Words starting with 'J'
1,409 Somali words beginning with 'J' — page 12 of 15.
jinni
1. Ilwaad; bilic. 2. (-iyo, m.dh) ld jin 1 (1).
jinnoole
Qof waalan ama caro badan.
jinqay
Jiis caane-nuug kobcay ah.jirnac²
jinsi
(nax.) Dabeecadaha kala duwan ee leh shakhsiyaad ama noolayaal isku dir ah (lab iyo dheddig).
jinsiyad
Dhalasho qaran ee cidi leedahay.
jinsiyadlaawe
Qof aan dhalasho qaran lahayn.
jiq
Meel geedo badan oo aan la dhex mari karin; hawd.
jiqinjiqis
Meel dhir badan oo aan la mari karin; jiq.
jiqjiq
J. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah.
jir
/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iwm mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee.... Tus. “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.
jiraa
Wan gaboobay oo aan xoog iyo baruur midna u harin.
jiraab
1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
jirbe
Nooc cawska ka mid ah oo lo'du aad ugu naaxdo.
jirdabixi
Geed si uusan dib ugu soo fufin xididkiisa siibid.
jirdabixin
ld jirdabixis.
jirdeys
Xarig dawlis ah oo aad loo tidcay.
jirdil
Xad ciqaab oo lagula dhaqmo koox, ama qof kale si xaq daro iyo xad gudub, sababo siyaasadeed ama mid diineed.
jire
Ilaah; Eebbe.
jiri
1. Nafley roob ka okorin. 2. Jeri.
jiribaa
Cayayaan yaryar, duula, cadaad-ka fuula oo xilliga kaliisha qayliya.
jirid
ld jirrid.
jiriibbamid
ld jir-riban¹(2).
jiriibban
1. Hadal hagag ah oo laysku celceliyo. 2. ld jirribamid.
jiriid
Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
jiriiddee
Jiiriddada buurid; hadba jiirid muujin.
jiriido
Shay raandhiis leh oo loo aayo.
jiriiricaysnaan
ld jiriiricaysnaansho.
jiriiricaysnaansho
/dh ld jiriiricaysnaan.
jiriirico
hayso ahaansho.
jiriiricoo
Jiriirico dareemid.
jiririq
Cod ay sameeyaan xaya- waanka iyo cayayaanka qaarkood. J. dheh: jiririqleyn. ld jirriq.
jiririqlee
Jiririq samayn.
jirjir
1. Dhabarka dadka iyo nafleya kale. 2. Labada dhinac ee feeraleyda midkood. 3. Mindi iwm dhinaca wax gooya, ma ahee dhinaca kale. 4. Webi, beer iwm gawgoo-da.
jirjirree
1. Dhabar u seexasho. 2. Dhabar u dabaalasho. 3. Qof hadba dhinac isu rogid.
jirjirroole
1. Nafley yar afar addin iyo dabo dheer leh oo hadba meesha ay joogto midabkeeda yeelata; roor; geeldhugeeye. 2. J. ah: Qof isbedbedel badan.
jirme
Geedgaab, qodax yaryar iyo caleemo balballaaran leh, dhulka buuralay-da ah ka baxa oo qoloftiisa wax lagu aslado. ld jirmo.
jirnac
Dhul goof noqday.
jirniin
1. Abuuritaanka ay wax abuu- ranyihiin. 2. Habka xoolaha loo ilaaliyo. ld jirriin.
jirraaq
Qof sakaraad ah oo naftu dhibayso noqosho.
jirraaqid
ld jirraaqis.
jirraaqo
Nooc ka mid ah quraanyada waaweyn, madmadow, madax- yo waaweyn oo raxanraxan u socota; buu-lallo.
jirrab
1. Dhibaato badan. 2. J. ah: meel maritaankeedu dhib yahay. 3. J. ah: qof dhiblow ah. 4. Tijaabo. 5. ld jirrabid.
jirrabaad
Dhibaato weyn.
jirraban
Wax jirrab la mariyey ahaansho.
jirrabid
ld jirrab¹ (5).
jirrabmid
ld shirrab-mid.
jirrabnaan
ld jirrab- naansho.
jirrabnaansho
/dh ld jirrabnaan.
jirran
Nafley wax jirro hayso ahaansho.
jirranaan
ld jirranaansho.
jirranaansho
/dh ld jirranaan.
jirrid
Qaybta hore ee geedka ee xididdada ka sarraysa; sal; gun.
jirrid-maskaxeed
(daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
jirriinsii
Wax abuurid.
jirriq
/dh.sh.r ld jiririq.
jirriqaa
Cayayaan kabajaaga la bah ah oo afar lugood iyo baalal adag leh, dooggana cuna; warriiq.
jirriqjirriqlee
Ilko isku lisid; jiririq samayn.
jirriqsasho
ld jirriqsad, jirriqsi.
jirriqso
Ilko isku xoqid.
jirro
Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.
jirro-dhimireed
(daaw.) Isbeddel ku dhaca mid ama wax ka badan ee hawlaha dhimirka (sida caadifiyadda, dareenka, xasuusta iyo fakarka), taas oo u keenta silic bukaanka iyo dadka kaleba.
jirroole
Qof aan caafimaadkiisu wanaagsanayn; qof jirro badan.
jirrow
Biyo culus dhano ah oo geela u fiican.
jirsan
Wax roob laga asheeriyey ahaansho.
jirsanaan
ld jirsanaansho.
jirsanaansho
/dh ld jirsanaan.
jirsasho
ld jirsad, jirsi.
jirsii
Nafley roob meel dhisan ka gelin; okorin; asheerin.
jirsiin
ld jirsiis.
jirso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Roob meel dhisan ka gelid. 2. (f.mg) U j.: meel ama wax in qiyaas ah ka durugsanaan.
jirtoo
2 (6).
jirxumaan
ld jirxu- maansho.

