jaasuus
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.
jaasuusid
ld jaajuusid.
jaasuusnimo
Jaasuus ahaansho. ld jaajuusnimo.
jaaw
Digir la cambuuleeyey xabbadaha aan bislaan.
jąaw
Cudur ariga raafafka ka gala oo dillaaciya nabarna ka reeba. ld jaawqarreer¹, jaawqarrir.
jaawe
Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. ld jaawi¹.
jaawi
1. ld farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).
jaawin
ld farjaawin, farjaawis, farjawin, farjawis, jaawis.
jaawo
1. ld farjaw. Isku xoqidda suulka iyo farta si ay shanqar u sameeyaan iyadoo nafley loogu baaqayo. 2. Suul-dhabaale la sameeyo marka turub laga yamxeerinayo.
jaawqarrer
ąaw.
jaawqarrir
ąaw.
jaaxid
Nin bareer iyo ogaal wax u asaraara, wax u inkira.
jab
1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.
jabad
Berrin waa hore laga guurey oo ooddii raadkeedii weli yaal. ld jabo.
jaban
1. Wax jab gaarey ahaansho. 2. Wax qiimahoodu hoos u dhacay ahaansho (badeeco).
jabaq
Shanqar yar. ld yabaq¹.
jabbu
Durbaan laba af ka daloola oo harag xallafsan ku rogan.
jabdhan
Hilib solay ah oo googo'an.
jabhad
Qof ka mid ah urur u dagaallama xurriyad iyo madaxbannaani.
jabid
ld jabniin, jebid.
jabnaan
ld jabnaansho.
jabnaansho
/dh ld jabnaan.
jabniin
1. Wax is haystey oo kalajab ku dhecay. 2. Meesha nabarka wax jebshey ku dhacay. 3. ld jabid.
jabo
1. Xaabo amo qoryo yaryar oo qallalan. 2. Berrin waa hore laga guurey oo ooddii jabtay oo isku dhacday; jabad; degel.
jabqi
1. Alaabo yaryar oo meelo kala yaalyaal isu uruurin. 2. Meel biyo yari ku jiraan marba in ka qaadasho.
jabqin
ld jabqis.
jabsaal
Qaruhu marka uu bislaado oo uu cunnimo gaaro; gebis.
jabsasho
ld jabsad, jabsi.
jabso
1. Adke qayb ka goosasho (ul, caday iwm). 2. Adke wax ku dhex jira ka baxsasho (ukun, qare, laf iwm).
jabto
Cudur ku dhaca xubnaha dhalmada iyo kaadida: waxaa ka yimaada malax iyo carun, waana lays qaadsiiyaa. ld jabti.
jac
1. Biyo kulul oo danabka ka dhasha oo nafleyda guba marka ay gaaraan. 2. Ceeb aad u weyn. 3. Cudur ariga ku dhaca xilliyada roobka oo jirku yeesho finan iyo dildillaac.
jacayl
Rabitaan weyn oo wax gaar ah loo hayo.
jacaysan
Wax jaci ku dhacday ahaansho.
jacaysnaan
ld jacaysnaansho.
jacaysnaansho
/dh ld jacaysnaan.
jacbur
1. Suugaan, gabay iwm oo ula kac loo deelqaafiyey. 2. Waxyaallo aan isku nooc ahayn oo laysku daray.
jacburan
Waxyaabo aan isku nooc ahayn oo isku dhexjira ahaansho. ld jacbursan.
jacburasho
ld jac- bursasho, jacbursad, jacbursi.
jacburi
Jacbur samayn.
jacburin
ld jacburis.
jacburnaan
ld jac-burnaansho, jacburni, jacbursanaan, jacbursanaa.
jacburnaansho
/dh ld jacburnaan.
jacburo
Wax adag ilko ku burbursasho; qararamso. ld jacburso.
jacjac
Dildillaac yaryar oo maqaarka kore ee dadku yeesho qabow iwm awgood.
jacjacle
1. (bot.) Geed-gaab laan laan u baxa, qodax lahayn, udgoon, weelasha lagu cusho oo arigu daaqo. 2. (daaw.) Jirro dadka madaxa ka bararisa.
jacjaclee
Shanqar yar oo isku xigta samayn.
jacjacleyn
ld jac-jacleys.
jacjuun
Qof aan bulshay ahayn oo aan furfurnayn.
jacsan
Ku j.: wax la samaynayo ku raali ahaansho. Tus. “Cali xilkaas in uu qabto kuma jacsana.”
jacsanaan
ld jacsa-naansho.
jacsanaansho
/dh ld jacsanaan.
jactad
1. Muuqaalka uu yeesho dhar iwm oo aan si fiicanu kala fidsanayn; canbus, canyayuub. 2. Garaawshiinyo ama oggolaansho la'aan; muran foolxun.
jactadan
Wax jactaday ahaansho.
jactadi
Dhar iwm jactad ka dhigid
jactadnaan
ld jactad- naansho.
jactadnaansho
/dh ld jactadnaan.
jadbaysan
baysan.
jadbaysnaansho
jahaadid
jadeeco
Cudur lays qaadsiiyo oo badanaa carruurta ku dhaca; wuxuu leeyahay qandho kulul iyo qumankoo barara oogadana waxaa ka soo yaaca nabarro iyo finan badan.
jadeemid
ld jadeemad.
jadeen
1. Cida bahallada qaarkood sida libaaxa iwm. 2. Reen.
jadeer
1. (bot.) Nooc ka mid ah geedgaabka oo laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo aan qodax lahayn. 2. Socod dheer.
jadeerwac
1. ld jadeerwicid. Aadista meel aad u fog la aado. 2. Oggolaansho la'aan. 3. Naxariis, jixinjix.
jadeerwacasho
ld jadeerwacad.
jadeerwaco
1. Meel dheer socod ku tegid. 2. Wax diidid.
jadeerwicid
ld jadeerwac¹ (2).
jadiin
1. ld jidiin. 2. Cunto.
jadwal
Qorshe ammineed muujinaya sida hawl loo fulinayo.
jaf
1. Garaac; tumid. 2. Qolofta geedaha laga jafto (inta la gargaraaco). 3. Orod u eg wax la ganay; kuddo; fag.
jafaal
1. Dubka kore ee dhirta qaarkeed, laga jafo. 2. Nin lixaad weyn; tiirri.

