aglool
/dh 1. Xoolaynta weel gocaya la xooleeyo. 2. Jaangooyada hore ee wax la dhisayo ama la samaynayo. 3. ld agloolid.
agloolan
Wax la agloolay ahaansho (aqal, weel, gocaya ah iwm).
agloolid
ld aglool¹ (3).
agloolnaan
ld agloolnaansho.
agloolnaansho
/dh ld agloolnaan.
agmar
Shiifow.
agmari
Wax, wax kale meel u dhow socod ku dhaafin.
agool
Qolof cad oo madaxa yeesho marka uu basaaso.
agoomee
Ilmo agoon ka dhigid.
agoomoobid
ld agoonoobid, agoontoobid.
agoomow
Wax agoon ah noqosho (ilmo). ld agoomow, agoontow.
agoon
Wiil yar oo aabihii dhintay.
agoonnimo
Agoon ahaansho.
agoor
Neef irmaan oo muddo badan la maalayey; dhaqayo.
agoornimo
Agoor ahaansho.
agoosto
Bisha siddeedaad ee sannadka miilaadiga ah.
agow
Hadday u yaraato; xataa. Tus. “Agow ii ahaateenaa!”; “Agow roob di'i lahaayaa.”
agtag
Wax meel jooga u dhowaansho.
aguug
1. Cid, ceel, god iwm duugid. 2. Isku a.: dad yoobsan ahaansho.
aguugan
Wax la aguugay noqosho.
aguugid
ld aguug¹.
aguugnaan
ld aguugnaansho.
aguugnaansho
/dh ld aguugnaan.
ah
Wax xalaad ku sugnaansho.
ahaan
ld ahaansho.
ahaansho
/dh eeg ahow. ld ahaan.
ahaansho.
ld macaluushan.
ahaateenaa
fk. “Ma wasiir baad noqotay?” “A.! Fiicnaan lahaydaa!”.
ahaw
Wax xalaad ku sugan noqosho. ld ohow.
ahaysii
Wax xalaad gaar ah ku sugid.
ahaysiin
ahbal m.l (-llo, m.dh) Nin aad u garasho yar; doqon; dabbaal.
ahbalad
Haweenay aad u garasho yar, doqon; dabbaalad.
ahbalnimo
Ahbal ahaansho.
ahlan
Nabaday!
ahlunaar
Qof cadaab mutaystay. ld ahalunnaar, ehelunnaar.
ahmin
1. Ariga intiisa shilis oo la suuq geyn karo. 2. Orgida iyo wananka dhufaanan ee beeca ama hilib loogu talagalay. ld ahmi.
ahmiyad
Ujeeddo; qasdi; muhiimmad.
ahraam
Dhisma soo yaal ah oo Masaaridii hore dhistay oo leh shagli saddex-geesoole.
ajal
1. ld ajalo. Dhammaadka nolosha qof. 2. ld ajalid
ajalid
ld ajal¹ (2).
ajalo
Geeri. ld ajal¹ (1).
ajar
1. ld ajir, ajri. Abaalgud Eebbe siiyo qof camal wanaagsan sameeyey. 2. ld ajarid.
ajaran
Cid, wax ku qatalmid.
ajarid
ld ajar¹ (2).
ajarnaan
ld ajarnaansho.
ajarnaansho
/dh ld ajarnaan.
ajarro
Cudur qanjirrada geela barariya.
ajarsasho
ld ajaraysasho, ajarsad, ajarsi, ajirsad, ajirsasho.
ajarso
Ka a.: cid si ajar looga kasbado wax ay u baahantahay siin. ld ajarayso, ajirso.
ajee
Biyo ajo ka dhigid.
ajeendo
1. Xusuusqor. 2. Arrin duluc gaar ah ka hadlaysa oo looga doodo shir iwm.
aji
1. Qof nasab wanaagsan ka soo jeeda. 2. Soomaali.
ajiib
1. Aqbal. 2. ld ajiibid.
ajiibid
ld ajiib¹ (2).
ajir
(1).
ajli
1. Sabab; daraad. 2. A.gay, a.gaa iwm: daraadday, daraaddaa.
ajnebi
Nin aan u dhalan dalka uu joogo; shisheeye.
ajnebiyad
Dumar aan u dhalan dalka ay joogto.
ajo
Biyo meel ku raagay oo midabkoodii, dhadhankoodii iyo urtoodii isbeddelay.
ajoo
Ka a.: qof, wax sharaftiisa wax u dhimi karo ka fogaan.
ajri
(1).
akademiye
1. Maamul ka kooban aqoonyahanno oo loo xilsaaray kor u qaadidda aqoonta, fanka iyo dhaqanka bulshada. 2. Dugsi sare oo qaabilsan carbiska ciidamada. ld akademiyo.
akeekamid
ld akeekan¹ (2).
akeekan
1. Muran hagag ku jiro; cilaaq. 2. ld akeekamid.
akhas
Erey la yiraahdo markii la arko ama la maqlo wax xun. ld aqas.
akhdar
Cagaar. ld akhtar.
akhir
Waqti la rabay dib uga dhicid.
akhiran
Wax waqti la rabay dib uga dhacay noqosho.
akhiri
Wax waqtigiisa dib u dhigid.

