jafaali
Wax si xoog leh uga dhifasho; uga dafid.
jafaalin
ld jafaalis.
jafaan
Qalab bir ah ama wax kale, oo geedaha xijiga oo irmaan lagu sarsaro.
jafal
Iniinaha bunka, kolka ay dhanyihiin oo beerkii ku gudajiro.
jafaliil
J. ah: wax aan qaab wannaagsan lahayn; foolxun.
jafaliile
Shayddaan; indhaxamil.
jafan
La jafay.
jafeeco
Nagaar weyn oo weligi si hunbulan u baxa; wuxuu bixiyaa ubax cillaan ah oo aad u qurux badan.
jafjaf
1. Dhul dulla ah oo dhaguxu ku badan yahay, leh dhir badan oo geed-gaab ah mariddeeduna adagtahay. 2. Qolof, jilif iwm oo geedo laga soo guray.
jafle
1. Xoolo lugaha dambe oo wax lagu haraatiyo, siiba lo'da la lisayo oo kirtanka badan. 2. Miraha ceerinka marka ay qallalaan.
jaflee
Xoolo jafle samayn.
jafnaan
ld jafnaansho, jafni.
jafnaansho
/dh ld jafnaan.
jafo
1. Qolof, jilif iwm geed ka goosasho. 2. Gogol boor ka duulin.
jagaf
1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalabka guriga la dhigo ama laga sameeyo oo baalid ah.
jago
1. Meel bannaan oo aan weli degaan laga dhigin. 2. Heer darajo oo shaqo.
jaguug
Xoolo ama qof madax adag oo hoggaamintiisu ay dhib badan tahay.
jaguugnimo
Jaguug ahaansho.
jahaad
Dagaal loo galo difaaca iyo fidinta diinta Islaamka. ld jihaad¹.
jahaadid
ld jihaadid.
jahannamo
Magacyada naaraha mid ka mid ah.
jahasho
ld jahad, jihad, jihashi.
jahawareersanaansho
/dh ld jaahwa-reersanaan.
jahayn
ld jahays, jihayn, jihays.
jahaysan
Wax la jaheeyey ahaansho. ld jihaysan.
jahaysasho
ld jahaysad, jahaysi, jihaysad, jihaysasho, jihaysi.
jahaysii
Nafley qiblada u jeedin. ld jihaysii.
jahaysiin
ld jihaysiin.
jahaysnaan
ld jahaysnaansho, jihaysnaan, jihays-naansho.
jahaysnaansho
/dh ld jahaysnaan.
jahayso
1. Doc aadid. 2. Qof dhimasho. ld jihayso.
jahee
Qof jaho aadsiin. ld jihee.
jahli
Aqoon la'aan.
jaho
1. ld jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.
jajab
1. Xanuun murqaha ku dhaca. 2. Dhacaan cayayaanka qaarkood ka yimaada oo markuu jirka gaaro lagu xajiimoodo. 3. Wax burburay gobol ka mid ah. 4. Dildillaac ku dhaca oogada siiba bishimaha iyo cagaha oo qabowga badani keeno. 5. Lacagta inteeda aan xaashida ahayn. 6. Dahab aan saafi ahayn.
jajab-caadi
(xis.) Jajabka sarreyehiisa iyo hooseeyehiisuba ay yihiin abyooneyaal, waa tiro u qoran qayb ahaan 458 sida a, a waa sarreeye, b-na waa hooseeye. Waxa kale oo lagu magacaabaa jajab fudud.
jajabe
(c.nafl.) Cayayaan u eg ukun yar, cad, leh qodxo yaryar soo taagtaagan oo qofkii ay ku jabto gaarsiisa dhibaato.
jajabow
Xanuun qabatin yaryar leh oo ku dhaca haweenka uurka leh marka sidkoodu soo dhowaado.
jajuub
Qasbidda qof wax uusan raali ka ahayn lagu sandulleeyo. ld jujuub¹.
jajuubid
ld jujuubid.
jakac
Nooc ka mid ah xaskusha.
jal
1. ld jaq 1. Caano yar oo ilmaha yaryar la siiyo. 2. J. ah: cunug aan si fiican u korin nafaqo yari darteed. 3. Dabbidka yar ee la siiyo qof aad u jirran; jeenan.
jala'
Eray uu ku dhawaaqo qof leh xilladda ciyaar dubnadeed oo aan haysan dhagax uu geliyo; mahayo.
jalaabuud
Magacyada derejooyinka daraawiishitii Sayid Max'd Cabdulle Xasan mid ka mid ah.
jalaal
1. Ganaax lagu xukumo qof dembi yar galay. 2. Kitaab Quraan ah sharrax leh.
jalaalaq
Dhaca labaad ee meel hore loo dhacay lagu sameeyo.
jalaalaqee
Meel hore loo dhacay mar labaad dhicid.
jalaalaqo
Hantida laga helo meel hore loo dhacay.
jalaato
Waxyaabo macmacaan oo laysku daray oo inta la qaboojiyo markay fariistaan la muudmuudsado ama la leefleefo.
jalabbute
1. Shir aan la fadhin ee dadku yoobsanyihiin. 2. Socod raaxaysi iyo majabaxsi looga jeedo oo hadba meel la habshahabsheeyo. 3. Ciyaar socod iyo boodbood leh.
jalabbutee
Jalaabu-te samayn.
jalafsasho
ld jalafsad, jalafsi.
jalafso
Aayar socosho.
jalammad
Weel macdan, dhoob iwm ka samaysan oo dheg (siddo) iyo naas leh oo shaaha iyo qaxwaha lagu karsado.
jalanqo
Jir qurux iyo jiljileec isku darsaday.
jalaq
1. In yar oo biyo ama caano ah oo weel guntiis ku haray. 2. Koor yar oo laba carrab leh oo geela lagu xiro. 3. Dheg u j. sii: hadal raacid.
jalaqle
Socod dhibaato leh oo lagu kala haro.
jalaqley
Calaacasha iyo dhudhunku meesha ay iska galaan.
jalaqsan
Qof xubno dabacsan oo qurxoon ahaansho.
jalaqsanaan
ld jalaqsanaansho.
jalaqsanaansho
/dh ld jalaqsanaan.
jalaw
Miraha digirta, yicibta iwm oo geedka ku qallalay.
jalawsan
Miro digir, loos iwm wax qallalay ahaansho.
jalawsanaan
ld jalawsanaansho.
jalawsanaansho
/dh ld jalawsanaan.
jalaysii
Cid jala' ka yeersiin. ld jalee.
jalaysiin
ld jalayn, jalaysiis.
jalbaysnaansho
/dh ld jidbaysnaan.
jalbeeb
Hoosgalbeed.
jalbeebasho
ld jalbeebad, jalbeebsad, jaalbeebsasho, jalbeebsi.
jalbeebi
Goor galab ah cid haasaawin.
jalbeebo
Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn cid u jeedin. ld jalbeebso.

