Words starting with 'J'
1,409 Somali words beginning with 'J' — page 13 of 15.
jirxumaansho
/dh ld jirxumaan.
jirxumayn
ld jirxu-mays.
jirxumee
U j.: Weji aan furfurnayn iyo caro cid u muujin.
jirxumo
1. Caato iyo nafaqadarro nafley jirkeeda ka muuqata. 2. Adkaysi la'aan uu jir u leeyahay difaaca cudurrada maqaarka.
jirxun
1. Wax caato iyo nafaqdarro hayso ahaansho. 2. Wax camal xun ahaansho (qof). 3. Wejitub iyo caro layska muujiyo, si cid lagu fogeeyo.
jisaddarro
Abaaldarro.
jisakaddare
Abaalkii loo galay, wax xun ku guda (qof); qfkii wanaag u gala, ka abaaldhaca. ld jisadkaddare.
jiscimaysan
Wax jiscin leh ahaansho (wadaan).
jiscimaysnaan
ld jiscimaysnaansho.
jiscimaysnaansho
/dh ld jiscimaysnaan.
jiscimee
Wadaan jiscin u yeelid.
jiscin
Cunto safar ama socdaal loo qaato cid siin.
jiso
Abaal marinta uu ka mutaysto qof fal uu sameeyey. ld jisad.
jisyo
Canshuur muslinku ka qaadi jirey dadka ehelu kitaabka ah sida Kirishtaanka iyo Yuhuudda. ld jisyad.
jitaabi
Wax imtaxaanid. ld tijaabi.
jitaabin
ld jitaabis, jitaabo, tijaabin, tijaabo.
jito
Caano baq noqday.
jixi
U j.: dibi, dibi kale guulid.
jixinjix
1. Naxariis; raxmad. 2. ld jixinjixid.
jixinjixid
ld jixinjix¹ (2).
jiyoofisiko
Barashada dariiqadaha fisikeed ee la xiriira dhismaha dhulka. Barashadaasi waa mid la xiriirta oogada dhulka, gibilka, iyo biyooleyda.
jocor
1. Subagga ka baxa caanaha geela. 2. Bocor; halcun; cudh.
johor
Wasaq, jilif iwm oo ay yeelato oogada dadka. ld joxor.
jolob
In yar caano, badar, biyo iwm ah.
joodari
Gal weyn oo maro ah oo sariirta dherer la eg oo inta waxyaalo jilicsan sida cudbi, dhogor, isboonyo iwm laga buuxsho si gaar ah loo tolo, sariiraha la saaro oo lagu kor seexdo; koodari; kashkaash. ld goodari.
joof
Timo adag oo taagtaagan.
joog
1. Meel ku nagaan. 2. Jirid; noolaansho.
joog-ekeeye
Xarriiq isku xira meelaha jooggoodu isku mid yahay ee ka sarreeya bad lasimanta.
joogajooge
1. Socod aan la joogsanayn maalin dhan. 2. Taag-naan aan nasiino lahayn. 3. Cucub.
joogbeege
Qalab lagu cabbiro joogga dhulka.
joogid
ld joogis.
joogjoog
Meel dan la'aan u joogid.
joogjooge
1. Dhis maqaar, qoryo, iyo caws laga sameeyo oo qaab nirgood ama weylood leh oo la tuso hasha ama saca ilmihiisu dhinto, si uu u godlado. 2. Socod dheer oo aan nasiino lahayn oo maalin la socdo.
joogjoogle
1. Roob aan kala go' lahayn oo habeenkii da'a. 2. Legdan laba qofood oo kala xoog badan oo kan xoogga badani labadiisa gacmood laabto oo lugaha kaliya ku legdamo.
joogjoogsasho
ld joogjoogsad, joogjoogsi.
joogjoogso
1. Socod hadba meel istaagid. 2. Ku j.: qof dhulka jiifa oo muruq hayo si turaal ah ugu istaagid.
joogsasho
ld joogsad, joogsi.
joogsi
1. Astaan dhibic ah oo hadal dhan oo qoraal ah dhammaadkiisa lagu dhigo. 2. ld joogsasho.
joogso
1. Socod joojin. 2. Fadhi ka istaagid.
joogtee
Fal si joogto ah u qabasho.
joogteyn-naytaroojiin
Dariiqad kiimikeed taas oo naytaroojinta gibilku isu beddesho iskudhisyo orgaanik ah noolayaasha dhexdooda, ka dibna ay marto meertada naytroojiin. Kartida lagu joog- teynayo naytaroojiinta waxa iska leh bak- teeriya aar ah.
joogto
1. J. ah: wax aan isbeddel lahayn ama aan kala go'ayn. 2. Shaqaale hay'adeed oo aan maalin goosato ahayn.
joohaar
Mas if badani uurka uga jiro oo habeenkii inta la soo baxo ilayskeeda ku ugaarsado; masjoohaar.
joohaar-bibanji
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bijoohaar, biish-bijoohaar, joohaar- bibiish.
joohaar-bibiish
bibanji.
joohaar-bisaliim
bijoohaar.
joohaar-bishiish
Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac afar dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bijoohaar.
joohaarad
1. Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min afar dhibcood ku leh. 2. Wax if bixiya oo masjoohaarku habeenkii markuu ugaarsanayo soo tufo.
jooji
1. Wax dhaqaaq ka celin. 2. Wax dhulka yaal istaajin. 3. Wax socday hakin.
joojin
ld joojis.
joojiye
(baay.) Walax hoos u dhigta ama joojisa falgal uu xukumayo insaym.
joojiye-falgal
Walax yareysa waxtarka kaalkaaliyaha, taas oo ah, dhakhsaha falgalka oo yaraada.
jookar
Warqad turubka ka mid ah oo marka iskaalada la ciyaarayo meel kasta oo warqad ka maqantahay buuxiya; maato.
jookh
1. Nooc cimaamaadaha ka mid ah oo ragga madaxda ah iyo wadaaddadu madaxa ku duuban jireen. 2. Dhogor ama dun la midabeeyey oo fardaha madaxa loo suro qurux awgeed.
joolaalo
Geed saloo-lasho.
jooloji
Barashada qaabka iyo habdhiska dhulka. Barashadan waxaa ka mid ah walxaha uu ka koobanyahay dhulka, kala filiqsanaantooda, taariikhdooda, nolosha dhirta iyo xayawaanka ku nool ama ku noolaan jiray.
joome
Dibi weyn oo dhufaan ah; baqay.
joometeri
Laan ka mid ah xisaabta oo lagu barto adkeyaal, dulo, xarriiqyo, xoodad, iyo baro ku yaalla dulalaati. Tusaale ahaan joometeriga waxa ay la xiriirtaa cabbiridda iyo xisaabinta xagallo u dhexeeya xarriiqyo toosan, astaamaha asaasiga u ah goobooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya xarriiqyo iyo baro ku yaalla sallax.
joometeriga-saafan
Barashada shaxanno joometeriyeed iyo xoodad iyada oo la isticmaalayo habdhis kulan iyo habab aljebareed; joometeriga kaart.
joometeriga-Yuklid
Habdhis joometeri oo ku saleysan qeexo iyo dhardhaarro uu dejiyey xisaabyahankii giriigga ahaa “Euclid”, kuna qoray buugga la yiraahdo “The Elements”. Buuggiisa koowaad waxa uu ka bilowdaa 23 qeexo oo ah nooca: “Bar waa mid aan qayb lahayn”, “xarriq waa dherer aan ballal lahayn”. Ka dibna waxa raaca 10 dharhdaarood oo “Euclid” uu u qaybiyey 5 fikrado wadaaga ah iyo weedho.
joonis
Cagaarshow.
joonyad
jumleysi
joordi
Bilaale yar oo dhoob ka samaysan oo shaaha iyo bunka lagu cabbo.
joqofey
Boog aan dhaqso u raysan.
joqofsanaansho
/dh ld juqufsanaan.
jornaal
1. Wargeys. 2. Waraaqo meelaha ganacsiga wax looga duubto.
jowr
ąwr¹.

