0

jeeble

m l (-layaal, m.l/dh)

1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.

0

jeebnaan

m f dh

ld jeebnaansho.

0

jeebnaansho

m l

/dh ld jeebnaan.

0

jeed

f mg1 (-day, -dday)

1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan.

0

jeedaali

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin.

0

jeedaalin

m f dh

Eeg: jeedaali

0

jeedaalo

m dh

Fiirinta wax meel dheer laga eego.jeelbixin

0

jeedal

m l (-llo, m.dh)

Suun adag oo dabo la qabsado leh oo fardaha iwm lala dhaco si ay orodka u badiyaan; nadi. ld jeydal.

0

jeedalid

m f dh

ld jeedlid.

0

jeedalley

m dh (baay.)

Dir ka tirsan faylamka borotosoowa, xubnahoodu waxay leeyihiin jeedal loo adeegsado socodka.

0

jeedi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iwm meel fagaare ah ka sheegid.

0

jeedid

m f dh

Eeg: jeed

0

jeedin

m f dh

Eeg: jeedi

0

jeedlid

m dh

Eeg: jeedalid

0

jeedsad

m l

Eeg: jeedsasho

0

jeedsasho

m f dh

ld jeedsad.

0

jeedshe

m l (-shayaal, m.l/dh)

(xis.) Xarriiq toosan oo la xiriirta toobineed. Fogaanta xarriiqdani ay u jirto bar kasta oo ku taalla toobineed oo loo qaybiyey fogaanta ay barmaguuraan ah u jirto bar taasi waa saami madoorsoome ah.

0

jeedsii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

U j.: cid dusha wax ka tusid.

0

jeedsiin

m f dh

Eeg: jeedsii

0

jeedso

f g3 (-saday, -satay)

Ra'yi soo bandhigasho.

0

jeedwa

m l

Neefka birta la baxsada ee habeen ama maalin kaddib la arko isagoo dhintay, dabadeed la qasho oo la cuno.

0

jeefaaf

m l

Naxariis cid loo galo.

0

jeefaar

m dh

Dhalfo; kabar; janfar; gonfar.

0

jeefad

m l

Eeg: jeefag

0

jeefag

m l

Nooc ka mid ah orodka fardhaha. ld jeefad.

0

jeeg

m l (-gag, m.l)

1. ld joog 1 (3). Weel bir ama macdan ka samaysan oo dabool leh oo caanaha iwm lagu shubto. 2. Xaashi si gaar ah loo habeeyey oo cid la siiyo si uu banki lacag uga qaato.

0

jeegaan

m dh (-nno, m.dh)

(fiis.) Filiq- sanaanta kaahinta birlabdanabeed sida, muuqaalka midabeed ee ka dhasha kala- xaydka dhudo ileys ee soo dhexmara birisam.

0

jeegaan-barasho

m dh (fiis.)

Daraasad ku saabsan habka loo baaro ilayska (spectrum).

0

jeegaan-birlabdanabeed

m dh (-dyo, m.dh)

(fiis.) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.

0

jeegaanbeeg-cuf

m l (-gyo ..., m.dh)

(fiis.) Qalab loo isticmaalo soo saaridda iyo saafidda ayoonno neef ah iyadoo la fiirinayo saamiga ay isuyihiin saldanabka ayoonnada iyo cufkoodu.

0

jeegaxiir

f mg1 (-ray, -rtay)

Timaxiirid; timajarid.

0

jeegayn

m f dh

Eeg: jeegee

0

jeegee

f mg2 (-geeyay, -gaysay)

1. Dhabar- dhabar u dabbaalasho. 2. Caano jiif ku cabbid.

0

jeego

m dh (-ooyin, m.l)

Madaxa dadka xaggiisa dambe; qadaad.

0

jeekam

m l (-mo, m.dh)

(daaw.) Qayb xidmeed oo ku yaal meesha ay iskaga dhegsanyihiin xiidmaha yar yar iyo xiidmaha waaweyn. Afka sare wuxuu ka mid yahay kolonka, afka hoosana waxa ku yaal qabsinka.

0

jeel

m l

1. Wixii dhab loo jecelyahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda, iwm, u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo. 2. Dareen rabitaan oo ku abuurma xoolaha marka ay waayaan dhanaan. 3. (-lal, m.dh) Meesha dadka dembiga gala lagu xiro; xabsi.

0

jeelag

m l

Eryashada wax la eryado.

0

jeelagasho

m f dh

Eeg: jeelago

0

jeelagid

m f dh

Eeg: jeelag²

0

jeelago

f g3 (-gtay, -gatay)

Cid eryasho.

0

jeelbax

f mg1 (-xay, -xday; -bixi)

1. Jeelgooyn; xiisadhicid. 2. Xoolo dha-naan ku filan helid.

0

jeelbixi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Jeel ka bi'in. 2. Xoolo dhanaan ku filan siin.

0

jeelbixid

m f dh

ld jeelbax¹ (3).

0

jeelbixin

m f dh

Eeg: jeelbixi

0

jeelgoo

f mg2 (-gooyay, -goysay)

Xiisag-goyn; jeelbixid.

0

jeelgoyn

m f dh

Eeg: jeelgoo

0

jeelid

m f dh

jeel².

0

jeellan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. U j.: jeel hayo; jeel qabo. 2. Xoolo wax jeel hayo ahaan-sho.

0

jeellanaan

m f dh

ld jeella-naansho.

0

jeellanaansho

m l

/dh ld jeellanaan.

0

jeenan

m l

Cabbitaan la siiyo qof aad u xanuunsan oo aan cunto qaadan karin.

0

jeenanboob

m l

ah; qof sakaraadaya oo jeenanka aad u qaata

0

jeenani

f g2 (-iyay, -isay)

Qof aad u xanuunsan cabbitaan siin.

0

jeenanin

m f dh

Eeg: jeenani

0

jeeni

m l (-iyo, m.l/dh)

Labada lugood ee xayawaanka afar addinlaha ee hore middood.

0

jeenicalaf

m l (-fyo, m.l/dh)

1. Jeeni. 2. Libaax dad cun ah.

0

jeeniqaar

m l

Qarqar ka ridashada maro, suun iwm iyadoo labadiisa dacal si iswaydaar ah laysugu xirayo kilkilada hoostooda.

0

jeeniwareen

m l (daaw.)

Xanuun xummad iyo qufac leh oo inta badan hargab xumaaday reebo; oofwareen.

0

jeensad

m l

Eeg: jeesasho

0

jeensasho

m dh

ld jeensad, jeensi, jeesad, jeesasho, jeesi.

0

jeensi

m l

Eeg: jeesasho

0

jeenso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Dib ama dhinac wejiga ama oogada u duwid. 2. U j.: wax mudnaanta koowaad siin. ld jeeso.

0

jeeqaaq

f g1 (-qay, -qday)

1. Wax rajayn. 2. Dhinac wax u dayid.

0

jeeqaaqid

m f dh

Eeg: jeeqaaq²

0

jeer

m l

1. Goor; Waqti; Ammin. 2. J.ma: goorma?

0

jeeraari

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo jeeraaro samayn.

0

jeeraarin

m f dh

ld jeeraro.

0

jeeraaro

m dh

Orod wareeg ah oo farxadi ku jirto oo xooluhu sameeyaan. ld jeerarin.

0

jeerin

m l (bot.)

Geedgaab qodax qaroofan, miro kuwa mooska u eg leh oo iniinahooda la cuno, xabag macaanna leh.

0

jeerjeer

m l

1. Nooc libaax badeedka ka mid ah oo la cuno. 2. Maqal yaryar oo loo kobciyo in la qasho. 3. Nooc ka mid ah garbasaaraha haweenka oo khafiif ah.

0

jeermi

m l u

Noole aad u yar, ili-maqabatay ah oo cudurrada keena.

0

jeermidile

m l (-layaal, m.l/dh)

(daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iwm.

0

jeermiga-xiidmaha

m l (baay.)

Baktiiriya caadi ahaan ku jira xiidmaha, qaarkood waxay sameeyaan fitamiin k (vit. K). Waxay ka hortagaan cudurrada baktiiriyada cudurwaddada ah oo aasidh badan ayey meesha ku sameeyaan si jeermiga kale ugu dhinto.

0

jeermis-dilid

m dh

1. (daaw.) Hab looga tirtiro jeermiska qalab sida: dhar ama biro ayadoo la isticmaalayo jeermidileyaal. 2. (fiis.) Kul, qiiqbiyood (oomaar), ama reeys iyo kuwo kiimikaad.

0

jeermisdile

m l (-layaal, m.l/dh)

1. (daaw.) eeg caabuqtire. 2. (daaw.) Daawo disha ama dhaqda jeermiyada waxaana loo isticmaalaa in lagu nadiifiyo qalabka qalliinka iyo qalab kaleba.

0

jeermitir

f g1 (-ray, -rtay)

Wax jeermi ka dhammayn.

0

jeermitire

m l (-rayaal, m.l/dh)

Daawo jeermiga lagu dabar gooyo.

0

jeermitirid

m f dh

jeermitir.

0

jees

m l (-sas, m.l)

Qoys meel gooni ah deggan.

0

jeesad

m l

Eeg: jeensasho

0

jeesasho

m f dh

Eeg: jeensasho

0

jeesgogol

m l

Harar yar oo lagu seexdo.

0

jeesi

m l

Eeg: jeensasho

0

jeesjees

f mg1 (-say, -stay)

Hadal kibir iyo digasho ku jirto cid u jeedin.

0

jeesjeesid

m f dh

ld jeesjees¹ (2).

0

jeeso

f mg3 (-stay, -satay)

Eeg: jeenso

0

jeex

m l (-xyo, m.dh)

1. Wax la kala dillaacshay qayb ka mid ah. 2. ld jeexo. Biyo mareen dhuuban.

0

jeexan

f mg1 (-xmay, -xantay; -xmi)

Wax dillaacay noqosho.

0

jeexane

m l

Harag ari oo loogu talaggalay in jil laga jeexo.

0

jeexasho

m f dh

Eeg: jeexo²

0

jeexdin

m dh

1. Meel dillaacsan. 2. Meel godan oo dhulka ka hoosaysa. 3. Meeljibboo dillaacsan oo dhulka ku taal oo ay biyuhu maraan.

0

jeexgogol

m l

/dh (-lo, m.l) Derin weyn oo la goglado.

0

jeexid

m f dh

Eeg: jeex²

0

jeexmid

m f dh

Eeg: jeexan¹

0

jeexnaan

m f dh

ld jeexnaansho.

0

jeexnaansho

m l

/dh ld jeexnaan.

0

jeexo

f g3 (-xday, -xatay)

Wax cad ka dillaacsasho (maro, qare, maqaar iwm).

0

jegi

m dh

Eeg: gegi

0

jel

m l (-lal, m.l)

(fiis.) Heehaab layofilik ah oo caadi ahaan deggan laakiin lagu khasbi karo, marka uu ku suganyahay xaalado gaar ah, inuu qayb xinijiroobo.

0

jeldi

m l

Eeg: jildi¹