0

acyuun

m dh

1. Jaadadka geela mid ka mid ah. 2. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto. ld cayuun¹.

0

adaa

mu eb

Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'aa 1'.

0

adaadax

m l

1. Socodka lala dhacdhaco tabar darro darteed. 2. Meesha ay iska galaan dhulka iyo buurta.

0

adaadi

m l

Lacag sanuud ah oo qiimaheedu dhanyahay labaatan senti.

0

adaadixid

m f dh

Eeg: adaadax²

0

adaadumasho

m f dh

Eeg: adaadumo

0

adaadumid

m f dh

Eeg: adaadun²

0

adaadumo

f g3 (-untay, -umatay)

Wax unkasho (hanti).

0

adaadun

m l

Unkidda xoolo, aqal iwm la unko.

0

adaahi

m dh

Geed xooluhu ku dhacartaan oo leh sal weyn oo wada buruq ah iyo laamo yaryar oo dhuudhuuban.

0

adaan

mu eb

Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi', 'aa 1' iyo 'aan 1'.

0

adaarbiciid

m l

Nagaar aan qodax lahayn oo ka baxa balliyada iyo togagga, wuxuu leeyahay miro kuwa bunka u eg, dhirta dawadana waa ka mid. ld adarbiciid.

0

adab

m l

Suugaan.

0

adable

m l

Dhul carro cad iyo carro madow isugu jira, geedo dhaadheer ka baxaan oo beerashada ku wanaagsan.

0

adaddaah

f mg1 (-hay, -hday)

1. Madaxwareer yar. 2. Jirro muddo lala jiifey si tartiib ah uga bogsasho.

0

adaddaahid

m f dh

ld adaddaah¹.

0

adag

f mg4 (adkaa, adkayd; ad'adag)

1. Wax aan jilicsanayn ahaansho. 2. Wax xoog iyo karti leh ahaansho.

0

adamaddoon

m l

Qof ugaarsada dugaagga iyo ugaarta intooda halista ah. ld adame.

0

adame

m l (-mayaal, m.l/dh)

Eeg: adamaddoon

0

adami

m l

Nafley ugaarsiga ku nool.

0

adamiyeysasho

m f dh

ld adamiyeysi.

0

adamiyeysi

m l

Eeg: adamiyeysasho

0

adamiyeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Nafley ugaarsi ku noolaan.

0

adan

m dh

1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.

0

adar

m l

1. (-rro, m.dh) Dheri weyn. 2. Qoolley. 3. Geed ka mid ah dhirta aan qodax lahayn.

0

adarbiciid

m l

Eeg: adaarbiciid

0

adayg

m l

Eeg: adkaan

0

addeec

f g1 (-cay, -cday)

Cid amar la faray qaadasho.

0

addeecid

m f dh

ld addeec¹, addeecis.

0

addeecis

m dh

Eeg: addeecid

0

addeecsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax amar la siiyey addeecay ahaansho (qof).

0

addeecsanaan

m f dh

ld addeecsanaansho.

0

addeecsanaansho

m l

/dh ld addeecsanaan.

0

addimaad

m dh

Eeg: addimid

0

addimid

m f dh

ld addimaad, addin¹.

0

addin

m l (-immo/-inno, m.dh)

1. Afarta lugood ee xawayaanka middood. 2. ld addimid.

0

addinmaal

m l (-llo, m.dh)

Eeg: muruqmaal

0

addoomoobid

m f dh

Eeg: addoomow

0

addoomow

f mg1 (-oobay, -owday; oobi)

Addoon noqosho.

0

addoon

m l (-oommo, m.dh)

Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.

0

addoonnimo

m dh

Addoon ahaansho.

0

addoonsad

m l

Eeg: addoonsasho

0

addoonsasho

m f dh

ld addoonsad, addoonsi.

0

addoonsi

m l

Eeg: addoonsasho

0

addoonso

f g3 (-saday, -satay)

Cid addoon ka dhigasho.

0

adduun

m l

1. Dhulka iyo waxa deggan; ifka lagu noolyahay; duni. 2. Hanti badan. ld adduunyo.

0

adduunweyne

m l

Adduunka oo dhan. ld adduun.

0

adduunyo

m dh

Eeg: adduun

0

adeeg

m l

1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.

0

adeegasho

m f dh

Eeg: adeego

0

adeege

m l (-gayaal, m.l/dh)

Qof dadka u adeega.

0

adeegid

m dh

Eeg: adeeg²

0

adeego

f mg3 (-gtay, -gatay)

1. Cunto maalmeed suuq ka soo iibsasho. 2. Hawl keligii qabsasho (qof).

0

adeegsad

m f dh

Eeg: adeegsasho

0

adeegsasho

m f dh

ld adeegsad, adeegsi.

0

adeegsi

m l

Eeg: adeegsasho

0

adeegso

f g

/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tus. “Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.

0

adeegto

m dh (-ooyin, m.l)

Haweenay shaqo hoosaad ka qabata guryaha, xafiisyada iwm.

0

adeer

m l (-rro, m.dh)

1. Nin waxa uu u yahay ilmaha walaalkii dhalay. 2. Hab xurmo leh oo qof da'weyn loogu yeero. 3. (u.j) adeerow! 4. (u.j) wiilka aan adeerka u ahayow!; gabadha aan adeerka u ahayey!.

0

adeernimo

m dh

Adeer ahaansho.

0

adeeryo

m dh (-ooyin, m.l)

Goodirka midkiisa dheddig. ld aadeer.

0

adhaxle

m l u (baay.)

Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

0

adi

mu eb

Eeg: adiga

0

adiga

mu eb

Magacuyaal tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha). ld adi.

0

adinayn

m dh (-no, m.dh)

(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada DNA iyo RNA.

0

adiyo

mu eb

Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'iyo'.

0

adkaan

m f dh

ld adayg, adkaansho.

0

adkaansho

m f dh

ld adkaan.

0

adkayn

m f dh

Eeg: adkee

0

adkaysad

m l

Eeg: adkaysasho

0

adkaysan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la adkeeyay ahaansho.

0

adkaysasho

m f dh

ld adkaysad, adkaysi.

0

adkaysi

m l

1. Dhibaato hawl, xanuun, dhabar'adayg u lahaansho; dulqaad. 2. ld adkaysasho.

0

adkaysiinyo

m l

Dulqaad loo yeesho dhibaato.

0

adkaysin

m l

Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iwm.

0

adkayso

f g

/mg3 (-stay, -satay) 1.(f.g) Gunti, xarig iwm oo dabacsan dhuuqsasho. 2. ku a.: hadal, fikrad, mowqif iwm iska beddelid la'aan. 3. (f.mg) U a.: dhibaato dulqaad u yeelasho; hawl, dhib, xanuun adkaysi u lahaansho; dulqaadasho.

0

adke

m l (-kayaal, m.l/dh)

1. (fiis.) Maatarka saddexdiisa qaybood middood oo leh mug iyo qaab go'an, iskana caabida xoogagga qaabkeeda beddelaya. 2. (xis.) Shaxan joomaterikaad oo saddex aaddimood leh. 3. (xis.) A. lix salaxaale: shaxan adke ah oo leh lix weji oo barbarooleyaal ah. 4. (xis.) A. uumiyoobe: wejigeddoonka adkuhu ku noqdo neef isaga oo aan marka hore dhalaalin.

0

adkee

f g2 (-keeyay, -kaysay)

1. Wax adag ka dhigid (wax). 2. Gunti, xarig iwm si aad ah u dhuujin.

0

adkow

f mg3 (-kaaday, -kaatay)

1. Wax adag noqosho (wax). 2. Ka a.: wax ka lib helid.

0

adna

mu eb

Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'na 2'.

0

adoo

mu eb

Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'oo'.

0

adooga

m l

Aabbe.

0

adse

mu eb

Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi' iyo 'se'.

0

aduu

mu eb

Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi', 'aa 1' iyo 'uu 1'.

0

adwaar

m dh w

ǫor. adyad m.dh Cay iyo aflagaaddo cid aan mutaysan lagu yiraahdo; aabi; faduul.

0

adyadee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Cid adyad ku samayn.

0

adyadeyn

m f dh

Eeg: adyadee

0

af

m l (afaf, m.l)

1. Xubinta nafleydu ay wax ku cunto oo bushimaha, carrabka iyo ilkuhu ay ku yaalliin. 2. Dhinaca ay middidu wax goyso.3. Waddo, tog, xarig iwm dacalka ay ka bilowdaan. 4. Wax guda leh meesha wax looga shubi ama gelin karo. 5. A. leh: sida fiican ee birta la adeegsadaa wax u goyso.

0

afaaf

m l (afaaf, m.dh)

Meesha furan ee aqal, xero iwm laga galo ama laga baxo; kadin; irrid.

0

afacaayil

m dh w

Eeg: ficil

0

afaggaal

m l

/dh Toddobada xiddigood oo roqaha ah tan ugu dambaysa, una dhexeysa nuguushicad iyo naafcadde.

0

afar

m dh t

Tirada saddexda iyo shanta u dhexayso; “4”.

0

afar-jiho

m dh (juqr.)

Afarta geesood ee muhiimka ah ee kambaska: woqooyi, koonfuri, bari iyo galbeed.

0

afar-madaxle

m l (c.nafl.)

Muruqyada ugu waaweyn ee lugta fidiya midkood, wuxu ku yaal bowdada.

0

afaraad

m l

/dh.t.j Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. ld afraad.

0

afardhegood

m l

/dh 1. Sagaarada lab ee kolkaas u soo baxeen geeso la arki karo oo kolkaa la moodo in ay afar dhegood leedahay. 2. Fallaar dhegtiiba laba tarfaaq leedahay, ama afar geesood oo geeskiiba dheg leeyahay. 3. Digir markaa soo baxday oo afar caleemood leh.

0

afaree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Tiro afar ka dhigid.

0

afareyn

m f dh

ld afareys.

0

afareys

m l

Eeg: afareyn

0

afareysad

m l

Eeg: afareysasho