Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 10 of 20.
akhirnaan
ld akhirnaansho.
akhirnaansho
/dh ld akhirnaan.
akhlaaq
Dabeecad, dhaqan.
akhri
/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Erayo ama weedho qoran daalacasho ama kor ugu dhawaaqid.
akhriso
Wax qoran daalacasho.
akhriye
Nin raadiyaha, telefiishinka iwm war ka sii daaya.
akhriyid
ld akhrin, akhris.
akhyaar
Nin wax garad ah. ld ikhyaar.
akid
1. Cid ra'yigeeda ku raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa sugid.
akidid
ld akidis.
akrobalus
Qalcadihii ku yiil magaalooyinkii Giriiggii ee waqtiyadii hore.
akson
(c.nafl.) Qaybta dheer ee miiqan ee unugga dareen wadka. Waxay ka soo qaaddaa unugyo dareen wade, dareen wadaha unugga jidhka, iyada oo u gudbinaysa organka dhaqdhaqaaqa ama maskaxda.
al
/mg1 (yiil, tiil; aalli) 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. ld ool², oollow.
alaab
caydhiin.
alaab-caydhiin
1. Walax ama shay dabiici ah oo aan gelin weli warshado ama aan la farsamayn. 2. Alaab ay isticmaalaan warshaduhu si ay u farsamotumaan uguna beddelaan alaab la isticmaali karo; alaabta caydhiin waxaa qayb ahaan ka mid ah alaab farsamotuman, oo ay ka mid yihiin looxa jarjaran, burka qamadiga, kuwaas oo sii mara farsamotumid dheeraad ah. ld alaab ceyriin.
alaabee
Guri, xafiis iwm alaabo dhigid.
alaah
Qof baryo badan oo aan xishoon.
alaakood
Maaweelo iyo sasabidda carruur lagu aamusiiyo.
alaakoodi
Alaakood sameyn.
alaakoodin
ld alaakoodis.
alaal
Qof si sahlan ula qabsan karo dad iyo dal uusan aqoon; qof galgal badan oo dhiiran.
alaalabbaq
Cabsi kaddaray ah dareemid.
alaalabbiqid
ld alaalabbaq¹ (2).
alaalax
1. Socod lala dhacdhacayo tabar darro awgeed; 2. A. ah: qof sakhraansan.
alaale
Qof dhallinyar, waayo aragnimo lahayn, oo isla weyn.
alaalennimo
Alaale ahaansho.
alaalnimo
Alaal ahaansho.
alaalo
Nooc caws ka mid ah oo dhaadheer.
alab
Ged; caado; dabci.
alabbas
1. Orod aan caadi ahayn oo baqdini ku jirto. 2. ld alabbasid.
alabbasid
ld alabbas¹ (2).
alabbaslee
Alabbas sameyn (nafley).
alabbasleyn
ld alabbaslays, alabbasmays, alabbasmeyn.
alal
Xanuun la taahid.
alalaas
Mashxarad samayn.
alalaasid
ld alalaas¹ (2).
alalad
1. Riyo; dhadhab. 2. Qaraw. 3. ld alaladid.
alaladi
Ka a.: cid alal ka keenid. ld alaladsii.
alaladid
ld alalad¹ (3).
alaladin
ld alaladsii.
alalaxi
Nafley yar oo biyaha ku nool, bocool ku dhex jirta oo kaadi-dhiigga noolihiisa korisa.
alamsasho
ld alamsi.
alamso
Si degdeg ah wax u liqid.
alan
Xubnaha geedka qasabka middood.
alawaad
Meel wax lagu karsado; jiko.
albaab
Bir, loox iwm oo hab gaar ah loo sameeyey oo guryaha irdahooda lagu awdo.
albaaban
Wax la albaabay noqosho (irrid).
albaabjooge
Qof guri weyn, xafiis iwm ilaaliya oo iridda laga soo galo jooga.
albaabnaan
ld albaabnaansho.
albaabnaansho
/dh ld albaabnaan.
alcood
Noocyada shiraaca doonyada kan ugu weyn.
aldhihaydh
(kiim.) Qayb ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay tahay koox alkayl ama arayl ah.
aleeggad
Luuq macaanoo haweenku hees hawleedka ku qaadaan.
aleel
Bocol yaryar oo xeebaha badaha laga helo oo weelasha lagu qurxiyo; laji.
aleelaale
Nooc dibqallooca ka mid ah oo aad u weyn oo dabada midabbo kala duwan ku leh, waabaayo halis ahna leh.
aleelatuur
Nooc faalka ay haweenku dhigaan ka mid ah oo ay aleesha ku faaliyaan.
aleelaysan
Wax aleel loo yeelay ahaansho.
aleelaysnaan
ld aleelaysnaansho.
aleelaysnaansho
/dh ld aleelaysnaan.
aleelee
Wax aleel ku qurxin.
aleemi
Aleen ka dhawaajin (geel).
aleemin
ld aleemis.
aleen
/dh (-eemo, m.dh) Koor yar oo geela loo xiro.
alfaan
(4).
alfiyoole
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu kadhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
algoordan
(xis.) Urur qaanuunno ah oo hagaag u qeexan, loona adeegsado furfirista mas'alad iyada oo la qaadayo tallaabooyin tiradoodu koobantahay.
alhuumo
Dhibaato weyn; belo.
alif
1. Xarafka ugu horreeya farta Carabiga. 2. Alifba'. 3. Astaan alifka u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. (alfaan, m.dh)Darajo la siiyo sarkaalxigeenka.
alifaatig
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.
alifba'
Xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shaqallo iyo Shibbanayaal; alif. ld alif.
alifle
Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo darajadiisu hal alif tahay.
alifley
1. Carruur dugsi ku jirta oo alifka dhigata. 2. Ciidamada inta alif sidata.
aliil
(baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.
aliindi
Dhar gacanta lagu sameeyo, adag, midabbo iyo noocyo badan leh, oo Soomaaliya lagu sameeyo. ld iliindi.
aljebra
Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto habdhisyada tirooyinka iyo astamahooda guud ahaan. Waxa la adeegsadaa xuruufo ama summado u taagan xaddiyada, iyo astooyin u taagan iskuxiridda xaddiyada ama tirooyinka.
alji
(baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
alkaali
(kiim.) Beys xooggan oo biyaha ku milma. Ereygani wuxuu tilmaamayaa haydarogsaydhada biraha alkali (ururka I) oo keliya, hasayeeshee sida caamka ah waxaa loo isticmaalaa beys kasta oo milma.

