abeesaxambaar
A. ah: ilmo ku jira marxaladdii gurguurashada.
abeeso
Nooc halaqa ka mid ah, halis ah, gaabiya oo leh madax weyn, barabaro iyo neef ay isku difaacdo oo hadba ciidda ay ku nooshahay midabkeeda yeelato.
abeesow
Cudur maqaarka dadka ku dhaca oo u yeela barbaro kuwa abeesada u eg.
abguri
Abeeso aad u weyn oo waxaraha, bakaylaha, sagaarada iwm. liqda.
abhi
Qof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. ld ahbi.
abhin
ld abhis, ahbin, ahbis.
abitey
Warqad qaab shimbireed leh oo inta dun dheer lagu xiro caruurtu hawada ku laliyaan; dawaarad.
abjac
A. ah: qof madax adag oo garmaqaate ah.
abjacnimo
Abjac ahaansho (qof).
abjad
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.
abkow
1. Awoowe. 2. Awoowe aabbihiis; abuullan.
abkownimo
Abkow ahaansho.
abla'ablayn
Barashada aragtida, jaraynta, iyo xeerarka kala soocidda naflayda kuwii dabar go'ay iyo kuwa hadda jooga.
ablaawe
1. Qof aan ciddii uu ka soo farcamay la aqoon. 2. Qof aan meher ku dhalan; wacal; garac.
abley
Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. ld amley.
abnaq
(xis.) Tirada soo baxda marka la isku dhufto dhammaan abyooneyaasha togan ee ka yar ama le'eq abyoone togan ee la isa siiyey. Abnaqa abyoone n oo loo qoro n! waa: (n - 1) (n - 2) (n - 3) ... 3. 2. 1. Cidala isku raacay o! = 1.
aboodi
Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.
aboor
Waxar ayadoon naaskii hooyadeed ka go'in biyo-cabbid bilowday.
aboornimo
Aboor ahaansho (waxar).
abootannimo
Abooto ahaansho.
abooto
Hooyada hooyadeed ama aabaha hooyadii; ayeeyo, macooyo.
abooto-idabbadis
Ayeeyo-lugdheer.
abqaad
(baay.) Ka rujinta geedka laga rujiyo meel ee la geeyo meel kale. Tus. “Ka saaridda geed dheri lagu beeray ee loo wareejiyo dhulka”.
abqo
Miro dhuuban, galoolan, dhexda iniino ku leh, quracu bixiyo oo xooluhu cunaan; dhameel. ld aqbo, qabco.
abraar
1. Orod degegsiinyo leh oo hadba dhan loo ordo. 2. abraarid. ld abraarid.
abraarid
ld abraar¹ (2).
abraarsii
Wax meel ciriiri ah xoog ku dhex marin.
abriil
Bisha afraad ee sannadka miilaadiga ah. ld abriile.
abris
Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
absaxan
Waalid, isir, ab.
abshir
1. War wanaagsan oo farxad leh. 2. Dariiq toosan oo kheyr lagu gaaro. Tus. “Abshirta Alle hana waafajiyo”.
absiisa
Kulanka-x oo barbarro ahaan loogu cabbiro dhidibka-x ee habdhiska kulanka kaartis.
abti
1. Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu walaalkeed u yahay. 2. u.j. abtiyow! 3. u.j. wiilka aan abtiga u ahayow!; gabadha aan abtiga u ahayey!
abtibadbaadeed
Haweeney carruurta ay dhashay waxa uu ina adeerkeed u yahay.
abtinnimo
Abti ahaansho.
abtiri
U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
abtirin
ld abtiris.
abtiris
abtirsiinyo.
abtirsasho
ld abtirsad, abtirsi.
abtirsi
abtirsiinyo.
abtirsiinyo
Aqoonta ku saabsan awoowayaashii hore magacyadooda iyo siday isu xigeen; abnaq. ld abtiris, abtirsi, abtirsiimo, abtirsiino.
abtirso
1. Qof abtirsiinyadiisa sheegasho. 2. Ku a.: awoowo hore abtirsiinyo ku gelid.
abtisarow
Sarmooyinka dhabannada iyo labada indhood dhexdooda carruurta uu ka saro abtigood durugsan; sarow.
abtiyow
Soo bixidda gabar qaangaartay naasku u soo baxo. Tus. “Naas abtiyow ayaa u soo baxay”.
abur
/dh Xumbo (siiba midda uu soo saaro aworka qooqan). ld ubur.
aburi
Abur yeelasho ama soo saarid (siiba awrka qooqan). ld uburi.
aburin
ld uburin.
abuuddoocan
Timir yaryar, guduudan, aad u macaan oo ka baxda degmada Doocan ee Yaman. ld abuuddocan.
abuudiiq
A. ah: badeeco diiq, astaan ahaan dusha kaga sawiran.
abuullan
Awoowayaal hore oo cidi ka soo farcantay.
abuumaqas
1. Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay, toban lugood oo labada hore u egyihiin maqas oo la cuno; koombe. 2. Nooc ka mid ah sigaarradii 40kii iyo 50kii Soomaaliya laga cabbi jirey oo dusha maqas kaga sawirnaa.
abuur
1. (m.l.u) Miro loogu tala galay in wax lagu beero. 2. ld abuurid.
abuuran
Wax la abuuray noqosho.
abuurcas
/dh Nooc meseggada ka mid ah, oo midab guduud iyo caddaan u dhexeeya leh.
abuure
1. Eebbe. 2. Qof wax abuuraya ama wax beeraya.
abuurid
ld abuur¹ (2), abuuris, abuuritaan.
abuurid.
2. Wax kor u qadiid, taagid.
abuuris
; abuur².
abuurnaan
ld abuurnaansho.
abuutufaax
A. ah: macwiis tufaax astaan u ahi ku sawiran yahay.
abwaan
1. Buug ama buugag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku uruursanyihiin. 2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 3. A. ah: nin garasho aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh. 4. (riw.) Qof riwaayadaha curiya.
abwaanad
1. Haweeney curin iyo hal-abuur suugaaneed leh. 2. A. ah: haweeney garasho, aqoon iyo waaya aragnimo dheeraad ah leh.
abwaannimo
Abwaan ahaansho.
abxad
Shandad weyn, maqaar ka samaysan oo reer miyigu wax ku gurtaan.
abyamid
ld abyan¹ (2).
abyan
1. Garasho ama dareen, wax silloon ama lala yaabo, ay dhaliyaan; amakaag; ashqaraar. 2. ld abyamid.
abyanaha-logaridam
Qayb ka mid ah logaridamka tiro ee ah abyoonaha ku yaalla bidixda barta tabanlaha ee ku jirta logaridamka.
abyane-huban
(xis.) Jawaabta abyanka fansaar kasta ee hal doorsoome f(x), ee u dhexeeya laba qiime oo magacaaban ee x: x, iyo x2.
abyin
(xis.) Habka lagu raadiyo abyanku huban ama aan hubanayn. Abyintu waa weydaarka xigsinaynta. Tusaale ahaan, haddii f(x) ay tahay fansaarka ee x oo marka la diiro ku siisa f(x), markaa F(x) waxa la yiraahdaa abyin ama lidka diirane ee f(x).
abyin-jeexeed
(xis.) Hab lagu sammeeyo abyinaynta taranka laba fansaar iyada oo la adeegsanaayo jidka: u (dv/dx)dx = uv - v (du)dx, oo loo adeegsan karo qiimeynta abyinka ee taran.
abyineed-aan-hubnayn
Abyanka aan hubanayn ee fansaarka f(x) waa fansaar F(x) oo diiranihiisu leegyahay f(x). Waxa kale oo loo yaqaan lidka diirane; abyineed.
abyineed-huban
huban.
abyood
Ku a.: ficil isla weyni iyo xadgudub leh cid kula kicid; gardarreysi qof.
abyoone
(xis.) Urur ka kooban tirooyinka idil ee togan iyo kuwa taban; 0, 1, 2, 3, 4, ... Abyooneyaasha togan ee 1, 2, 3, 4,... waxa lagu magacaabaa tirooyinka tirsiimo ama kuwa wax lagu tirsado.
acuudu-billaahi
Eray Eebbe looga magan galo wixii la sharaysto. ld cawdu-billaahi.
acuudu-billaysasho
ld acuudu-billeysad, acuudu-billeysi, cawdu-billeysad
acuudu-billeyso
Ka a.: wax shartooda Ilaah ka magan gelid. ld cawdu-billeyso.

