0

jiljilo

f g3 (-laday, -latay)

Geed iwm si ay miro uga soo daatan ruxruxasho.

0

jillaab

m dh

1. Hab loo ugaarsado kalluun-ka. 2. Qalabka wax lagu dabto. 3. ld jillaabid.

0

jillaabad

m l

Eeg: jillaabasho

0

jillaabasho

m f dh

ld jillaabad, jillaabo¹.

0

jillaabid

m f dh

ld jillaab¹ (3).

0

jillaabo

f g3 (-btay, -batay)

Kalluun dabasho.

0

jillaad

f g1 (-day, -dday)

Eeg: jallaad²

0

jillaadad

m l

Eeg: jallaadasho

0

jillaadan

f mg1 (-dmay, -dantay)

dan¹.

0

jillaadasho

m dh

Eeg: jallaadasho

0

jillaadid

m dh

Eeg: jallaadid

0

jillaadmid

m dh

Eeg: jallaadmid

0

jillaadnaan

m dh

Eeg: jallaadnaan

0

jillaadnaansho

m l

/dh ld jallaadnaan.

0

jillaado

f g3 (-aatay, -aadatay)

Eeg: jallaado

0

jillaaf

f g1 (-fay, -ftay)

Eeg: jallaaf

0

jillaafee

f g2 (-feeyay, -feysay)

Eeg: jillaaf

0

jillaafeyn

m dh

Eeg: jallaafid

0

jillaafid

m dh

Eeg: jallaafid

0

jillaafo

m dh

Eeg: jallaafo

0

jillab

m l (bot.)

Geed nagaarka ka mid ah oo aan qodax lahayn oo geelu daaqo, weelasha caanahana lagu deebiyo.

0

jillad

f g1 (-day, -dday)

Eeg: jelled

0

jilladad

m l

Eeg: jalladasho

0

jilladan

f mg1 (-dmay, -dantay)

dan¹.

0

jilladasho

m dh

Eeg: jalladasho

0

jilladid

m dh

Eeg: jelledid

0

jilladmid

m dh

Eeg: jalladmid

0

jilladnaan

m dh

Eeg: jalladnaan

0

jilladnaansho

m l

/dh ld jalladnaan.

0

jillado

f g3 (-atay, -adatay)

Eeg: jallado

0

jillaw

m dh

Mayraxda adag ee u dhexeysa qolofta iyo mullaaxda geedka.

0

jilleey

m dh (-yo, m.dh)

Dad, lo' aan reerkeedii la joogin haya; bulsho.

0

jilliin-sagaaro

m l

Ilmaha sagaarada (lab dheddigba); jiis.

0

jilnaan

m f dh

ld jilnaansho.

0

jilnaansho

m l

/dh ld jilnaan.

0

jilqab

m l

Dhul dihin oo aan dhirtiisa weli la jarin.

0

jimaad

m l

Da'; eyni.

0

jimayn

m f dh

Eeg: jimee

0

jimbac

m l

1. (bot.) Nooc geedgaabka ka mid ah oo laamo dhuudhuuban leh oo aan qodax lahayn oo caraf gaar ah leh. 2. ld jimbicid.

0

jimbacad

m l

Eeg: jimbacasho

0

jimbacan

f mg1 (-cmay, -cantay; -cmi)

Wax la jimbacay noqosho.

0

jimbacmid

m f dh

Eeg: jimbacan¹

0

jimbacnaan

m f dh

ld jim- bacnaansho.

0

jimbaco

f mg3 (-cday, -catay)

Wax dhinac u leexsasho.

0

jimbici

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dhinac u leexin.

0

jimbicid

m f dh

ld jimbac¹ (2).

0

jimbicin

m f dh

Eeg: jimbici

0

jimcabarqadle

m dh

Eeg: jimcobarqadle

0

jimce

m l

Eeg: jamce

0

jimci

f g2 (-iyay, -isay)

1. Si naxariis iyo turaal leh qof jirka ugu duugduugid. 2. Harag jilcin.

0

jimcin

m f dh

Eeg: jimci

0

jimco

m dh

Eeg: jamce

0

jimcobarqadle

m dh

Xaflad weyn oo roobdoon ah oo lagu sameeyo siyaarada Sh. Yuusuf Al-Kowneyn. ld jimca-barqadle.

0

jimcoon

f mg4 (-naa, -nayd)

Xilli wax aan dhibaato badan lahayn ahaansho.

0

jimcoonaan

m f dh

ld jimcoonaansho.

0

jimcoonaansho

m l

/dh ld jimcoonaan.

0

jimee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Laba wax ama ka badan isla ekaysiin.

0

jimeysad

m l

Eeg: jimeysasho

0

jimeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax laysla ekeysiiyey ahaansho (laba wax ama ka badan).

0

jimeysasho

m f dh

ld jimeysad, jimeysi.

0

jimeysi

m l

Eeg: jimeysasho

0

jimeysnaan

m f dh

ld jimeysnaansho.

0

jimeysnaansho

m l

/dh ld jimeysnaan.

0

jimeyso

f g3 (-stay, -satay)

Laba wax ama ka badan isla ekeysasho.

0

jimic

m l

1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.

0

jimicdarro

m dh

Jimci la'aan; naxariisdarro.

0

jimicsad

m l

Eeg: jimicsasho

0

jimicsasho

m f dh

ld jimicsad, jimicsi.

0

jimicsi

m l

1. Oogo daashay ama curuqday oo la kala bixbixiyo. 2. Hab gaar ah oo loogu talaggalay in oogada, siiba muruqyada, lagu dhiso oo lagu adkeeyo.

0

jimicso

f mg3 (-saday, -satay)

Jimicsi samayn.

0

jimiimic

f mg1 (-cay, -cday)

1. Geel jimiimic samayn. 2. Wax jacayl loo qabo samayntooda doonis.

0

jimiimicid

m f dh

Eeg: jimiimic²

0

jimirric

f mg1 (-cay, -cday)

U j.: cid naxariis iyo turaal u gelid.

0

jimirricid

m f dh

Eeg: jimirric²

0

jimlad

m dh

Eeg: jimlo

0

jimlee

f g2 (-leeyay, -leysay)

1. Tiro xisaabeed isku darid. 2. Badeeco jimlo u gadasho. ld jamlee, jumlee.

0

jimleyn

m f dh

ld jamleyn, jamleys, jimleys, jumleyn, jumleys.

0

jimleys

m l

Eeg: jimleyn

0

jimleysad

m l

Eeg: jimleysasho

0

jimleysasho

m f dh

ld jamleysad, jamleysasho, jamleysi, jim-leysad, jimle.

0

jimleysi

m l

Eeg: jimleysasho

0

jimleyso

f g3 (-stay, -satay)

1. Wax si jumla ah u gadasho. 2. Xisaab isku darsasho. ld jamleyso, jumleyso.

0

jimlo

m dh

Badeeco isku nooc ah, badan oo laysku iibsado.

0

jin

m dh (-imo, m.l)

Dhudhunka gacanta geestiisa calaacasha xigta.

0

jinaab

f mg1 (-bay, -btay)

Qof hurdaya shahwo sii dayn. ld junow², junub², junuub², junuun².

0

jinaabid

m f dh

ld junoobid, junubid, junuubid, junuunid.

0

jinaabo

m dh

Qubays ku waajiba qof shahwo ka timid. ld janaabo, junow¹, junub¹, junuub¹.

0

jinaad

m l

Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.

0

jinaaso

m dh

(3).

0

jinac

m l

Cayayaan yaryar oo jaadad badan u kala baxa oo magangooyaha ka yar quraanyadana ka weyn; jirac. ld jirac.

0

jinaq

m l

Bir yar oo qadhabi ah oo ragga gadhmadowga ah cirradu ku siibsiibo.

0

jinaw

m l (-jinaw, m.dh)

1. Geedquwaax dheer oo cufan, caleen dhanaan oo la cuno leh. 2. J. ah: caano oo dhanaan noqday.

0

jinbad

m l

Eeg: jinbasho

0

jinbasho

m f dh

ld jinbad.

0

jinbo

f mg3 (-baday, -batay)

Awr xiriir goosasho; xiriirfuro.

0

jinfo

m dh

Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka.

0

jinjin

m dh

Eeg: jijin

0

jinjingarayn

m f dh

Eeg: jinjingaree

0

jinjingaree

f g2 (-reeyay, -reysay)

Turub la qaybinayo isla ekeysiin.

0

jinjingaro

m dh

Isla ekeysiinta turub la qaybinayo la isla ekeysiiyo.