Qaamuuska Asalka
ammooniya
(-mo, m.dh)MagacDhexdhexaad
Macnaha
(kiim.) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira 36.9 % oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milan-biyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.

