jammir
Doon si ay socodka u badiso shiraac kor ugu taagid.
jamo
Si aad ah wax u jeclaysasho.
jan
/dh 1. Wax jeclaysi jirro oo kale ah oo ku dhaca haweenka uurka leh. 2. Jacayl xad dhaaf ah.
janaaso
1. Waxa meydka loo sameeyo, kolka uu dhinto taniyo kolka laga aaso. 2. Qaadidda meydka, meesha uu ku dhintay, taniyo xabaalaha. 3. ld jinaaso. Tukashada (salaad) meydka lagu tukado. ld jannaaso.
janab
Dabin loo dhigo bahallada iyo ugaarta.
janan
Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.
janbeel
Bahal dabacadeeyaha la eg oo ku nool dhulka buuraleyda ah oo cuna sagaarada.
janfar
Dhalfo; gonfor; jeefaar. ld fanjar.
janjal
1. Saabka gadawgiisa sare ee wareegsan. 2. Qufad yar oo lagu rido alaabta udugga ah. 3. J. ah: qof toosan oo qurxoon.
janjali
Wax janjal u yeelid.
janjanni
Dhiriq lo'aad aad u qoyan.
janjeer
Wax gees u iilan. ld janjeedh.
janjeeri
Wax dhan u qalloocin.
janjeersan
Wax janjeera ahaansho.
janjeersanaan
ld janjeersanaansho.
janjeersasho
ld janjeersad, janjeersi.
janjeerso
Wax dhinac u iilasho.
jannaayo
Bilaha qorraxda lagu xisaabo ee sanadka midda ugu horraysa.
jannee
Janno gelin.
janno
Meel raaxo badan leh oo Eebbe dadka wanaagsan ku abaalmariyo.
jaq
(1).
jaqaaf
1. Kab duug ah. 2. Haashka sigaarka.
jaqaafi
Si debec iyo jiljileec ku jiro u dhaqaaqid.
jaqaafin
ld jaqaafis.
jaqaf
1. Weel sida badan bir ama caag ka samaysan oo qashinka lagu qaado. 2. Qalab duug ah.
jaqal
Daanka dadka xaggiisa hoose. ld jiqil.
jaqaqari
Dhir roob iyo xareed badan heshay oo laamo curdun ah iyo caleen hamash ah leh.
jaqi
Ilmo yar caano ka jalin. Tus. “Canuggii bay jaqisey.”
jaqin
ld jaqis.
jaqle
Cudur maqasha laaya.
jaqsii
Wax nuujin.
jar
1. Ariga intiisa cayillan ee laga ganacsado. 2. Roobka j. ah: roobka ugu horreeya guga. 3. (-rar, m.l) Qarka gawgiisa.
jar-iskaxoor
J. ah: qof khatar isku dhextuura, oo aan ka fekerin cawaaqibka dambe. ld jar-iskatuur.
jar-iskaxoornimo
Jar-iskaxoor ahaan- sho. ld jar-iskatuurnimo, qar-iskatuur- nimo, qar-iskaxoorni
jarabbar
Qaabka loo leyliyo fardo iwm.
jarabbaran
Wax la layliyey ahaansho.
jarabbarnaan
ld jarabbarnaansho.
jarabbarnaansho
/dh ld jarabbarnaan.
jaraf
1. Gabar yar oo dhawaan la gudey timaha u soo baxa. 2. Haruubka, dhiisha iwm salkooda hoose.
jaran
Wax la jaray noqosho.
jaranjaro
1. Dhagxaan shamiintaysan, kala hooseeya oo aqallada lagu fuulo ama looga soo dego. 2. Laba tiir oo cagasaarro badani isu hayaan oo dhismayaasha lagu fuulo ama looga soo dego. ld jaranjar.
jaraqabad
J. ah: faras iwm oo fuulimaadka la baray.
jararac
Erey tilmaama wax la jeexayo.
jaraysasho
jaraysi.
jarayso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Faras ama rati jare gelin. 2. (f.mg) Jar cayaarid.
jarcee
/mg2 (-ceeyay, -caysay) 1. (f.g) Xoolo cadho qaba jarco gelin. 2. (f.g) Aqal laama ku dedid. 3. (f.mg) Qabow, baqdin ama xummad la gariirid.
jarco
Maqaar lo'aad ama geel oo guryaha lagu dhiso ama gogol ahaan loo isticmaalo.
jardiino
Beer lagu nasto ama lagu raaxaysto oo aan miro la cuno lahayn.
jare
1. (-rayaal, m.l./dh) Xarig fardaha, lo'da iwm lagu qabto. 2. Shaxda marka hab dheelkeedu saddex isugu dhacdo. 3. ld jar 2. Hab fadhi ciyaareedka ka mid ah oo loo dheelo; daamad.
jaree
/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Xarig jare ah xoolo ku xirid. 2. (f.mg) Dheesha jarta ku adkaan. 3. (f.mg) Baqdin, naxdin ama xanuun la gariirid.
jareer
1. Qof timo adag 2. Geed-gaab aan qodax lahayn oo qoryihiisu dhaqso u qoyin
jareexee
Cay kaftan ah cid u jeedin.
jareexo
1. Dhaawac cid la gaarsiiyo. 2. Ceeb cid lagu sheego. 3. Cay cid loo gaysto.
jarid
ld jarriin.
jariidad
Wargeys toddobaadle ama ka badan oo lagu soo bandhigo maqaallo waxyaalo kala duwan ka hadlaya iyo xayeysiis. ld jariido.
jariimo
Dembi weyn oo cid laga galo. ld jariimad.
jariir
Badar la tumay inta aan budada ahayn ee yaryar. ld jiriir.
jarjar
1. Lacag inta ka samaysan bir, maar, macdan iwm oo sarrifka ah. 2. Dad aan isku dhalasho ahayn oo la isu keenay. 3. Kalaankal.
jarjaran
Wax mid ahaa oo qaybo loo googooyay noqosho.
jarjarid
ld jarjaris.
jarjarnaan
ld jarjar- naansho.
jarjarnaansho
/dh ld jarjarnaan.
jarmaad
Aroor hore socosho. ld jermaad.
jarmaadi
Wax aroor hore socodsiin; kallihin. ld jermaadi.
jarmaadid
ld jarmaadis², jermaadid.
jarmaadin
ld jarmaa-dis¹, jermaadin.

