0

jiirid

m f dh

Eeg: jiir²

0

jiirnac

m l

Nacayb iyo karaahiyo cid loo qabo.

0

jiirnax

m l

Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan.

0

jiirnicid

m f dh

Eeg: jiirnac²

0

jiirnixid

m f dh

Eeg: jiirnax²

0

jiiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Si wax caloosha ku jira (saxro ama muluq) la isaga saaro muruqyada caloosha adkayn.

0

jiirsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

1. Wax meel ciriiri ah xoog ku marin. 2. Wax, wax kale xoog ku dul marin.

0

jiirsiin

m f dh

Eeg: jiirsii

0

jiis

m l (-sas, m.l)

1. Qof lugaha middood wax ka qaba oo socodkiisu dhantaalan-yahay; laangarre. 2. Dhasha yaryar ee lab-ka ah ee sagaarada.

0

jiitamid

m f dh

ld jiitan¹ (3).

0

jiitan

m l

1. Qaadashada muddo dheer ay qaadato arrin wax ka qabashadeed 2. Raad- ka uu reebo wax meel lagu jiidey. 3. ld jiitamid.

0

jiitin

m dh (-imo, m.l)

1. Xarriiq meel ku taal. 2. Ood weyn oo xeryaha xoolaha iridkooda lagu gooyo; ood-afo.

0

jijin

m dh (-imo, m.l)

Garangaro yar oo dahab ama qalin ah oo dumarku cududaha gashadaan. ld jinjin.

0

jikaar

f mg1 (-ray, -rtay)

1. Xaqiiq jirta ka murmid. 2. Ku j.: Qof inuu wax sameeyo ku khasbid.

0

jikaarid

m f dh

Eeg: jikaar²

0

jikaartamid

m f dh

ld jikaartan¹ (2).

0

jikaartan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Xaqiiq jirta ka murmid.

0

jiko

m dh (-ooyin, m.l)

1. Qolka cunnada lagu kariyo. 2. Dumarka ka tirsan gaboo-leyda.

0

jil

m l

1. Daliigo suun ah oo dhigaha lagu maro. 2. Qayb, miilo. 3. Lo' bulsho ah. 4. Jurmi nafley. 5. ld jilid.

0

jilaa

m l (riw.)

Qof metela ruwaayadaha, filimada iwm. ld jile.

0

jilacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: jilicsan

0

jilacsanaan

m dh

Eeg: jilicsanaan

0

jilacsanaansho

m l

/dh ld jilicsanaan.

0

jilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Qof cid kale la nool ahaansho; qof jil la siiyo.

0

jilay

m l (-yo, m.dh)

Dheri jajabay jabkiis.

0

jilayn

m f dh

ld jilays.

0

jilays

m l

Eeg: jilayn

0

jilaysad

m l

471jilaysan¹

0

jilaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wadaan iwm wax aad u buuxa ahaansho.

0

jilaysasho

m f dh

ld jilaysad, jilaysi.

0

jilaysi

m l

Eeg: jilaysasho

0

jilaysmid

m f dh

Eeg: jilaysan¹

0

jilaysnaan

m f dh

ld jilays- naansho.

0

jilaysnaansho

m l

/dh ld jilaysnaan.

0

jilayso

f g3 (-stay, -satay)

Wadaan biyo ka buuxsasho.

0

jilbad

m dh (-do, m.l)

Siyaakhad qalin ka samaysan oo haweenku qoorta ku xirtaan.

0

jilbajabsad

m l

Eeg: jilbajabsasho

0

jilbajabsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax jilba jabsaday ahaansho (qof).

0

jilbajabsanaan

m f dh

ld jilbajabsanansho.

0

jilbajabsanaansho

m l

Eeg: jilbajabsanaan

0

jilbajabsasho

m f dh

ld jilbajabsad, jilbajabsi.

0

jilbajabsi

m l

Eeg: jilbajabsasho

0

jilbajabso

f mg3 (-saday, -satay)

Qof jilbaha iyo faraha ku fariisasho.

0

jilbajoog

m l

Istaagga jilbaha lagu istaago.

0

jilbajoogid

m f dh

Eeg: jilbajoog²

0

jilbajoogsad

m l

Eeg: jilbajoogsasho

0

jilbajoogsasho

m f dh

ld jilbajoogsad, jilbajoogsi.

0

jilbajoogsi

m l

Eeg: jilbajoogsasho

0

jilbajoogso

f mg3 (-saday, -satay)

Qof jilba ku istaagid.

0

jilbajooji

f g2 (-iyay, -isay)

Cid jilbaha ku istaajin.

0

jilbajoojin

m f dh

ld jilbajoojis.

0

jilbajoojis

m l

Eeg: jilbajoojin

0

jilbaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: jidbaysan

0

jilbaysnaan

m dh

Eeg: jidbaysnaan

0

jilbaysnaansho

m l

Eeg: jidbaysnaan

0

jilbee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Wax jilbo la dhicid.

0

jilbeyn

m f dh

Eeg: jilbee

0

jilbis

m l

Halaq aad u madow oo waabaayo daran leh.

0

jilbo

m dh

Eeg: jidbo

0

jilboo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: jidboo

0

jilbood

m l

Eeg: jidbood

0

jilcan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la jilciyey ahaansho. 2. Wax jileec ka muuqdo ahaansho.

0

jilcanaan

m f dh

ld jilcanaansho.

0

jilcanaansho

m l

/dh ld jilcanaan.

0

jilci

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax jileec ka dhigid. 2. Wax sahal ka dhigid.

0

jilcid

m f dh

Eeg: jilic

0

jilcin

m f dh

Eeg: jilci

0

jilciso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: jilicso

0

jildi

m l (-iyo, m.dh)

Galka buugta iyo kutubta dusha looga dahaaro. ld jaldi¹, jeldi¹.

0

jildin

m dh

Eeg: jildiyid

0

jildis

m l

Eeg: jildiyid

0

jildisasho

m f dh

ld jaldisasho, jeldisasho, jaldiyasho, jeldiyasho.

0

jildiso

f mg3 (-stay, -satay)

Kitaab, buug iwm jildi u yeelasho. ld jaldiso, jeldiso, jaldiyo, jeldiyo, jildiyo.

0

jildiyasho

m dh

Eeg: jildisasho

0

jildiyid

m f dh

ld jaldiyid, jeldiyid, jildin, jildis.

0

jildiyo

f g3 (-yaday, -yatay)

Eeg: jildiso

0

jile

m l

Eeg: jilaa

0

jilee

f g2 (-leeyay, -laysay)

1. Wadaan biyo ka buuxin. 2. Abaabulid (cayaar).

0

jileec

m l

1. Adkaan la'aan; fudayd; debec. 2. Karti iyo awood-darro cid ka muuqata.

0

jilib

m l

1. (-lbo, m.l) Meesha shanshada iyo bawdada dadku iska galaan. 2. Buur yar. 3. (- byo, m.dh) Qayb ka mid ah qolooyin wada dhashay. 4. (-byo, m.dh) Bir yar oo caarad godan leh oo kalluunka lagu dabo; maqaalin. 5. J. u dhig: qof ama wax iska daaficid. 6. Jilbaha u dhig: qof ama wax iska dhicin.

0

jilibdhig

m l

1. Caabbinta cadaw si adag la isga caabbiyo. 2. ld jilibdhigid.

0

jilibdhigasho

m f dh

Eeg: jilibdhigo

0

jilibdhigid

m f dh

ld jilibdhig¹ (2).

0

jilibdhigo

f mg3 (-gtay, -gatay)

U j.: arrin si deggan uga baaraanndegid.

0

jiliblaab

m l

1. Fariisinta hal, in rati abaahiyo loo faariisiyo. 2. Nasasho yar oo lagu daalgooyo.

0

jilibxir

m l

1. Hab geela xarig bowdada iyo cududda la isaga xiro si uusan u baxsan ama meel fog u aadin. 2. Duco loo akhriyo xoolo ama carruur dhuntay, si aysan meel fog u aadin. 3. Hanti la siiyo cid hawl loo dirsaday. 4. Xoolo in caano laga maalo awgood guriga loogu ilaaliyo. 5. ld jilibixirid.

0

jilibxiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Geel wax dhudhunka la isga xirey ahaansho. 2. Xoolo iyo ilmo dhumay wax duco loo akhriyay ahaansho.

0

jilibxirid

m f dh

ld jilibixir¹ (5).

0

jilibxirnaan

m f dh

ld jilibxir-naansho.

0

jilibxirnaansho

m l

/dh ld jilibxirnaan.

0

jilic

f mg1 (-cay, -cday; -lci)

1. Wax aan adkayn noqosho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhimay noqosho.

0

jilicsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax aan adkayn ahaansho. 2. Nafley wax awood-diisa iyo xooggiisu isdhintay ahaansho. ld jilacsan.

0

jilicsanaan

m f dh

ld jilacsanaan, jilacsanaansho, jilicsanaan-sho.

0

jilicsanaansho

m l

/dh ld jilicsanaan.

0

jilicsasho

m f dh

Eeg: jilicso

0

jilicso

f g3 (-saday, -satay)

Wax jileec ka dhigasho. ld jilciso.

0

jilid

m f dh

ld jil¹ (5).

0

jilif

m dh (-lfo, m.l)

Qolofta sare ee geedaha.

0

jiljil

f g1 (-ilay, -ishay)

Eeg: gilgil

0

jiljilid

m dh

Eeg: gilgilid