Qaamuuska Asalka

ayoon-togan

(-nno ..., m.dh)
MagacLafdheeri

(kiim.) Ayoon saldanab togan oo ka dhashay atammo ama molikuyuullo laga xayuubiyey elektaroonno. Marka danabsoociddu dhacayso, ayoon-toganayaasha waxa jiita qotinka taban.