Words starting with 'F'
1,977 Somali words beginning with 'F' — page 16 of 20.
firi
Abuur, iniin.
firiimaale
Geed gaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban kana mid ah dhirta daawada.
firiiric
Nabarro yaryar oo jirka dadka ka soo baxa waqtiyada kulaylka ah; roobsugow. ld furuuruc.
firijideer
Qaboojiye. ld firijiteer.
firikhi
Is f.: Qof dadka iskalaweyn noqosho. ld fidhikhi.
firikhin
ld fidhikhin.
firiley
1. Meseggo. 2. Badar.
firimbi
Aalad yar oo bir ama caag ah oo leh laba dalool oo marka la afuufo sii daysa foori dheer. ld firinbi.
firin
Qori yar oo dhuuban oo ilig ama ka badan leh, badi ahaanna xardhan oo timaha lagu feero. ld fire.
firinfirle
Neef mar hore dhalay oo caano yareeyay oo aan la caweysimin ee geeljiruhu fiidka hore maalo; juno.
firiqo
/dh (-ooyin, m.l) Wiil yar ama gabar yar oo anshax xun.
firiqsanaansho
/dh ld filiqsanaan.
firir
1. Cadad ama dhibco yaryar oo ka soo faniinay wax is haystay ama qarxay. 2. ld firdhid.
firirsan
Wax wada jirey oo kala yaacay ahaansho. ld firdhisan.
firirsanaan
ld firdhisnaan, firdhisnaansho, firirsanaansho.
firirsanaansho
/dh ld firirsanaan.
firo
Timo iwm feerasho.
firow
1. Wax firo yeelasho. 2. Waraaq turub oo gembisan dhanka kale isu geddiyid.
firqo
Dad koox ah; horin.
firqoon
Nafley orgeysan ahaansho (ariga, lo'da iwm).
firqoonaan
ld firqoonaansho.
firqoonaansho
/dh ld firqoonaan.
firshaysan
Wax firshoobay ahaansho (degaan).
firshaysnaan
ld firshaysnaansho.
firshaysnaansho
/dh ld firshaysnaan.
firsho
1. (-ooyin, m.l) ld farsho. Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. 2. Degaan aan bacrin ahayn.
firshow
Firsho noqosho (degaan).
firxasho
ld firxad.
firxo
1. Si aan nidaamsanayn u cararid. 2. Kala f.: wax wada jirey meelo kala duwan u kala cararid.
fisikada
Qaybaha fisikiska ee soo jireenka ahaa ilaa qarnigii 19aad, ka hor aragtida kuwaantum iyo u-eegidda intaan la ogaan. F. q.u waxa ay badanaa ku dhisnayd mekaanikada niyuutan iyo aragtida birlabdanabeedka ee Jaymis Maakiswel.
fisiyooloji
Barashada shaqooyin-ka dhismayaasha iyo dariiqooyinka bayokiimikeed ee ka dhaca dhismayaasha iyo noolaha guud ahaanba.
fisqi
Falal xun oo aan diinta iyo dhaqankuba oggolayn. ld fisiq, fusqi, fusuq.
fitaax
Wax waasac noqosho. ld fataax².
fitaaxi
Wax ballaarin. ld fataaxi.
fitaaxid
ld fataax¹, fataaxid, fitaax¹.
fitaaxin
ld fataaxin.
fitaaxsan
Wax la fitaaxiyey ahaansho (xero). ld fataaxsan.
fitaaxsanaan
ld fataaxsanaan, fataaxsanaansho, fitaaxsanaansho.
fitaaxsanaansho
/dh ld fitaaxsanaan.
fitamiin
Qayb ka mid ah nafaqooyinka cuntada laga helo oo jirka ka shaqaysiisa. ld faytamiin.
fitilig
1. (-go, m.l) Xarig yar, guntin leh oo ka laallaada dabinka oo inta godka la geliyo garangarta iyo dhidibku isuhayaan. 2. (sh.r) F. dheh: si dhegdheg ah u dhaqaaqidda ama isu rogidda.
fix
Qosol f. la dheh: aad u qoslid.
fixlee
Aad u qoslid.
fiyooliin
Nooc ka mid ah qalabka muusikada.
fiyoor
(juqr.) Bad-jiid dheer oo dhuuban oo gala dhulka xeebta badda, kaas oo leh dhinacyo tiiradoodu ay taagantahay.
fog
1. Wax durugsan ahaansho. 2. Ka f.: wax, wax kale ka durugsan ahaansho.
fogaan
ld fogaansho.
fogaan-xagleedka-u-dhexaysa-laba-barood
Fogaanta u dhexaysa laba barood marka laga cabbiro xagasha u dhexeysa laba xarriqood oo mara baraha iyo bar tixraac oo wadaag ah. Tusaale ahaan fogaan xagleedka u dhexeya baraha A iyo B iyada oo loo eegayo barta T waa xagasha ATB.
fogaansho
/dh eeg fogow. ld Fogaan; fogaan.
fogee
1. Cid ama wax meel durugsan geyn. 2. Cid shisheeyenimo ula dhaqmid.
fogow
Meel durugsan tegid.
folkaano
(jool.) Dhul qaab toobineed leh oo ku yaal oogada dhulka oo ay samaysay maagma xoog ugu soo baxay oogada dhulka; dhadhaab dhalaashan, ama laarfa, ayaa ugu dambeynta soo baxa, oo marmarka qaarkood leh qarax xoog leh, burbur dhadhaabeed iyo dambas ayaana hawada u baxa. Soo bixidda laarfaha, ama qaraxyada ayaa inta badan ka dhiga f. ney yeelato qaabka kur-toobineed ama buur, kaddibna si tartiib ah ayay dhismayaal u sameeyaan waxyaalihii soo baxay, kasoo si aadna u qaro weyn uguna tuulma hareeraha daloolka. F.oyinka sida badan badaha agtooda ayay ku suganyihiin. Folkaanku wuxuu noqon karaa: mid nool, mid hurda ama mid aan noolaynba oon dib dambe u qarxaynin.
foloora
Nafleyda dhirta ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foloora wuxuu la xiriira erayga foona oo loo isticmaalo nafleyda xayawaanka.
fongor
1. Dabci xumi qof leeyahay. 2. Summad xoolaha lagu dhigo. 3. ld fangar 1. Meel wax ka go'een daloolka ay yeelato.
fongoran
1. Wax la fongoray ahaansho. 2. ld fangaran. Wax cad ka maqanyahay ahaansho.
fongornaan
ld fongornaansho.
fongornaansho
/dh ld fongornaan.
fooc
Dhul, jir iwm. wax ka soo taagan.
fooc-lalmada
(daaw.) Fooc, sida badan san, oo ka baxa xuubka malaaska. Sida badan waxa laga helaa sanka iyo daaloollada kale oo sanka xiga, wuxu keenaa awdid, daloollada, infekshin muddo dheer iyo sandareer.
foocaar
1. Saddexda xiddigood oo godintu ka samaysantahay. 2. Meesha doonyaha iyo maraakiibta lagu xiro si aan dabayshu u qaadin.
fooci
1. Wax kor u soo kuusid. 2. Jago ka qaadid (qof).
foocsan
Wax soo foocay ahaansho.
foocsanaan
ld foocsanaansho.
foocsnaansho
/dh ld foocsanaan.
food
1. Timaha intooda hore ee wejiga korkiisa ku beegan. 2. F. u reeb: timo yar oo loogu reebo madaxa carruurta, siiba gabdhaha, meel wejiga korkiisa ku beegan. 3. Aqal soomaaliga meesha irridda korkeeda ku beegan.
foodcadde
Geed-nagaar, wada cad, leh bul weyn oo jilicsan oo dhiigga nabarrada ka socda lagu joojiyo.
foodcase
Geed ubax cas leh oo geela iyo ariguba daaqiisa jecelyihiin.
fooddad
/dh (-do, m.l) Garbasaar.
foodgoo
Gabarnimo ku aroosid.
foodgooyo
1. Wax foodda sare laga jaro. 2. ld foodgoyn.
foodgoyn
ld foodgooyo (2).
foodi
Isu f.: laba wax ama ka badan isbarbardhigid.
foodley
Gabar yar oo aan weli qaangaarin; dhoocil.

