j
Xarafka tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
jaa'ifee
1. Waxyeello weyn oo aafeed cid gaarsiin; aflagaaddee. 2. Nabar foolxumo reeba cid wejiga ka gaarsiin.
jaa'ifeyn
'ifee.
jaa'ifo
1. Nabar wejiga la gaarsiiyo oo foolxumo reeba. 2. Hanti la siiyo qof jaa-ifo loo geystey.
jaa'ir
Xaakim aan caddaalad iyo naxariis lahayn.
jaabajaabeyn
1. Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah. 3. ld jaabeyn.
jaabajaabo
1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.
jaabbiyad
Berked biyaha loogu kaydiyo beeraha timirta.
jaabee
1. Jaabo aruurin. 2. Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo. ld jaabajaabee.
jaabeyn
ld jaabajaabeyn (3), jaabajaabeys, jaabeys.
jaabeysasho
jaabajaabeysasho, jaabajaabeysi.
jaabeyso
Jaabo urursasho. ld jaabajaabeyso.
jaabo
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo.
jaad
1. ld qaad 1. Geed caleentiisa, laamahiisa curdanka ah iyo diirkiisa la calashado oo lagu marqaamo. 2. Nooc. 3. Kala j.: kala duwan.
jaafi
/dh 1. J. ah: shay qiro leh. 2. Derin weyn oo ka samaysan caw baar ama mayro oo labadeeda dhinac duf lahayn.
jaah
1. Sharaf: magac-weyni. 2. Soo jeedka qofka inta indhaha ka sarreysa; weji, fool. 3. Woqooyi (bad).
jaahid
Qof diinta islaamka u dagaallama.
jaahil
1. Qof aan wax akhrin, waxna qorin. 2. Kas-gaab.
jaahilbixi
Ka j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.
jaahiliyad
1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
jaahilnimo
Jaahil ahaansho.
jaahwareer
1. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid.
jaahwareeri
Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri.
jaahwareerid
ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawa-reerid.
jaahwareerin
ld jahawareerin.
jaahwareersan
Wax jaahwareeray ahaansho. ld jahawareersan.
jaahwareersanaansho
jaha-wareersanaan.
Jaahwareersanaansho
/dh ld jaahwa-reersanaan.
jaajaale
Qof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
jaajaalee
Maad iyo wax lagu qoslo samayn.
jaajuur
Shay afar gees leh oo ka samaysan shamiito iyo ciid laysku qasay oo guryaha lagu dhiso; bulukeeti.
jaakad
Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.
jaal
1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
jaalabbuud
Jaadadka doonyaha jaad ka mid ah.
jaalabutee
Jaalabuto samayn.
jaalabuto
1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
jaalle
1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.
jaallenimo
Jaalle ahaansho.
jaalnimo
Jaal ahaansho.
jaamac
1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.
jaamacad
Xarun waxbarasho oo cilmi sare laga barto una qaybsan kulliyado.
jaamee
/mg2 (-meeyay, -maysay) 1. (f.g) Kab cid la dhicid. 2. (f.mg) Iyadoo cagaha iyo sacabbada laga shanqarinayo ciyaar dheelid. 3. (f.g) Jaamo ka dhigid: cad cad ka dhigid.
jaamici
Qof ay u dhammaatay waxbarasho jaamacadeed.
jaamojoog
Shimbir midabbo badan, lugo dhaadheer iyo luqun dheer leh oo durdurrada iyo biyo-fariisiyada ku nool.
jaamuus
1. Lo' gisi. 2. Kabo raggu qaato adag, saan geri ka samaysan oo marka lagu socdo dhawaaqa.
jaan
1. Caano geel oo aad u dhanaan. 2. Biyo kharaar oo dhano ah. 3. Ciid dhanaan; carro seel. 4. Caws aan loo baahnayn oo dalagga la soo baxa.
jąan
Uun rooxaan ah oo aan aadamuhu arki karin; jinni.
jaandheer
Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
jaangeri
Kabaha laga sameeyo maqaarka geriga.
jaango'an
Ku j.: wax, wax kale la cabbir ah ahaansho.
jaango'naan
'naansho.
jaango'naansho
/dh eeg jaangoo. ld jaango'naan.
jaangoo
/mg2 (-gooyay, -gooysay) 1. (f.g) Wax qorshaysan samayn. 2. (f.mg) Ku j.: wax, wax kale ka simid. 3. (f.g) Kabo jaan u samayn.
jaangooyo
1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. ld jaangooyn.
jaangoyn
ld jaangooyo (2).
jaanguur
Wax dabar go'id.
jaanguuri
Wax dabar goyn.
jaanguurin
ld jaanguuris.
jaanqaad
1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid.
jaanqaadid
ld jaanqaad¹ (3).
jaanrog
Cararid.
jaansaar
Saaridda kabo duug ah la saaro jaan cusub.
jaansaaran
Kabo jaan cusub la saaray ahaansho.
jaansaarnaan
ld jaansaarnaansho.
jaansaarnaansho
/dh ld jaansaarnaan.
jaantus
Naqshad ama sawir lagu muujiyo fikrad.
jaantus-Argrand
(xis.) (Sallax murakab) Laba addimaale habdhiska kulannada kaartis ee lagu muujiyo tirooyinka murakabka ah. Tirada x + iy waxa lagu muujin karaa barta kulannadeedu yihiin (x, y).
jaar
1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. ld yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.
jaariile
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
jaariyad
Qof haween ah oo guri aanay lahayn shaqaale ka ah.
jaarnimo
Jaar ahaansho.
jaarri
Muran iyo canaad isku jira.
jaasee
Ka j.: fal xun oo qof sameeyey ku ciqaabid.
jaaso
Wax looga gudo qof xumaan sameeyey.

