Words starting with 'A'
1,948 Somali words beginning with 'A' — page 17 of 20.
arwaaxi
Cid ka farxin.
arwaaxsan
Wax arwaaxay ahaansho (qof).
arwaaxsanaan
ld arwaaxsanaansho.
arwaaxsanaansho
/dh ld arwaxsanaan.
arxan
/dh ld arax (1).
asaabboon
Wax aan dembi ama xumaan samayn ahaansho (qof).
asaabboonaan
ld asaabboonaansho.
asaabboonaansho
/dh ld asaabboonaan.
asaag
Dadka inta isku da'da ah ama isku darajada ah; fac.
asaagsasho
ld asaagsad, asaagsi.
asaagso
Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid.
asaas
1. Bilowga wax la samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku aasaasmeen.
asaasan
Wax asaasan noqosho. Tus. “Dhismihii dugsiga cusub weli ma asaasmin”. ld aasaasan¹.
asaasi
A. ah: wax cusub oo bilow ah; wax saldhig ah. ld aasaasi.
asaasid
ld aasaasid.
asaasmid
ld aasaasmid.
asaasnaan
ld aasaansnaan, aasaasnaansho, asaasnaansho.
asaasnaansho
/dh ld asaasnaan.
asaay
Dhar midab cad ama madow leh oo afadu qaadato marka ninkeedu dhinto; weer. ld asay.
asaaye
Ciqaab ka dhasha waxyeello horey la isu gaarsiiyey; godob. ld asaayo.
asaaysaar
Afo ninkeedii dhintay oo asaay loo saaro.
asaddah
Kibir awgii wax la kala-garanwaayid.
asaddihi
Cid asaddah ku ridid.
asaddihid
ld asaddah¹ (2).
asal
/dh Qolofta ama xididdada dhirta qaarkood oo dhacaankeeda wax lagu magdeeyo ama lagu xooleeyo.
asali
Wax, wixii hore ka jooga oo aan la dhalan rogin. ld asiili (1), asli (1).
asalmadoorshe
(xis.) Kutirsane urur oo marka lagu xiro ku tirsane kale ee kasta ee ku jira ururka aan isbeddelin. Asalmadoorshaha waxa uu ku xiranyahay kutirsaneyaasha ururka iyo xisaabfalka la adeegsado. Tusaale ahaan, eber waa asalmadoorshaha isugeynta: 0+3=3+0. Hal waa asalmadoorshaha iskudhufashada: 1x3=3x1.
asaraar
Muran runta lagu diidayo samayn.
asaraarid
ld asaraar¹.
asaraartamid
ld asaraartan¹ (2).
asaraartan
1. Asaraar dhexmara laba qof ama ka badan. 2. ld asaartamid.
asaruur
Ceel, god iwm ciid ku xabaalid; aasid; duugid.
asaruuran
Ceel, god iwm wax la xabaalay ahaansho.
asaruurid
ld asaruur¹.
asaruurnaan
ld asaruurnaansho.
asaruurnaansho
/dh ld asaruurnaan.
asaw
(baay.) Dhammaan dhaqdhaqaaqyada muuqan kara ee ay sameeyaan xayawaanku iyaga oo u jawaabayo degaankooda gudaha iyo dibadda.
asbax
A. ah: qof aan nasiib wacan lahayn.
asbiriin
Dawo aad loo isticmaalo oo xanuunka, halaamacoodka iyo qandhada bi'isa.
asbixi
Ku a.: cid meel, ama wax ku kallihin.
aseebe
Nooc kalluunka ka mid ah oo jurmi weyn iyo xoog badan.
aseendo
Beer weyn oo geed mirood ku abuuranyahay; awno.
ash
fk. A. ma aha: ma fiicna.
ash-ash
Yaqyaqsi.
ashaamid
Busta madowga badan ee sabuulka maseggada ku dhalata, badarkana madowga ka dhigta.
ashahaado
Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.
asheer
Ka a.: roob da'aya meel dedan oo aan darooreyn ka gelid. ld asheero.
asheeri
Roob da'aya, wax, meel dedan oo aan darooreyn ka gelin.
asheerid
ld asheerasho.
ashkir
Midab fardood ka kooban caddaan iyo casaan khafiif ah.
ashqaraar
Yaab weyn iyo fajac la kulmid.
ashqaraari
Cid ashqaraar ku ridid.
ashqaraarid
ld ashqaraar¹ (2).
ashtakayn
ld ashkatayn, astakayn.
ashtakee
Cid dacwo ku oogid. ld ashkatee, astakee.
ashtako
Eedsheegad af ama qoraal ah oo qof ku ooga cid, geeyana maxkamad ama cid kale oo wax ka qaban karto arrintaas; dacwo. ld ashkato, astako.
ashtakoo
Ashtako ama dacwo oogid. ld ashkatoo, astakoo.
ashtakood
ld ashkatood, astakood.
asii
xi. (nax.) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; “oo”. Tus. “Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tus. “Lagac baan siiyay asuu diiday”.
asiib
1. Dhibaato weyn cid ku dhicid. “Inkaar baa asiibtay Cali”. 2. Arrin xalkeeda dhabta helid. Tus. “Ardaygii jawaabtii waa asiibay”. ld aseeb.
asiibid
ld aseebid.
asiidh
(kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.
asiidh-bu'eed
(baay.) Silsilad weyn oo dheer oo molikiyuul ah, kana kooban silsilado nukliyootaydho ah, waxa laga helaa noolaha oo dhan. Taas oo qaadda wararka hiddo sidaha.
asiidh-cabirid
Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
asiidh-dufaneed
(baay.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban silsilad haydarookaarboon iyo dhammaad ah koox kaarboogsayl.
asiidh-laagtika
(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.
asiidh-ooman
(kiim.) Iskudhisyada la falgala biyaha soona saara asiidh. Tusaale ahaan, karboon laba ogsaydh waxa uu lafalgalaa biyaha waxaana samaysma kaarboonig asiidh: CO2(g) + H2O(aq) = H2CO3(aq).
asiidha-yuurig
Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.

