fariin
Qalab baabuurka ku samaysan oo loogu talaggalay inuu joojiyo ama hakiyo socodka baabuurka.
fariisasho
ld fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
fariisi
1. Wax salka dhul u dhigid. 2. Cid fadhi ku soo dhaweyn. 3. Ka f.: cid shaqo ka joojin. 4. Caano iwm garoorin. ld fadhiisi.
fariisin
ld fadhiisin¹.
fariiso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Salka meel saarid. 2. (f.mg) Dareere garoorid. 3. (f.mg) Ka f.: wax ka joogsasho. ld fadhiiso.
farkannax
Dareen cabsi leh oo qofka ku dhaliya in uu wax gacmahiisa ku jira xukumi kari waayo. ld farakannax¹, fargannax¹.
farkannaxsan
Wax farkannax hayo ahaansho. ld farakannaxsan, fargannaxsan.
farkannaxsanaan
ld farakannaxsanaan, farakannaxsanaansho, fargannaxsa
farkannaxsanaansho
/dh ld farkannaxsanaan.
farkannixid
ld farakannixid, fargannixid.
farkuddoon
F. ah: wax si loo helo adagtahay; dhif, naadir.
farma'
Si kedis iyo degdeg ah oo loo boodo ama loo ordo. ld farmac.
farmaajo
Cunto laga sameeyo caano la garooriyey lana qallajiyay.
farmac
'.
farmashiye
Dukaanka daawooyinka lagu iibiyo. ld farmasi.
farmi
Culaab la saaro maraakiibta markay faaruqa tahay si loo dheellitiro culayskooda.
farmuq
Cid wax ku tuhmid.
farnaan
ld farnaansho.
farnaansho
/dh ld farnaan.
faro
/lg3 (-rtay, -ratay) 1. Wax fandharasho. 2. Cid farriin u dhiibasho.
farooley
Qalab bir ah oo daab dheer oo qori ah leh oo beeraha looga shaqeeyo. ld faraley (2).
farow
1. Gammaan dibadeed, leh midab isugu jira diillimo caddaan iyo madow ah oo laga helo Afrika kaliya. 2. Xoolaha aadka u cayila. 3. Xararka rarada lagu dhigo jaad ka mid ah.
farqi
Kala duwanaanta laba wax ama ka badan leeyihiin. ld faraq.
farqin
ld farqis.
farraar
/dh (-rro, m.dh) Labada ganood ee ul, hangool, iwm hal cirif ku leeyahay midkood. ld faraar.
farraarre
Meereeyeyaasha u dhexeeya dhulka iyo cirjeexda midkood; Mariikh.
farriin
Hadal aan qorrayn oo qof loo dhiibo si uu u gaarsiiyo qof kale; adeeg.
farriiq
1. Butaaco, firdhad, finnin. 2. Tarriiq, dillaac.
farriiqo
(1).
farsamabarad
Qof xirfad baranaya.
farsamadhaari
F. ah: qof farsamo aad u yaqaan.
farsamaxumaan
ld farsamaxumaansho, farsamaxumi, farsamaxumo.
farsamaxumaansho
/dh ld farsamaxumaan.
farsamaxun
Wax farsamo gacanta lagu sameeyo iin lahaansho.
farsamayaqaan
Qof farsamo gaar ah oo gacanta laga qabto aqoon u leh.
farsamayaqaannimo
Farsamayaqaan ahaansho.
farsamaysan
Wax la farsameeyey ahaansho.
farsamaysnaan
ld farsamaysnaansho.
farsamaysnaansho
/dh ld farsamaysnaan.
farsamee
Hawl tab iyo aqoon u baahan qabasho.
farsamo
Aqoon iyo tab lagu qabto hawlgacmeed.
farshaxan
1. Fanka qoridda, aslidda, soohidda, falkinta iwm. 2. Qof fanka qoridda, aslidda iwm aad u yaqaan.
farshaxannimo
Farshaxan ahaansho.
farshiid
Dhalo aad u yar oo subagga, saliidda iwm lagu cabbiro.
farsho
Waab alaabo kala geddisan lagu iibiyo. ld firsho (1).
farsug
Farqoraal sixitaankeeda sugid.
farsųg
Arday in looxa macallinku cashar ugu qoro sugid.
farsųgid
ųg.
fartoomid
ld farmid.
fartoon
Sidii loo baahnaa amar u qaadasho (qof). ld faran¹.
faruur
Cirir.
faruuran
Wax meel weyn dillaacsaday noqosho (hoore).
faruurnaan
ld faruurnaansho.
faruurnansho
/dh ld faruurnaan.
faruurxir
1. Xarig yar oo layskula xiro faruurta awrta iyo hoggaanka. 2. ld faruurxirid.
faruurxiran
Wax faruur laga xirey ahaansho (awr).
faruurxirid
ld faruurxir¹ (2).
faruurxirnaan
ld faruurxirnaansho.
faruurxirnaansho
/dh ld faruurxirnaan.
farxaan
F. ah: qof farxadi hayso.
farxaanad
Haweeney farxadi hayso.
farxaansanaansho
/dh ld faraxsanaan.
farxan
Miro kuwa kale ku darsan noqosho.
farxanaan
ld farxanaansho.
farxanaansho
/dh ld farxanaan.
farxi
/mg2 (-iyay, -isay) Ka f.: cid farxad gelin.
farxid
ld faarxid.
farxumaan
ld farxumaansho.
farxumaansho
/dh ld farxumaan.
farxumi
1. Hab qoraal-gacmeed oo qof wax u qoro oo ay adagtahay si loo akhriyo. 2. Hab aan quruxsanayn oo qof u sameeyo farshaxan. ld farxumo.
farxun
1. Qof qoraal gacmeedkiisa si loo akhriyo ay adagtahay ahaansho. 2. Qof farshaxannimadiisu aanay wanaagsanayn ahaansho.
faryaro
Gacmaha iyo lugaha farahooda midda ugu yar.
fas
1. ld fad (3). Dhagxaanta qaaliga ah cad laga gooyo oo fargashiyada lagu dhejiyo si ay u yeeshaan qurux. 2. Waraaqaha turubka inta tobanle ka sarreysa. 3. Warqad turub oo aan la qaban karin.
fasaaxad
Hadal kari ogaan; codkarnimo. ld fasaaxo.

