0

arlaa'i

m l

Eeg: arlo

0

arli

m l

Eeg: arlo

0

arlo

m dh

1. Dhul ballaaran. 2. Dal; waddan. ld arlaa'i, arli.

0

armaa

fk. Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa. Tus. “Armuu Cali ii imaan doonaa”. ld amaa.

0

armaadyo

m dh

Eeg: armaajo

0

armaajo

m dh (-ooyin, m.l)

Qalab qori ama bir ka samaysan oo guryaha iyo xafiisyada la dhigto, leh qaabab kala duwan iyo khaanado dharka, dukumentiga, maacuunta iwm lagu rito. ld armaadyo.

0

armac

m l

A. ah: dhagxaanta nooca ugu adag, dhalaala, midabbo kala duwan leh oo aan burburin.

0

aroomaatig

m l (-gyo, m.dh)

(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo dhiskiisu ka koobanyahay giraamo bensiin ah.

0

aroor

m l

1. ld aroorid. Doonashada nafley oommani ay meel biyo ka doonato. 2.(-rro mdh.) Dhudhub yar oo biyo dhulka ka jeexeen. 3. Sheexo. 4. A. ah: xoolo ooman oo biya doonad ah.

0

arǫor

m dh

Waqtiga u dhexeeya marka waagu dillaaco ilaa marka qorraxdu soo baxdo. ld arooryo.

0

aroore

m l (-rayaal, m.l/dh)

(baay.) Dhuun dhiig oo dhiigga ku shubta wadnaha.

0

aroore-holac

m l (-cyo, m.dh)

(daaw.) Halaamacoodka xididdada dhiigga ku cesha (aroore), sida badan waxaa lagu arkaa lugaha wuxuuna ku dhacaa aroore ballaartay oo laalaaban (varicose veins). Arooruhu xanuun badan ayuu yeelanaya waana adkaanaya maqaarka korkiisa ahna waa kululaanayaa waana casaanayaa. Xinjir xirikareysa xididdada ayaa inta badan sameysmata.

0

aroore-qaade

m l (-dayaal, m.l/dh)

(daaw.) Aroore kasta oo dhiig ka soo qaada tintaafyo dhiig oo wada shaqeeya oo toos ugu soo gudbiya tintaafyo kale oo wada shaqeeya una yaalla qayb kale oo jidhka ka mid ah, isaga oo aan ku celinayn wadnaha.

0

arǫorhoraad

m dh (-ddo, m.dh)

ǫoryohoraad.

0

aroori

f mg2 (-iyay, -isay)

1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.

0

aroorid

m f dh

ld aroor¹ (1).

0

aroorin

m f dh

ld arooris.

0

arooris

m l

Eeg: aroorin

0

aroornimo

m dh

Waqti aroor ah.

0

aroorsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax, meel aad ugu libdhay ahaansho.

0

aroorsanaan

m f dh

ld aroorsanaansho.

0

aroorsanaansho

m l

/dh ld aroorsanaan.

0

arǫoryo

m dh

(ø)r.

0

arooryohoraad

m dh (-ddo, m.dh)

Marka oogga waaberi dilaaco. ld aroorhoraad.

0

aroos

m l (-syo, m.dh)

1. ld aroosid. Ciyaaro iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.

0

aroosad

m dh

Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. ld caruusad.

0

aroosgal

f mg1 (-alay, -ashay; -geli)

Eeg: aqalgal²

0

aroosgeli

f g2

(-iyay. -isay ld aroosi.

0

aroosgelid

m dh

Eeg: aqalgelid

0

aroosgelin

m f dh

Eeg: aroosin

0

aroosi

f mg2 (-iyay, -isay)

U a.: qof guurkiisa tabaabusheyn. ld aqalgeli, aroosgeli.

0

aroosid

m f dh

ld aroos¹ (1), aroosgal¹, aroosgelid.

0

aroosin

m f dh

ld aqalgelin, aroosgelin.

0

arraajo

m dh (-ooyin, m.l)

Areebo; basari.

0

arrad

m l

1. Xaaladda uu ku suganyahay qof dharkiisu duugoobay ama jeexjeexmay. 2. ld arradid.

0

arrad-tir

m l

arratirid.

0

arrad-tiran

f mg4 (-naa,-nayd)

Eeg: arratiran

0

arrad-tirasho

m dh

Eeg: arratirasho

0

arrad-tirid

m dh

Eeg: arratirid

0

arrad-tirnaan

m dh

Eeg: arratirnaan

0

arrad-tirnaansho

m l

/dh ld arratirnaan.

0

arrad-tiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Eeg: arratiro

0

arradan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Wax arrad hayo ahaansho.

0

arradbax

f mg1 (-xay, -xday; -bixi)

Dhar arradka looga baxo helid.

0

arradbaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax arradbaxay ahaansho (qof).

0

arradbaxsanaan

m f dh

ld arradbaxsanaansho.

0

arradbaxsanaansho

m l

/dh ld arradbaxsanaan.

0

arradbixi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof arradbax siin.

0

arradbixid

m f dh

ld arradbax¹ (2).

0

arradbixin

m f dh

Eeg: arradbixi

0

arradi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof arrad badid.

0

arradid

m f dh

ld arrad¹ (2).

0

arradin

m f dh

Eeg: arradi

0

arradnaan

m f dh

ld arradnaansho.

0

arradnaansho

m l

/dh ld arradnaan.

0

arradsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax arrad hayo ahaansho.

0

arradsanaan

m f dh

ld arradsanaansho.

0

arradsnaansho

m l

/dh ld arradsanaan.

0

arrafo

m dh

Bilaha sannadka soomaaliga ee dayaxa tan ugu dambeysa oo xajka la guto. ld carrafo.

0

arratir

f mg1 (-ray, -rtay)

U a.: qof arradan arratirsiin. ld arrad-tir².

0

arratiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la arratiray ahaansho (qof). ld arrad-tiran.

0

arratirasho

m f dh

ld arrad-tirasho.

0

arratirid

m f dh

ld arrad-tir¹, arrad-tirid, arratir¹ (2).

0

arratirnaan

m f dh

ld arrad-tirnaan, arrad-tirnaansho, arratirnaan-sho.

0

arratirnaansho

m l

/dh ld arratirnaan.

0

arratiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Arratir iibsasho (qof). ld arrad-tiro.

0

arrimi

f mg2 (-iyay, -isay)

1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.

0

arrimin

m f dh

ld arrimis.

0

arrimis

m l

Eeg: arrimin

0

arrin

m l

/dh (-imo, m.l) Talo, hadal iyo in wax laga qabto u baahan; xaajo.

0

arrinsad

m l

Eeg: arrinsasho

0

arrinsasho

m f dh

ld arrinsad, arrinsi.

0

arrinsi

m l

Eeg: arrinsasho

0

arrinso

f mg3 (-saday, -satay)

Ka a.: arrin, xal u raadsasho; arrin ka talabixid.

0

arruman

f mg4 (-mnaa, -mnayd)

Wax la arrumay ahaansho (geel).

0

arrumasho

m f dh

Eeg: arrumo

0

arrumid

m f dh

Eeg: arrun²

0

arrumnaan

m f dh

ld arrumnaansho, arrunnaan, arrunnaansho.

0

arrumnaansho

m l

/dh ld arrumnaan.

0

arrumo

f mg3 (-untay, -umatay)

Neef geel ah oo taagan fariisisasho.

0

arrun

m l

Fariisisinta neef geel ah oo taagan la fariisiyo. ld arrumid.

0

arrunnaan

m f dh

Eeg: arrumnaan

0

arrunnansho

m l

/dh ld arrumnaan.

0

arruug

m l

Ubad labaraafle oo lix bilood jira.

0

arruugnimo

m l

Arruug ahaansho.

0

arsaaq

m dh

Eeg: irsaaq¹

0

arsaaqad

m dh

Eeg: irsaaqad

0

artaraboodha

m l (-ooyin, m.l)

(baay.) Faylam ka tirsan xayawaanka laf dhabarla'da oo ka kooban in ka badan hal milyan oo sinji. Waa faylamka ugu ballaadhan ee boqortooyada xayawaanka. Artaraboodhuhu waxay ku noolyihiin biyaha macaan, badaha iyo dhulalka kala duwan. Astaan ahaan artaraboodhuhu waxay leeyihiin dub sare oo loo yaqaanno toxob, kaas oo dabool adag u ah qalfoof duleedka. Koritaankooduna waxa uu suurtaggal yahay oo keliya xilliga xuub siibashada.

0

aruundi

m l

Geed nagaar leh qodax, caleen yaryar iyo miro casuura ah oo anqaasta laga samaysto.

0

aruur

m l

Caano a. ah: caano yar oo dhigaal ah oo hadba in lagu daro si ay u bataan.

0

aruuri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax kala firirsan meel isugu geyn. 2. Ku a.: wax, wax kale ee ugu geli karo ku libdhin. ld ururi, uruuri.

0

aruurid

m f dh

ld ururid, uruurid.

0

aruurin

m dh

Maanso, shekooyin dhaqan, taariikh nololeed iwm oo dad kala duwan laga soo xigtay oo meel ku wada qoran.

0

aruuris

m dh

Eeg: aruurin

0

aruursan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax kala firirsanaa oo meel isugu yimid ahaansho. 2. Ku a.: wax, wax kale ee uu geli karo ku libirsan ahaansho. ld urursan.

0

aruursanaan

m f dh

ld aruursanaansho, urursanaan, urursanaansho, uruursa.

0

aruursanaansho

m l

/dh ld aruursanaan.

0

aruursasho

m f dh

ld urursasho, uruursasho.

0

aruurso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax kala firisan meel isugu geysasho. 2. Wax meel yaal wada qaadasho. ld ururso, uruurso.

0

arwaax

f mg1 (-xay, -xday)

Farax dareemid.