Words starting with 'J'
1,409 Somali words beginning with 'J' — page 14 of 15.
jowrid
ąwrid.
jows
ąws.
joxoof
Oday da' weyn oo xooggan.
ju'i
'i.
ju'in
'in.
jubbad
Dhar culus oo raggu qaarka sare ka gashado oo gacmo dhaa-dheer iyo jeebab leh; koor; koodh.
juc
Faro jimcid.
juci
Faro iwm juc ka siin.
jucin
ld jucis.
juco
Faro jimicsasho.
judub
Gacanta oo faruhu duubanyihiin oo inta kor loo qaado si xoog leh wax loogu dhufto; tantoonyo.
jufee
1. Meel daloosha wax ku gufayn. 2. Samayo waran jufo gelin. ld jifee.
jufeyn
ld jifeyn.
jufis
Beer masaar caws kaga falid.
jufo
1. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka. 2. Bir goobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo.
jug
1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).
jugee
1. ld jukee. 2. Turub iyadoo la muujinayo in haad fas badan laga haayo bad ku dhufasho.
jugeyn
ld jugeys, jukeyn, jukeys.
jugeysasho
ld jugeysad, jugeysi, jukeysad, jukeysasho, jukeysi.
jugeyso
1. Dhar la dhaqay baaf iwm gudihiisa ku garaacasho ama ku xafuujisasho. 2. Haad turub oo fas badan laga hayo degasho (ciyaar turub) ld jukeyso.
jugley
Shimbir weyn oo ay goroyada isku bahyihiin, oo aan duullimaad dheer samayn karin.
jugleyn
Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).
jugux
Cod la maqlayo marka wax la laqayo.
jukee
1. ld jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iwm gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin.
jukeyn
ld jugeyn.
julul
Gardarro; Gaboodfal.
jumbur
J. ah: qof ama xoolo bar yar.
jundi
Col tiro badan ka kooban.
junuf
J. ah: neef dhaqayo ah oo caano yareeyey. ld juno.
juqayn
ld juqays.
juqee
Wax caarad fiiqan leh wax ku mudmudid.
juqraafi
Maaddada sharaxda dhulka dushiisa, muuqalladeeda ay ka mid yihiin kuwa fisikada, cimilada, carrada, maxsuul- lada, ummadaha iwm iyo filiqsanaantooda.
juqraafiga-dabiiciga
Laan ka mid ah juqraafiga oo ku shuqul leh muuqaal-lada dabiiciga ah ee dhulka ee ay ka mid yihiin berriga, biyaha iyo hawada.
juqraafiga-dadka
Barashada juquraafiga-dabeecaddu sida uu u saameeyo nolosha iyo tacabka dadka iyo juquraafi dhaqameedku sida uu u saameeyo dabeecadda.
juqraafiga-nafleyda
Barasha noolosha dabiiciga ah (xoolaha iyo deegaanta) oo anuu ku jirin dadku. Waxa la darsaa dariiqooyinka iyo siyaabaha xoolaha iyo deegaantu ugu fidaan, uguna filiqsanyihiin dhulka dushiisa.
juquf
Qof dhuuban oo godan. ld joqof.
juqufsan
Qof dhuuban oo godan ahaansho. ld joqofsan.
juqufsanaan
ld joqofsanaan, joqofsanaansho, juqufsa-naansho.
juqufsanaansho
/dh ld juqufsanaan.
jurbi
Cidi, far iyo suul iwm jir ku xanuunjin.
jurbin
ld jurbis.
jurbis
480
jurmi
Dhumuc; qiro; baaxad. ld jirmi (2).
jurxee
Cid jurxo ku dhihid.
jurxo
Hadal lafajebis ah oo cid lagu yiraahdo.
jus
War yar oo xogtiisu gaabantahay ama aysan dhammayn.
jusbax
Xaflad la sameeyo marka la dhammeeyo barashada hal jus.
juscambuulo
Hal jus oo Quraan ah marka uu arday dhammeeyo cuntada uu bixiyo. ld juscambuuleed.
jusur
/dh (-rro, m.dh) Kuul yaryar, madmadow oo barbaarku qoorta ku xirto si uu ugu xarragoodo.
jusuur
Guri weyn oo dhagax ka samaysan oo ab-ka-ab layska soo dhaxlay.
juube
Nooc warmaha waaweyn ka mid ah.
juuc
1. Daal xanuun yar leh. 2. Baahi. ld juucjuuc.
juucjuucsan
Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho.
juucjuucsanaan
ld juucjuucsanaansho.
juucjuucsanaansho
/dh ld juucjuuc- sanaan.
juuco
Cod nirgaha geelu ay samee-yaan.
juudaan
Cudur muddo dheer oo uu keeno “mycobacterium leprae”. Wuxuu wax yeelleeyaa maqaarka, dareemayasha iyo xuubka gudaha ka mara xubnaha daloola (mucous membrane). Waxaa laga helaa dalalka cimilada kulul, si toos ah ayaa la isaga qaada.
juul
(xis.) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.

