
asraar m.dh 1. Cilmi kutubta sixirka laga helo oo loo adeegsado in dadka lagu waxyeeleeyo. 2. eeg sir.
asraarrey
Naag cilmiga asraarta taqaan.
asraarrow
Nin cilmiga asraarta yaqaan.
astaajir
Awr badan oo isku xiriirsan oo xamuul sida.
astaamayn
Astaamo lagu kala qaybiyo hadal qoran sida: hakad, joogsi, kolmo, bilo, laba dhibcood iwm.
astaamaysan
Wax astaan loo yeelay ahaansho. ld astaysan.
astaamaysnaan
astaysnaan, astaysnaansho.
astaamaysnaansho
/dh ld astaamaysnaan.
astaamee
Wax astaan u yeelid. ld astee.
astaan
Summad. ld asto.
astakoo
f.mg³ (-day, -tay) ld ashtakoo.
astaysnaansho
/dh ld astaamaysnaan.
asto
astaan².
astur
1. Cid ceebteeda qarin. 2. Wax dayacan xafidid. 3. Wax xabaalid.
asturan
² f.mg⁴ (-rnaa, -rnayd) Wax la asturay ahaansho.
asturid
ld astur¹ (2).
asturnaan
ld asturnaansho.
asturnaansho
/dh ld asturnaan.
asuul
Xeer aan qorneyn oo dad meel wada deggani leeyihiin.
asxantu
Mahadsanid! ld axsantu.
asyab
1. Dabaylo ka yimaada waqooyi-bari oo doonyuhu uga dhoofaan koonfur-galbeed. 2. Xilliga dabeylaha asyabku dhacaan. ld asjab.
atam
(fiis.) Saxarka ugu yar ee curiye jiri kara kana qaybqaadan kara falgal kiimikaad. Waxa uu ka koobanyahay bu' iyo elektaroonno ku dul wareega. Bu'du waxa ay siddaa saldanab togane ah, elektaroonnaduna waxa ay sidaan saldanab tabane ah. Atamku danabneg ahaan waa dhexdhexaad. ld atom.
atlas
(juqr.) Khariidado la isu soo ururiyay oo loo sameeyay qaab buug.
atool
(juqr.) Shacaabi taxan oo leh muuqaalka garanta ama muuqaalka kabta faraska oo ku wareegsan barkad (haro xeebeed).
atoor
Sagaarada midkeeda lab.
ATP
Iskudhis orgaanika ah oo ka kooban adaniin ribows iyo saddex kooxood oo foosfeyt aan orgaanik ahayn. ATP-du waa niyukliyotaydh. Waxaanay mas'uul ka tahay inay tamarta si ku meel gaadh ah u keydiso intay socoto neefsashada unuggu. Waxay ka samaysantay ADP lagu daray foosfeyt saddexaad taas oo keydisa tamar soona saarta marka looga baahdo dariiqad kale oo dheef samayneed.
aw
1. Nin cibaadeysta oo aan diinta Islaanka wax badan ka aqoon. 2. Awoowyaashii hore. 3. ld aawo, awo¹.
aw-batiiqow
Ciyaar dhaqameed si gaar ah looga yaqaan degaanka Janaale.

