jidhi
(bot.) Nooc deegaan ah oo ka kooban geed qaab bixitaankiisu gaabiyo iyo dhir hagaastay (sfunted tress), inta badanna dhererkoodu waa 1-2 mitir, mar marna leh dhir dhaadheer. Waxa laga helaa gobollada roobku ku yaryahay ama leh carro aad ugu xun inay kaymo ka baxaan, sida dhulka oomane-u-eka ah ee cidhifyada lamadegannada; dadka dagganina waxa laga yabaa iney noqdaan reerguuraa, xoolo dhaqato.
jidhida-dhexe
Geed abaareed gaaban ee ka baxa gobolka badda cad, wuxuuna ka koobanyahay dhir yaryar iyo qodxaaley. Kuwaas oo adkaysi u leh abaarta; dhirtaas waxaa ka mid ah oliifka iyo mayrtalka. Dhirtani faa'iidada ay u leedahay bani'aadamka waa yartahay, maxaayeelay waa adagtahay si loogu banneeyo beeris.
jidhka-Golji
Koox ama kooxo moqorro siman ah oo ku dhex jira saytoobalaasamka unugga oo ay kujiic wareegsanyihiin xuubab, kuna xidhan iliilo balaasmo gudeed laakiin loo isticmaali karo ku xidhidda kaarboohaydraytyada borotiinnada.
jidib
Bir daab leh oo dhirta lagu jaro; masaar.
jidiimasho
ld jidiimad.
jidiimo
Jidiinqallal ka dhawrid.
jidiin
1. Hunguriga cunnadu marto oo isu haya afka iyo caloosha. 2. Dhuuniga la cuno; gasiin.
jidiindhuun
Harraad awgii afka iyo dhuunta ka qallalid.
jidiinqallal
Hunguriga oon dartiis engegid.
jidiinqallalid
ld jidiinqallal¹ (2).
jidir
Madow khad u eg oo awrtu qadaadka ku yeelato marka ay qooqdo; dawaad; tawaad.
jidmar
Sahay lacag ama cunto ah oo loo qaato safar.
jidow
Wax sharci laga dhigay noqosho.
jidqaadasho
ld jid- qaadad.
jidqaado
Qof gar lagu qaaday oggolaasho.
jidyaqaan
Qof dal mareen ah oo waddooyinka si fiican u kala yaqaan; dalyaqaan.
jifaa
Jirrid jiif u baxda dhulka korkiisa oo xididdo ku yeelata gummudyo yar yar, kuwaas oo geedo cusubi ka soo baxaan xididdadaas.
jifi
1. Dufan baruurta laga shiilo oo fariisata markay qabowdo; xayr; xuuki. 2. ld jufo.
jifo
1. Xoolo horumaris ahaan loo siiyo cid wax laga dilay ama laga dhaawacay. 2. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka; Jinfo. 3. Birgoobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo. 4. Xigto. 4. ld jufo.
jigo
Madaxa dadka iyo xayawaanka dhankiisa dambe, meesha ay iska galaan luqunta xaggeeda sare iyo madaxu; jeego.
jigre
Buntuq waayadii hore la isticmaali jirey oo xabbad kaliyaale ah.
jihaysnaansho
/dh ld jahaysnaan.
jiheeye
Aalad muujisa jahooyinka; diirad.
jiib
1. Hoorinta iyo isla qaadidda heesaha cayaaraha. 2. Cayaar gaar ah.
jiibe
Marxaladda shilintu ka baxdo qaniinnimada.
jiibi
Jiib tirin.
jiic
(bot.) Geed abaareed dhirta dhaadheer ka mid ah oo aan qodax lahayn qoryahiisana wax lagu shito.
jiid
1. Wax si xoog leh u soo dhufasho. 2. Dun aliindi oo la midabeeyey ama qoyan si loo qallajiyo kala bixin.
jiid-kubbadeed
(xis.) Qaybta dul ee kubbad oo ku soohdimaysan laba sallax oo barbarro ah. Joogga jiid waa fogaanta u dhexaysa sallaxyo. Sallaxyada barbarrada ah waxa ay kubbadda ka gooyaan laba goobo oo ah salalka jiidka. Jiidka hal sal waxa uu sammeysmaa marka mid ka mid ah sallaxyada barbarrada ah uu yahay taabtaha kubbadda.
jiidan
Wax la jiidey noqosho.
jiidasho
ld jiidad.
jiidda-dhexe
(c.fal.) Loolalka dhexe, waa jiidda u dhaxaysa jiidda kulul iyo jiidda barafadeed; kubbad-badhka woqooyi waxay u dhaxaysa kulaalaha woqooyi iyo goobaha artig, kubbad-badhka koonfureedna waxay u dhaxaysaa kulaalaha koonfureed iyo goobaha antaqartic. jihooyinka, Qorraxdu waligeed ma duljoogsato, laakiin kaaheedu wuu ku kala gedisanyahay markaa waxa jirta xilliyo diirimaad iyo qabow ama xagaa iyo deyr.
jiide
1. Bir ama xarig laba wax layskula xiro si ay isu jiidaan. 2. Foolasha yaryar ee hoose oo xaya-waanka.
jiidid
ld jiidis.
jiidnaan
ld jiidnaansho.
jiidnaansho
/dh ld jiidnaan.
jiido
1. Soo j.: docdiisa u jiidid. 2. Wax la tegid iyadoo dhulka lagu jiidayo. 3. Meel fog aadid, tegid. 4. Dhimasho.
jiif
1. Dhinaca oo dhulka la dhigo si loo nasto; Hurdo; seexad. 2. Dhacdiid ama dhabbac ama dhinac loo yaal. 3. ld jiifid.
jiifaa
Dugaagga yaryar nooc ka mid ah, dhurwaaga ka yar oo ariga laaya; guduudane.
jiifi
1. Cid meel seexin. 2. Shay dhinac meel u dhigid.
jiifid
ld jiif¹ (3).
jiifsasho
ld jiifsad.
jiifso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Shay taagnaa dhinac u dhigasho. 2. (f.mg) Hurdo seexasho.
jiifto
Nooc maansada ka mid ah oo badanaa lagu tiriyo qasaa'idka diinta, gabayadana ka miro yar.
jiijiile
1. Balag digir marka uu ka tago halcasaadka oo uusan gaarin jalawga. 2. Ilmaha shimbiraha ee aan weli duulimaad gaarin.
jiil
Nirgo qoryo fiiqfiiqan oo si farsamo ah loo habeeyey si aysan wax u nuugin gafuurka uga xirid.
jiilaal
1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga).
jiilaashin
Dabayl dhacda waqtiga jiilaalka ah. ld jiilaashi.
jiilaasho
Waqti jiilaal ah gelid.
jiin
1. Ag; coon; qar; af. 2. (- iiman, m.l) Webiga hareerihiisa.
jįin
Xarafka “ja'“ magaciis carbeed.
jiinbaar
Sariir yar oo maqaar lo'aad iyo qoryo ka samaysan.
jiingad
Bir qiro yar oo guryaha dusha laga saaro; tarniig.
jiiq
(bot.) Geed ka mid ah dhirta dhaadheer ee qodaxda leh oo ka baxa webiga agagaarkiisa oo gumarka u eg.
jiiqjiiqle
1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
jiiqo
1. Wax sinnaa meesha ay dhumucdiisu ka yaraato. 2. Dhabar god- naanta dadka iyo xooluhu yeeshaan. 3. Wasaq ama qashin aan kala soocnayn.
jiiqsasho
ld jiiqsad, jiiqsi.
jiiqso
1. Xoog u sheegasho. 2. Qof meel wax kula dhuumasho.
jiir
Meel sare oo ciriiri ah oo fuuliddeedu dhib tahay.
jįir
1. Hilibka intiisa aan baruurta lahayn. 2. (-rar, m.l) Naasley yar, dabo dhuuban iyo lugo yaryar leh, miro cun ah oo badanaa ku nool meelaha qashinka leh; doolli. 3. Midab madow ama guduud ah oo baro cad-cadi ku dhafan-yihiin.
jiiraan
Dad guryohoodu isu dhawyihiin; deris; ollog. ld jaaraan.
jiiraggo'
Qof jug gaartay ama daal awgiis murqo xanuunid. ld jiirgo'².
jiiraggo'id
'². ld jiirgo'id.
jiirgo'
'¹.
jiirgo'id
'id.

