jelemed
Kirli.
jelled
1. Buug, kitaab iwm jeldi u samayn. 2. Maqaar il, kor u rogid. 3. Badar kala saarid. ld jillad.
jelledid
ld jilladid.
jengeli
Nin aan ilbax ahayn; badaw.
jengeliyad
Haweenay aan ilbax ahayn.
jeri
Wax raadin.
jerin
ld jeris.
jermaadsanaansho
/dh ld jarmaad-sanaan.
jeysh
Ciidanka qalabka sida ee dal leeyahay.
jibaad
Reen xoog leh oo ka soo baxa dadka ama duunyada jirran.
jibaadgaabis
Duco loola jeedo in qof naftu dhibayso adduun ama aakhiro mid uu u dhaco.
jibaal
1. (-llo, m.dh) Cabbir dhul beereed 25 tallaabo oo labajibbaaran ah. 2. Ded dhismo dhagax ah korka laga saaro.
jibaalee
Dhul dhowr jibaal u qaybin.
jibaaleyn
ld jibaaleys.
jibaax
1. Qufac dadka iyo xoolaha ku dhaca. 2. ld jibaaxid. Maridda xoog lagu maro meel jiq ah ama lagu badanyahay.
jibaaxid
ld jibaax¹(2).
jibaggaarid
ld jibaggaar¹.
jibakeen
Arrin ama hawl xaqiiqdeeda ka lib keenid.
jibakeenid
ld jibakeen¹.
jibbaar
Tiro, tiro kale ku xooggan oo sheegeysa inta jeer ee tirada lagu xoogganyahay layskudhufanayo.
jibbaaran
Xisaab wax la jibbaaray ahaansho.
jibbaarnaan
ld jib-baarnaansho.
jibbaarnaansho
/dh ld jibbaarnaan.
jibbaysnaansho
/dh ld jidbaysnaan.
jibin
1. Dhadhaabo waaweyn oo adag, cirka ka soo dhaca, kul xambaarsan oo marka ay dhulka ku dhacaan qarxa. 2. Burburka jibinta oo dhulka korkiisa ku soo daata; shiilmadoobe. 3. Yeerta weyn ee ka yeerta.
jibindhabasho
ld jibindhabad.
jibindhabo
Sida jibinta u dhawaaqid.
jibsin
Farac yar oo qabiil ka soo jeeda; laf; jilib.
jiciir
1. Ceeb weyn; bayuur. 2. Midab ciiro casaan ku jiro leh.
jiciiree
1. Cid ceeb gaarsiin. 2. Wax midab ciiro ah u yeelid.
jiciiri
Wax meel ka wadid; wax meel ka fogeyn.
jiciiro
Meel ka fogaansho.
jiciirow
Cid wax ceeb weyni gaartay noqosho.
jicsimasho
ld jiscimasho.
jicsimo
Sahay qaadasho. ld jiscimo.
jicsin
(1).
jid
1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tus. “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.
jid-dhiriqle
1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Roob da'a xilliga guga. 3. Godadka dayaxu dego midkood.
jid-ka-fogaanta
Summad d. Fogaanta u dhexeysa laba barood (x ,y ) iyo (x ,y ) ee ku yaalla kulannada kaartis waana sidan: d = (x2-x1) + (y2-y1).
jid-kiimikeed
(kiim.) Hab loo dhigo iskudhiska kiimikaad iyada oo la adeegsado summado taagan atammada. Naanays-molikuyuulku waxay sheegtaa keliya noocyada iyo tirada atammada. Dhis- naanays molikuyuulku waxay muujisaa sida atammadu u habaysanyihiin. Dhis naanays molikuyuulku waxaa kale oo ay muujisaa sida atammada ama kooxuhu ugu aaddanyihiin dululaatiga.
jidaal
1. Socod dheer oo lagu daalo. 2. Daal badan oo ka dhasha socod dheer.
jidaalid
ld jidaalis.
jidbaysan
(dii.) Qof wax jidbo hayso ahaansho. ld jadbaysan, jalbaysan, jibbaysan, jilbaysan.
jidbaysnaan
ld jadbaysnaan, jadbaysnaansho, jalbays-naan.
jidbaysnaansho
/dh ld jidbaysnaan.
jidbo
Khushuuc diini ah oo qof ku dhaliya in uu is-hanan waayo oo qofku u ekaado mid maqan ama miyirkii ka tegey, badanaana qaylo ama suuxdini weheliso. ld jadbo, jalbo, jibbo, jilbo.
jidboo
(dii.) Jidbo dareemid. ld jadboo, jalboo, jibboo, jilboo.
jidbood
ld jadbood, jalbood, jibbood, jilbood.
jidcaanood
1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.
jidcadde
Waddo baabuurtu marto oo carro adag lagu sameeyey oo aan laami ahayn; jid cad. ld jidcad.
jiddaran
Qof aan gar lahayn ahaansho.
jiddarnaan
ld jiddar-naansho.
jiddarnaansho
/dh ld jiddarnaan.
jidee
Wax sharci ka dhigid.
jidgabaarre
1. Xiddigaha cirir mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka saddex iyo labaatanaad.
jidgacanle
1. Xiddigaha mid ka mid ah. 2. Godadka dayaxu dego midka shan iyo labaatanaad.
jidh-dhintay
(daaw.) Qayb jirka ka mid ah oo dhimatay dhiig yari ama dhiig la'an awgeed.
jidh-diid
Kahsi.
jidhaabalaf
War aan dhabtiisa la hubin. ld jadhaabalaf.
jidhaan
Biyo fariisin yar. ld dhiijaan.

