0

alkahool

m l (-lo, m.dh)

(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ka kooban hal ama in ka badan oo haydaroogsayl (-OH). Alkahoolladu waa haydaroogsi laga soo dhirandhiriyey alkeynnada. Waxay sameeyaan taxane isku mid ah C H n+1. H. Alkahoollada waxa lagu kala sooci karaa dabeecadda kaarboon atamka ay ku dhegsanyihiin.

0

alkayn

m l (-no, m.dh)

(kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.

0

alkeyn

m dh (-no, m.dh)

(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkeynadu waa iskudhisyo baahan.

0

alkiin

m l (-no, m.dh)

(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.

0

alkohooliisam

m l (daaw.)

Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.

0

alkuman

f mg1 (-unnay,-unnantay; -unni)

Wax la alkumay noqosho (gabar).

0

alkumasho

m f dh

Eeg: alkumo

0

alkume

m l (-mayaal, m.l/dh)

1. Abuure ah, wax uuma. 2. Iilaah.

0

alkumid

m f dh

Eeg: alkun³

0

alkumo

f g3 (-untay, -umatay)

Gabadh guur laga doonayo reerkooda weyddiisasho.

0

alkun

f g1 (-umay, -untay; -umi)

1. Wax aan horee u jirin abuurid. 2. Ka a.: wax kale ka soo saarid.

0

alkunmid

m f dh

Eeg: alkuman¹

0

alkunnaan

m f dh

ld alkunnaansho.

0

alkunnaansho

m l

/dh ld alkunnaan.

0

alla

s. Kasta, walba. Mar alla markii: mar kasta. ld allaale.

0

alla-uxiir

m l

Qof sidii loo dhalay aan timo u soo bixin.

0

allaale

s. ld alla.

0

allabbari

f mg1 (-ryay, -riday; -ryi)

1. Rabbi baryid; Ilaah wax ka tuugid. 2. Cunto lagu ducaysanayo samayn.

0

allabbariyid

m f dh

ld allabbari¹ (3).

0

allacaabud

m l

Eeg: ilaahcaabud

0

allacaabudid

m dh

Eeg: ilaahcaabudid

0

alladiidnimo

m dh (taar.)

Rumeyn in uusan Ilaah jirin.

0

allaqabey

m l (-bayaal, m.l/dh; -bayo, m.dh)

Qof aan khayr badan lahayn.

0

allaylee

e d

Eeg: allaylehe

0

allaylehe

e d

Erey la yiraahdo marka wax dhacay ay sidii loo filayay noqdaan; akkidid in wax dhacay ay sidaas noqonayaan. Wuxuu ka koobanyahay “Alle”, “i” iyo “lehe”. ld allaylee.

0

Alle

m l (dii.)

Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.

0

allebadane

m l (dii.)

Rumeyn, ama caabudid in ka badan hal ilaah; shirki.

0

alleyl

m l

Habeen bar, saqdhexe.

0

allif

m l

Eeg: allifid

0

allifaad

m dh

Awoodda qof u leeyahay wax curinta. ld allifid.

0

allife

m l (-fayaal, m.l/dh)

Qof maanso, muusiko, figrad iwm curiya.

0

allifid

m f dh

ld allif¹, allifaad (2).

0

alluumiiniyam

m dh (kiim.)

Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.

0

alluumiiniyam-ogsaydh

m l (-dhyo, m.dh)

(kiim.) Budo cad oo aan biyaha ku milmin. Way la falgashaa asiidhada iyo alkaliyadaba sababta oo ah waa laba-eefle.

0

alma-almay

m dh

Cucub ama lucbad ay ilmuhu ku cayaaraan oo qaab aroosad leh.

0

alma-almayn

m f dh

Eeg: alma-almee

0

alma-almee

f mg2 (-meeyay, -maysay)

Alma-almay ciyaarid.

0

almaas

m l

Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. ld dheeman.

0

almadar

m dh u

Arday waxbarashada dugsiga hoose ku jirta.

0

almi

f g2 (-iyay, -isay)

Kuul, silis iwm qoor ku xirid (qof).

0

almin

m f dh

Eeg: almi

0

aloog

f g1 (-gay, -gtay)

1. Rabsho, dagaal iwm

0

aloogan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Wax la aloogay ahaansho (rabsho, dagaal iwm).

0

aloogid

m f dh

Eeg: aloog

0

aloogmid

m f dh

Eeg: aloogan¹

0

aloognaan

m f dh

ld aloognaansho.

0

aloognaansho

m l

/dh ld aloognaan.

0

aloogsasho

m f dh

Eeg: aloogso

0

aloogso

f mg3 (-saday, -satay)

Si didmo iyo degganaan la'aan leh u kicid (nafley).

0

alool

m l (-llo, m.dh)

Nooc dadabta aqalka ka mid ah oo laga sameeyo ulaha geed-duurka oo lagu seexdo ama guryaha lagu ilxiro.

0

aloos

f g1 (-say, -stay)

Rabsho, dagaal iwm abuurid.

0

aloosan

f mg4 (-snaa, -snaday)

Wax la aloosay ahaansho (rabsho, dagaal iwm).

0

aloosid

m f dh

Eeg: aloos

0

aloosmid

m f dh

Eeg: aloosan¹

0

aloosnaan

m f dh

ld aloosnaansho.

0

aloosnaansho

m l

/dh ld aloosnaan.

0

alotarobi

m l (-iyo, m.dh)

(kiim.) Qaababka kala duwan ee curiye yeelan karo; kuwaas oo ku kala geddisan astaamaha duleed; inkasto ay sameeyaan iskudhisyo kiimikaad oo isku mid ah. Tusaale ahaan, salfartu waxay leedahay dhawr jinsi oo qaab ahaan kala duwan.

0

alwaax

m l

/dh.u Qoryo xalleefsan oo si gaar ah loo qoro oo laga sameeyo qalabka guryaha sida, sariiraha, kuraasta, albaabyada, miisaska iwm.

0

alwasho

m f dh

Eeg: alwo

0

alwo

f mg3 (-waday, -watay)

Kuleyl badan dareemid (qof).

0

alxaman

f mg1 (-anmay, -amantay; -anmi)

Wax alxan ku kaabmay noqosho. ld alxanan¹.

0

alxamdulillaysad

m l

Eeg: alxamdulillaysasho

0

alxamdulillaysasho

m f dh

ld alxamdulillaysad, alxamdulillaysi.

0

alxamdulillaysi

m l

Eeg: alxamdulillaysasho

0

alxamdulillayso

f mg3 (-stay, -satay)

Ilaah u mahadnaqid.

0

alxame

m l (-mayaal, m.l/dh)

Qof wax alxama.

0

alxamid

m f dh

ld alxan¹ (2).

0

alxan

m l

1. Macdan si sahlan dabku u dhalaaliyo oo wax lagu kabi karo. 2. ld alxamid.

0

alxanan

f mg1 (-amay, -antay)

Eeg: alxaman¹

0

alxanmid

m f dh

Eeg: alxaman¹

0

alxannaan

m f dh

ld alxannaansho.

0

alxannaansho

m l

/dh ld alxannaan.

0

ama

xi. Erey kala xiriirfura laba magac ama laba weerood. Tus. “Baasto ama bariis ii keen”, “Ama tag ama joog”. ld amba², amma.

0

amaa

fk. ld armaa.

0

amaag

f g1 (-gay, gtay)

Eeg: ammaag

0

amaagan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: ammaagan²

0

amaagid

m dh

Eeg: ammaagid

0

amaagnaan

m dh

Eeg: ammaagnaan

0

amaagnaansho

m l

/dh ld ammaagnaan.

0

amaah

m dh (-hyo, m.l)

Xoolo qof laga qaato oo mar lagu heshiiyay loo soo celiyo.

0

amaahasho

m f dh

Eeg: amaaho

0

amaahbax

f mg1 (-xay, -xday; -bixi)

Qof amaah lagu lahaa iska bixin.

0

amaahi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof amaah siin.

0

amaahin

m f dh

ld amaahis.

0

amaahis

m l

Eeg: amaahin

0

amaahiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Cid amaah bixisa.

0

amaaho

f g3 (-hday, -hatay)

Amaah qaadasho.

0

amaamud

m l

1. Alkun; abuur. 2. A. ah: hanti, aqal iwm oo aan badnayn oo la soo ururiyey. 3. amaamudid.

0

amaamudan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Wax la amaamuday ahaansho (hanti, aqal iwm); unkaman; alkuman.

0

amaamude

m l

Qof amaamud sameeya; abuure, uume (Ilaah).

0

amaamudid

m f dh

ld amaamud¹ (3).

0

amaamudnaan

m f dh

ld amaamudnaansho.

0

amaamudnaansho

m l

/dh ld amaamudnaan.

0

amad

m dh

Dalagga ka soo go'a beeraha; fasal.

0

amag

m l

1. A. ah: qof indhaha la' oo aan waxba arkeyn. 2. ld hamag.

0

amakaag

m l

1. Yaab weyn; ashqaraar. 2. amakaagid.

0

amakaagid

m f dh

ld amakaag¹ (2), amankaag¹, amankaagid.

0

amakaagsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax amankaag hayo ahaansho. ld amankaagsan.

0

amakaagsanaan

m dh

amankaagsanaan, amankaagsanaansho.

0

amakaagsanaansho

m l

/dh ld amakaagsanaan.