Qaamuuska Asalka

amiino-asiidh

(-dhyo, m.dh)
MagacLafdheeri

(baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH) iyo amino (-NH2) oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.