abaaldaran
Wax aan abaal lahayn ahaansho (qof).
abaaldarnaan
ld abaaldarnaansho.
abaaldarnaansho
/dh ld abaaldarnaan.
abaaldarro
Gudid ama aqoonsi la'aanta abaal la isu galay. ld abaaldarnaan.
abaaldhac
Samo la isu galay oo wixii uu mudnaa aan lagu gudin. ld abaaldhicid.
abaaldhicid
ld abaaldhac¹.
abaaldooris
Samafal la isu galay oo xummaan lagu beddelo.
abaalgud
1. Wax qiimo leh oo la siiyo qof hawl dheeraad ah qabtay;
abaalgudid
ld abaalgud¹.
abaalhay
U a.: cid, cid kale oo samo u gashay u aqoonsanaan.
abaali
A. ah: haan duug ah oo biyaha sii daysa; boos.
abaalmari
Qof u abaalgudid.
abaalmarin
ld abaalmaris.
abaalmarin.
2. ld abaalgudid.
abaar
Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
abaarayn
ld abaaraysiin.
abaaraysan
Wax abaari haleeshay ahaansho (dhul).
abaaraysasho
ld abaaraysad, abaaraysi.
abaaraysnaan
ld abaaraysnaansho.
abaaraysnaansho
/dh ld abaaraysnaan.
abaarayso
Wax abaari ku dhacday noqosho (meel). ld abaarso.
abaaree
Wax abaar ah ka dhigid (meel). ld abaaraysii.
abaarikeentay
/dh.u Dad aan dhulka ku dhalan oo waa dambe dalaw ku yimid.
abaarow
Wax abaari ku dhacday noqosho (meel).
abaarsasho
abaaraysasho.
abaaseere
Qof madax ka ah goobta booranaha ama mingiska lagu tumo. ld abbaseere.
abab
Ubad xoolaad oo daaq barad ah. ld abaab¹, ababid.
ababi
1. Ubad xoolaad daaq barid. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iwm barid. ld abaabi.
ababid
ld abaab¹, abaabid, abaabis, abab¹, ababis.
ababin
ld abaabin.
abad
Markii magacuyaal lahaansho lagu lifaaqo wuxuu la micna yahay “weligii”. Tus. “A.kii ma imaan” oo la mid ah “weligiis ma imaan”. ld abadan, abid, abiid, ebed.
abadan
Eray lagu muujiyo diidmo adag. ld abad.
abaddar
1. Qof aan waxba laga dhaadhicin karin; macangag. 2. Geesi aan caqli lahayn.
abaddarnimo
Abaddar ahaansho.
abakaar
Haweeney waxyaabo yaryar ka ganacsata.
abakaarnimo
Abakaar ahaansho.
abaqaal
Tallaalidda laan geed laga soo gooyay lagu tallaalo geed kale. ld abqaalid.
abaqaalid
ld abqaal¹.
abasax
(Hal) wax abaahin u baahan noqosho.
abasaxi
1. Baahida ay hal ama qaalin geel ahi u qabto abaahi. 2. A. ah: hal ama qaalin geel oo u baahan abaahi.
abasaxnaansho
/dh ld abasaxsanaan.
abasaxsan
Wax abaahin u baahan ah ahaansho (hal).
abasaxsanaan
ld abasaxnaan, abasaxnaansho, abasaxsanaansho.
abasaxsanaansho
/dh ld abasaxsanaan.
abashuqle
Guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey. ld aburshuqle.
abashuqlee
Abashuqle samayn (awr). ld aburshuqlee.
abashuqleyn
ld aburshuqlayn.
abataqan
Meel aad uga fog qofka hadlaaya.
abaydimi
Ilmo yar abaydin ka dhigid.
abaydin
/dh.kh A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.
abbaan
1. Qof cid magan geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.
abbaanduul
Cilmiga barashada hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka. ld ammaanduul.
abbaanduule
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.
abbaannimo
Abbaan ahaansho.
abbaansasho
ld abbaansi.
abbaanso
Cid abbaan u noqosho (qof).
abbaanwarre
Laba isu dhaxday kan labka ah; say.
abbaar
1. Meel ku aadkeeda. 2. ld abbaarid.
abbaaran
1. Ku a.: wax waqti go'an meel ku aaddan noqosho. 2. Ku a.: wax meel ku aaddan noqosho.
abbaare
Qiyaasta ugu dhow wax aan la hubin oo la qiyaaso. Tus. “Waxaan ku sugayaa abbaaraha lix saac”.
abbaarid
ld abbaar¹.
abbaarnaan
ld abbaarnaansho.
abbaarnaansho
/dh ld abbaarnaan.
abbaarqaado
Ka a.: meel jahadeeda meel kale uga tilmaan qaadasho.
abbaarsii
Wax meel ama wax kale ku aaddin.
abbaato
Hor iyo a.: fal la sameeyo inta aan ujeeddo la lahaa lagu dhaqaaqin. Tus. “Inta aynaan badda aadin hor iyo abbaato aan shaah cabno”.
abbaay-abbaay
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).
abbaaye
1. Wax ay gabadhi u tahay wiilka ama gabadha la dhalatay. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo gabdhaha wada dhashay ama xigto ah ama is jecel isugu yeeraan. 3. Gabadhi waxa ay u tahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abbaay, abbaayo.
abbaayguddoy
Cayayaan jiriiqaaqa iyo ayaxa la bah ah oo leh madax ka weyn jirka intiisa kale iyo lix lugood oo ay labada hore dhaadheeryihiin. ld ayeeyo-lugdheer; abooto-idabbadis.
abboowe
1. Waxa wiil u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. 2. Erey “walaal” ka dhigan oo kuwa wada dhashay ama xigto ah ama is jeceli isugu yeeraan. 3. Wiil waxa uu u yahay ilmaha la dhashay ee ka yaryar. ld abboow, boowe.
abdo
Qiimo; aayo; faa'ido; rajo.
abeer
1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. ld ameer.
abeesabbadeed
Nooc mallay badeedka la mid ah oo abeesada u eg.
abeesajilfaaley
Abeeso aad u weyn oo bakeylaha, sagaarada iyo ugaarta yaryar liqda. ld abeesojufaaley.
abeesalugaley
Berribiyood afar addin, dabo dheer iyo harag leh oo yaxaaska u eg, kana jurmi yar; masalugaley; riyanuug.

