0

a

m dh

Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.

0

aa

e d

Cod lagu muujiyo xanuunka.

0

Aa

mu dhm y

1. ld Aad. 2. ld aydin.

0

aa'

f g1 (-'ay, -'day)

1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.

0

aa'id

m f dh

'.

0

Aabayeel

m l

1. A. ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid.

0

Aabayeelid

m f dh

ld aabayeel¹ (2), aabeyeelid.

0

Aabayn

m f dh

Eeg: aabee

0

Aabbannimo

m dh

Aabbe ahaansho.

0

Aabbayaal

m l

/dh 1. eeg aabbe. 2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal.

0

Aabbe

m l (-bayaal, m.l/m.dh)

1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow!; wiilkaygiyow! ld aabbo.

0

Aabbo

u j

Eeg: aabbe

0

aabbur

m l (-rro, m.dh)

Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro.

0

aabburan

f mg1 (-rmay., -rantay, -rmi)

Dhiil, haan iwm wax la aabburay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”.

0

aabburid

m f dh

Eeg: aabbur²

0

aabburmid

m f dh

Eeg: aabburan¹

0

aabburnaan

m f dh

ld aabburnaansho.

0

aabburnaansho

m l

/dh ld aabburnaan.

0

Aabee

f g2 (-beeyay, -beysay)

1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.

0

Aabeyeelid

m f dh

Eeg: aabayeelid

0

Aabi

m l

Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.

0

aabiweyrax

m l

Sabab la'aan cid dagaal ku qaadid, weyrax kulul.

0

Aabo

m l

Dareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo.

0

Aabonimo

m dh (siyaa.)

Mowqifka dawlad, ama mujtamac kale ku muujinayaan in ay go'aan kasta u sameeyaan dadka ay mas'uulka ka yihiin.

0

Aabyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.

0

Aabyood

m f l

Eeg: aabyoo

0

Aad

mu dhm y

Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). “Ninka aad la hadashay waa walaalkay”. ld aa², aydin.

0

aadaab

m dh

1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.

0

aadaamid

m f dh

ld aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.

0

aadaan

m l

1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹.

0

aadami

m l u

1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. ld aadane, aadmi.

0

aadaminnimo

m dh

Aadami ahaansho. ld aadminnimo.

0

aadane

m l

Eeg: aadami

0

aaddamid

m dh

Eeg: aadaamid

0

aaddan

f g

/mg4 (-naa, -nayd) 1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.

0

aaddin

m f dh

ld aadin, aadsiin.

0

aadeer

m dh

Eeg: adeeryo

0

aadi

f g2

Eeg: aaddi

0

aadid

m f dh

eeg ąad³; ld ąad¹.

0

aadimo

m l

1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.)“Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.

0

aadin

m dh

Eeg: aaddin

0

aadiraac

m l

Dhicinta uu neef markaas rimay dhiciyo; qubeys.

0

aadmi

m l

Eeg: aadami

0

aadminnimo

m dh

Eeg: aadaminnimo¹

0

aadsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: aaddin

0

aadsiin

m dh

Eeg: aaddin

0

aadyar

m dh fk

Eeg: aayar

0

aaf

m dh u

Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.

0

aafayn

m dh

ld aafeyn.

0

aafee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Cid aafo gaarsiin.

0

aafeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax aafo haleeshay ahaansho.

0

aafeysnaan

m f dh

ld aafeysnaansho.

0

aafeysnaansho

m l

/dh ld aafeysnaan.

0

aafo

m dh (-ooyin, m.l)

Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.

0

aafoobid

m f dh

Eeg: aafow

0

aafow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax aafeysan noqosho (nafley badan).

0

aag

m l u

Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo burjikooyinka laga qoro”.

0

aagaan

m l (-nno, m.l/dh)

Weel yar oo wax lagu shuban karo oo haamaha lagu aabburo.

0

aagga-qabow

m l (-gag-qabow, m.l)

(jool.) Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

0

aah

e d

Cod yar oo qof xanuun hayo ka soo baxa. ld ah².

0

aaho

m dh (-ooyin, m.l)

Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.

0

aajur

m l u

Jaajuur yaryar oo ka samaysan dhoobo guduudan oo wax lagu dhiso.

0

aakhir

m l

1. Kan dambe. 2. Quraanka qaybtiisa damba. ld aakhiritaan.

0

aakhiritaan

m l

Eeg: aakhir

0

aakhiro

m dh

Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.

0

aakhirutahan

m l

Eeg: aakhir

0

aakib

m l

1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.

0

aal

m dh fk

Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tus. “Ciise aashiis buu hadlaa”.

0

aalaa

fk. Inta badan, marar badan, badanaa. Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”.

0

aale

m l

Geed lugtool ahaan u baxa, sida qasabka, galleyda, maseggada, qaysaraanta iwm.

0

aalkol

m l

Dareere aan midab lahayn oo dabka qabsan og, boogahana lagu dhaqo. ld aalkolo.

0

aalkolo

m dh

Eeg: aalkol

0

aallid

m f dh

ld oollid.

0

aalo

m dh u

Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd. aamanuu m.dh Waqti hore oo aad u fog.

0

aameel

m l (-llo, m.dh)

1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi.2. Wixii waxay arkaan iska raacaan.

0

aammus

m l

1. Hadal la'aan. 2. Shib. 3. ld aammusid.

0

aammusan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid).

0

aammusdaran

f mg4 (-rnaa, -nayd)

Wax aan aammusaynin (cid).

0

aammusdarnaan

m f dh

ld aammusdarnaansho.

0

aammusdarnaansho

m l

/dh ld aammusdarnaan.

0

aammusi

f g2 (-iyay, -isay)

Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.

0

aammusid

m f dh

ld aammus¹.

0

aammusin

m f dh

ld aammusis.

0

aammusis

m l

Eeg: aammusin

0

aammusnaan

m f dh

ld aammusnaansho.

0

aammusnaansho

m l

/dh ld aammusnaan.

0

aan

mu dhm y

1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu.

0

aanayn

m f dh

aanaysad m.l ld aanaysasho.

0

aanaysasho

m f dh

ld aanaysad, aanaysi.

0

aanaysi

m l

1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. ld aanaysasho.

0

aanayso

f g

/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).

0

aanee

f g

/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tus. “Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka”.

0

aannu

mu dhm y

Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tus. “Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub”. ld aan1.

0

aano

m dh

Dhibaato hore oo ciddii loo geystay aanay illaawin; godob; utun; dakano.

0

aar

m l (-rar, m.l)

1. Libaax weyn oo lab. 2. Nin geesi ah. 3. Aargoosad.

0

aaraa'

m dh w

'yi.

0

aarad

m dh (-do, m.l)

Liid maro ah oo qurxin awgeed loogu tolo dacallada maryaha la xirto iyo daahyada.

0

aaradee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Maro ama daah aarad u yeelid.

0

aaradeyn

m f dh

Eeg: aaradee

0

aaradeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax aarad loo yeelay ahaansho (maro, daah iwm).