Qaamuuska Asalka
jebi
(-iyay, -isay)Falg2
Macnaha
1. Wax is haystay xoog u kala qaybin. 2. Wax taagnaa dumin. jar 3. Xoolo iwm oo tiradoodu badantahay yarayn. 4. Xoolo iwm kala qaybin. 5. Sharci ku xad gudbid. 6. Col iwm baabi'in. 7. Ka j.: soon, salaad iwm cid ka burin. 8. Ka j.: shax, iwm cid dhawr jeer badisay ka badin. 9. Sicir yarayn (ganacsi). ld jabi.

