jarmaado
Socodka aroorta hore la socdo. ld jarmaade, jermaado.
jarmaadsan
Wax arooryo hore soconaya ahaansho. ld jermaadsan.
jarmaadsanaan
ld jarmaadsanaansho, jermaadsanaan, jer-maadsanaansho.
jarmaadsanaansho
/dh ld jarmaadsa-naan.
jarmo
Kayn aan la mari karin. ld jed.
jarnaan
ld jarnaansho.
jarnaansho
/dh ld jarnaan.
jaro
1. Wax qayb ka goosasho. 2. Timo si wanaagsan u goyn. jarrad 3. Haad booladu tahay haad kale ku qabsasho. 4. Shax xabbad qaadid.
jarrayn
ld jarraysimo.
jarraysasho
ld jar-raysad, jarraysi.
jarraysin
Xilli subax ah oo iftiin wacani jiro laakiin qorraxdu aanay soo bixin.
jarrayso
Qof jarraysimo raadsasho.
jarree
/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Goor subax ah qof cunto doonaya reer ku waaberiisasho. 2. (f.g) Goor subax ah marti cunto siin. 3. (f.mg) Cid wax ka rajayn.
jarreero
1. Ladnaan. 2. Axsaan, wanaag, naxariis.
jarri
Shimbir yar oo af guduudan oo xoolaha shilinta ka gurata. ld jirri.
jarsii
Ciyaar turub, qof haad uusan hayn inuu jaro ku qasbid.
jasaar
Qofka wanaaggii loo galo ka abaal dhaca. ld jisaar.
jasaarnimo
Jasaar ahaansho. ld jisaarnimo.
jasiirad
(jool.) Gabal dhul ah oo ay ku wareegsanyihiin biyo, gabalkaasi dhulka ah wuxuu ku dhexyaal badweyn, bad, haro, ama webi. ld jasiiro.
jasiirad-shacaabi
(jool.) Dhul-badeed ka samaysan dhagaxshacaabi ka fog dhul kale, kuna dhex taal bad ama biyo weyn oo kale, joogeeduna aad uma sarreeyo.
jasiirad-u-eke
(jool.) Dhul badankiisa biyo ku wareegsanyihiin.
jasuur
Aqal dhagax ah; daar; sar.
jaw
Yoon dhegta dhexdeeda laga dareemo, kaddib markii aad loo harraado.
jawaab
Hees loo qaado xoolaha la shubayo.
jawaan
Kiish ka samaysan liilammo ama xargo yaryar oo la isku falkiyay. ld joonyad, juuni.
jawdheer
1. (bot.) Geed caleemo madmadow oo yaryar iyo laamo oo dhuudhuuban oo asal fiican leh. 2. (m.u) Laan la jaray oo mayraxdii laga gurtay oo engegtay oo ul laga dhigto ama la shito. 3. Masalle harag ah.
jawharad
Dhagax qaali ah. ld johorad, jowhar.
jawi
1. Hawada dhulka ku wareegsan. 2. Cimilo.
jawjaw
Buuq.
jawjawlee
Buuqid.
jawle
Nooc ka mid ah noocyada bariiska.
jawlee
Cabaadid.
jawni
Miro qolof ka saarid.
jawnin
ld jawnis.
jawnsan
Miro la finjilay ahaansho.
jawnsanaan
ld jawn- sanaansho.
jawnsanaansho
/dh ld jawnsanaan.
jawnsasho
jawnso. ld jawnsad.
jawnso
Miro qolof kala bixid.
jąwr
Xukun aan xaq ahayn; caddaalad darro. ld jowr¹.
jawrar
1. Dildillaac wax yeeshaan. 2. ld dildillaacid.
jąwraran
Wax jawraray ahaansho. ld jąwrarran.
jawrarid
ld jawrar¹ (2).
jąwrarnaan
jąwraran. ld jąwrar-naansho.
jąwrarnaansho
/dh ld jąwrarnaan.
jąwrarran
ąw-raran.
jawrfal
Xadgudub, caddaaladdarro cidi samayso ld jowrfal¹.
jawrfaleen
1. Doonta marka shiraaca kor loo saaro si ay socodka u badiso. 2. Safar u aqool. 3. Hab xisaabeed wax loo tiriyo (hal jarrad, laba jarrad iwm).
jawrfalid
ld jowrfalid.
jąwrid
ąwr². ld jowrid.
jawriir
Caw dharid.
jąws
Miro yicibta u eg oo shaaha lagu darsado. ld jows.
jaxaas
Xuub ku daboolan sooh ama xubin. Tusaale: kelyaha, qanjir kelyoodyada, indhaha birtooda waxa ku daboolan j. ld yaxaas.
jaxeer
1. Cawl lab. 2. Qof aan da'du ka muuqan. 3. Qof kaftan badan. ld jexeer.
jay
1. ld jaay. Dhagxaan yaryar oo dhismaha loo isticmaalo. 2. J. ah: qof dhuuban oo xoog badan.
jaynaf
Qolof jirku yeesho oo qabowgu keeno.
jaynafnimo
Jaynaf ahaansho.
jaynafsan
Wax jaynaf ku dhacay ahaansho (dibno).
jaynafsanaan
ld jaynafsanaansho.
jaynafsanaansho
/dh ld jaynafsanaan.
jaynnimo
Jay ahaansho.
jebi
1. Wax is haystay xoog u kala qaybin. 2. Wax taagnaa dumin. jar 3. Xoolo iwm oo tiradoodu badantahay yarayn. 4. Xoolo iwm kala qaybin. 5. Sharci ku xad gudbid. 6. Col iwm baabi'in. 7. Ka j.: soon, salaad iwm cid ka burin. 8. Ka j.: shax, iwm cid dhawr jeer badisay ka badin. 9. Sicir yarayn (ganacsi). ld jabi.
jebin
ld jabin, jabis, jebis.
jebis
1. In is haysata oo kol meel ka jabta ama ka go'da. 2. (-syo, m.dh) Ood weyn oo is haysata oo kol la gooyo; tis. 3. Rarada iwm meesha afka ah ee laga laabo. 4. J. ah: waddo weyn oo aan la falin ee maritaan keliya ku samaysantay. 5. Laba dawlis oo laysku soohay. 6. J. ah: ceel markaas la qoday. 7. ld jebin.
jebiso
Halaq weyn, u eg abeesada oo waxa ay ugaarsanayso isku duubta kaddibna burburisa. ld jebis².
jebsiino
Xannuun haweenka qabta marka ay foolanayaan; jajab.
jebsin
(daaw.) Xubin ka mid ah laf dhabarta oo dhawr ricirood leh. ld jibsin².
jecel
Wax, wax aad u raba ahaansho.
jeclaan
ld jeclaansho.
jeclaansho
/dh ld jeclaan.
jeclaysasho
ld jeclay-sad, jeclaysi.
jecleysii
1. Wax rabitaan- kooda cid ku abuurid. 2. Is j.: wax rabitaan- kooda is xijin.
jecleysiin
ld jecleysiis.
jecleyso
Wax aad u rabid.
jeeb
Meel wax lagu rito oo dharka la gashado ku tolan.
jeeb-isgudub
(xis.) Marka shaxan adke ah loo jaro sallax ahaan ama shaxan sallax ah ee ka soo baxa jariddaas oo kale. Tusaale ahaan, j.i.ka mara dhex- bartanka kubbad waa goobo.
jeeban
1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho.
jeebis-dherer
(baay.) Nooc ka mid ah sida ay u habaysanyihiin qaybaha iyo organnada xayawaanku kaas oo jidhka loo qaybin karo laba badh oo ah hummaagyo muraayadeed oo mid waliba sallax goonniya saaranyahay. Xayawaan-nada jeebis dherer waxay leeyihiin hab dhaqdhaqaaq oo u goonniya, kaas oo had iyo jeer hal dhinac jidhka u hoggaamiya.

