Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 20 of 20.
ayaanlaawe
Nin aan nasiib wacan lahayn.
ayaanle
Nin nasiib wacan leh.
ayaanli'i
'aan
ayaanso
f.mg³ (-saday, -satay) Qof, ayaan yeelasho.
ayaantirin
Maalin wakhti gaar ah lagu magacaabay. Tus. “Maalin gaar ah”, “Sannad gaar ah”.
ayaanwanaag
Nasiib wanaag.
ayaanxumaan
ld ayaanxumaansho, ayaanxumi, ayaanxumo.
ayaanxumaansho
/dh ld ayaanxumaan.
ayaanxun
Qof aan nasiib wacan lahayn ahaansho.
ayax
Cayayaan yaryar, oo baalal iyo lix lugood oo labada dambe ka dhaadheeryihiin kana xoog badanyihiin kuwa kale leh, koox koox aad u badan isu raaca oo dhirta iyo dalaggaba waxyeeleeya.
aydin
Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah (lala hadlayaasha ama wax loo qorayaasha). ld aa², aad.
aydiyaalism
Hab fikradeed oo ku saabsan in ra'yigu uu yahay waxa keliya ee la rumaysanyahay, oo lagu ogaan karo wax kasta.
aydiyolooji
Mabaadii habeysan oo ku saleysan figrado iyo ujeeddooyin siyaasi ah. ld aydiyooloojiyo.
ayeeyo
1. Hooyadaa hooyadeed ama aabbaha hooyadiis. 2. u.j: ayeeyooy! 3. U.j: wiilka aan ayeeyada u ahayow!; gabadha aan ayeeyada u ahayey!
ayeeyolugdheer
Cayayaan leh jir dhuuban oo dheer, lix lugood oo labada hore madaxa u dhowdahay iyo baalal uu ku duulo oo cuno cayayaanka kale ee yaryar. ld ayeeyolugadheer.
aygarad
Qof caqli badan oo aan la dagi karin.
aygaradnimo
Aygarad ahaansho (qof).
ayid
Arrin, figrad iyo go'aan taageerid.
ayidsan
Qof, wax ayiday ahaansho.
ayidsanaan
ld ayidsanaansho.
ayidsanaansho
/dh ld ayidsanaan.
ayiman
Badar karsamaya wax la budo lagu daray.
ayimid
ld ayin¹.
ayimnaan
ld ayimnaansho.
ayimnaansho
/dh ld ayimnaan.
ayin
Ku daridda badar karsamayo budada lagu daro. ld ayimid.
aynab
Laynta dad badan hal mar la wada laayo.
aynfaad
1. Dhibaato aad u ballaaran. 2. ld aynfaadid.
aynfaadid
ld aynfaad¹ (2).
ayni
1. Tayada ay wax leeyihiin. 2. Da'.
aynnu
Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee wadarta ah oo ku jira kuwa lala hadlayo ama wax loo qorayaa; innagu. Tus. “Guriga aynnu aadno”.
aynshaad
Codka lagu qaado qasaa'idka diiniga ah.
ayo
1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?
ayodhiin
Maaddo kiimikaad oo jirku u baahanyahay qaddar yar si loo gaaro koritaan caafimaad qaba. Jirka qof weyn waxa ku jira 30 mg. oo ayodhiin ah,inta badanna rasin ku tahay qanjirka dhiiqa ee taayroodka.
ayoon
(kiim.) Atam ama koox atamyo ah oo lumiyay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanab togan (a. togan), ama helay hal ama in ka badan oo elektaroonno ah si ay u yeeshaan saldanabtaban (a. taban). Weliba eeg aayoonayn.
ayoon-taban
(kiim.) Ayoon saldanab taban leh, oo sameysma marka atamyada ama molikiyuulada lagu daro elektaroonno. Marka danabsoocidda la sameynaayo, ayoonada taban waxa jiita qotinka togan.
ayoon-togan
(kiim.) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.
ayoonisfeer
Gibilka saddexaad ee xiga istaratosfeerka fidsan ilaa 1,000 km. Gibilkani, waxa uu leeyahay afar lakab, oo neefaha ku jiraa ay yihiin aysonno. Taasi waxa ay inoo fududeysaa isgaarsiinta iyo baahinta wararka.
ayro
Hal adkaysi badan oo cad iyo caano dheeraad ah leh.
aysootoonik
(baay.) Waxa lagu sharxaa milannada leh cadaadis isku mid ah. Tus. “Milan”, .01m oo sonkor ah iyo milan .01m oo gulukows ahi waa milanno cadaadis isku mid ah leh”.

