aaradeysnaan
ld aaradeysnaansho.
aaradeysnaansho
/dh ld aaradeysnaan.
aaran
1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.
aarbax
1. Ka aa.: qof eed loo haystay iska daaficid. 2. Ka aa.: qof ka aargudasho.
aarbi-aar
Qaab loo ciyaaro turubka.
aarbixid
ld aarbax¹.
aardoon
Qof, qof kale oo dakane ka galay raadinaya. ld aardoonad, aardoonasho, aarsashaddoon.
aardoonasho
ld aardoonad.
aardoono
Qof in uu aano soo guto meel u aadid.
aargalaan
Weel siin ah, dheg leh oo wax lagu cabbo.
aargoonle
Nooc dawacada ka mid ah, midab bey madow ah leh oo aad ariga u laysa.
aargoosasho
ld aargoosad, aargoosi.
aargooso
Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeelo u geystay ka gudasho.
aargud
1. Ka aa.: cid dakano ay gashay ka gudid. 2. U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishay qof ka mid ah dilid. ld aargudo.
aargudasho
ld aargudid.
aargudid
ld aargudasho, aargudis.
aargudis
aargudo f.mg3 (-utay, -udatay) ld aargud.
aarid
ld aaris.
aarnimo
Aar ahaansho.
aarsasho
ld aarsi.
aarso
Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.
aas
1. Xabaalidda meydka; ld aasid. 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.
aasaas
asaasid.
aasaasnaansho
/dh ld asaasnaan.
aasan
Wax cidi aastay noqosho.
aashaandhig
1. Quwadda dal u qaabbilsan in ay ka difaacdo cadowga dibadda. 2. ld gaashaandhigid.
aashuun
Weel tebedda u eg, dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto. ld ashuun.
aasid
ld aas¹.
aasnaan
ld aasnaansho.
aasnaansho
/dh eeg aasnow. ld aasnaan.
aasnow
Wax aasmay noqosho.
aaway
Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay “xaggee laga helaa?” “mee?”. ld aawaye, away, awday.
aawi
/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Wax ururin.
aawil
awaalid.
aawin
ld aawis.
aawo
Erey aan keligii istaagin in qodob lahaansho lagu daro mooyee, sida: -diis, -deed, -dood iwm oo macnahiisu yahay qof ama wax dartood. Tus. “Cali, Caasha aawadeed ayuu halkan u yimid”. ld aw.
aayad
1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.
aayakatalin
Ka tashiga cidi ka tashato mustaqbalkeeda wixii ay ka yeeli lahayd. ld aayakatashi.
aayakatashi
Xaqa uu waddan u leeyahay waddan kale in uu kaga xoroobo waddan shisheeye ee haystay, una doorto dawladda uu rabo. ld aayakatalin.
aayar
Si deggan oo miyir leh. ld aad yar, aadyar.
aayatiin
Xaalad xumaan ama samaan leh oo ay cidi ku dambeyso; ciribdambeed. ld aayo¹.
aayaxumaan
ld aayaxumaansho, aayaxumi, aayaxumo.
aayaxumaansho
/dh ld aayaxumaan.
aayaxun
Cid aan aayo ficnayn ahaansho.
aayid
ld aayis.
aayo
1. Afo waxa ay u tahay carruurta ninkeedu ka dhalay naag kale. 2. Haweeney qof abtigii ama adeerkii qabo. 3. Qof waxa ay u tahay hooyadiis walaasheed; habaryar. ld aaye.
aayodhiin
Curiye adke ah oo bida midabkiisuna yahay buluug madow kana tirsan haloojiinada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
aayoonayn
Habka soo saaridda ayoonnada.
aayoonka
; PH.
ab
1. Awoowyaashii hore oo laga soo jeedo. 2.Abkay ma arag: weligay ma arag.
ab'ogaa
Dad dalka gudihiisa weligii degganaa; aan gadaal ka imaad ahayn.
ab'orijinis
Dadka asal ahaan u deggan amase degganaan jiray gobol, gaar ahaanse waxaa lagu istimaalaa dadkii Ustraliya degganaan jiray intii aan caddaanku tegin; ab'ogaa.
abaab
; abab¹; ababid.
abaabid
ld ababid. ld abaab¹, abaabis.
abaabis
; ababid. ld ababis.
abaabul
Si hannaan ama qaab habeysan leh dad u hawlgelin, arrin isku duwid, qabanqaabin.
abaabulan
Wax la
abaabulay
ahaansho (hawl).
abaabule
Qof hawl qabanqaabiya; qabanqaabiye.
abaabulid
ld abaabul¹.
abaabulnaan
ld abaabulnaansho.
abaabulnaansho
/dh ld abaabulnaan.
abaad
1. Ku a.: muddo dheer xaalad gaar ah ku sugnaan, ku waarid. 2. Duugoobid.
abaadi
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Baadi goobisteed raajin. 2. (f.mg) Ku a.: wax xaalad gaar ah ku raajin. ld abaadsii.
abaadid
ld abaad¹.
abaadin
ld abaadsiin.
abaahi
Isutagga awrka iyo hasha. ld abaahiyid.
abaahin
ld abaahiyid.
abaahiyid
abaahin, abaahis.
abaaji
Xoolo lumay oo waa dambe la tabay.
abaal
1. Samo cid loo galo. Tus. “Cali, abaal buu ii galay”. 2. Xasuusta wanaagsan ee la isaga hayo samo la isu galay. Tus. “Xasan, abaal baan u hayaa”.
abaalceli
U a.: abaal la isu galay gudid.
abaalcelin
ld abaalcelis.

