0

faraasilo

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: faraasilad

0

faraati

m l (-iyo, m.dh)

1. Shay farta la gashado xarrago darteed. 2. Ilmasidaha afkiisa (minka).

0

faraatikeen

m l

Keenidda ilmasidka geelu foodda soo muujiyo.

0

farabbadan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax badan ahaansho.

0

farabbadi

m dh

Eeg: farabbadnaan

0

farabbadnaan

m f dh

ld farabbadi, farabbadnaansho, farabbadni.

0

farabbadnaansho

m l

/dh ld farabbadnaan.

0

farabbadni

m dh

Badnaanta wax tiradoodu badantahay. ld farabbadnaan.

0

farabbar

m l

1. Carbin, agabar. 2. ld farabbarid.

0

farabbarad

m l

1. Qof wax dhigasho bilaabay. 2. Qof farshaxannimo bilaabay.

0

farabbaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax la farabaray ahaansho.

0

farabbarasho

m f dh

ld farabarad.

0

farabbarid

m f dh

ld farabbar¹ (2).

0

farabbaro

f g3 (-rtay, -ratay)

Neef curtay agabarasho.

0

farabbax

m l kh

F. ah: qof asluub xun, madax adag oo laga quustay. ld farakabbax, farakalabbax (1).

0

farabbaxsad

m l

Eeg: farabbaxsasho

0

farabbaxsasho

m f dh

ld farabbaxsad, farabbaxsi.

0

farabbaxsi

m l

Eeg: farabbaxsasho

0

farabbaxso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Cararid. 2. Ka f.: wax la hayey gacan ka fakasho. 3. U f.: qof inuu la dagaallamo qof kale u fakasho.

0

farabbixid

m f dh

Eeg: farabbax²

0

farac

m l (-cyo, m.dh)

1. Durriyad. 2. Laan hay'adeed, bangi, xisbi iwm oo meel ka furan.

0

farac-hunguri

m l (daaw.)

Mid ka mid ah dhuumaha hawada ee sambabka. Hunguri cadku wuxuu u qaybsamaa laba f. h. oo waaweyn, iyada oo sambab waliba mid leeyahay kuwaas oo u sii kala qaybsama f. h.yaal yaryar, kaddibna noqda farac hunguri yarayaal.

0

farad

m dh (bot.)

Timir laf yar oo aad u macaan oo leh midab guduud madow xigeen ah.

0

faraddaanyo

m dh

Faraha lugaha oo iin gaartey awgeed korka iska fuula.

0

faradduub

m l

Khasab.

0

faradduug

m l

Wax yar oo abaalmarin ahaan loo siiyo hawl la qabtay.

0

faradh

m l (-dho, m.dh)

(fiis.) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (μF).

0

faradhaq

m l

Eeg: faraxal¹

0

faradhaqad

m l

Eeg: faraxalasho

0

faradhaqan

f mg4 (-qnaa, -qnayd)

Eeg: faraxalan

0

faradhaqasho

m dh

Eeg: faraxalasho

0

faradhaqid

m dh

Eeg: faraxalid

0

faradhaqnaan

m dh

Eeg: faraxalnaan

0

faradhaqnaansho

m l

/dh ld faraxalnaan.

0

faradhaqo

f mg3 (-qday, -qatay)

Eeg: faraxalo

0

faradheere

m l

Geed xididkiisa xoolaha loo qodo oo ay ku dhacarsadaan.

0

farafarayn

m f dh

ld farafarays.

0

farafarays

m f dh

Eeg: farafarayn

0

farafaree

f mg2 (-reeyay, -raysay)

Wax fara ku taataabasho.

0

farafootamid

m f dh

Eeg: farafootan²

0

farafootan

m l

Nooc legdinta ka mid ah.

0

faraggal

m l

1. (daaw.) Cudur faraha gala oo u yeela dhaawacyo aad u xanuun badan. 2. ld farammar. ld fargal (2).

0

faraggeli

f g2 (-iyay, -isay)

Wax si toos ah wax uga qabasho.

0

faraggelin

m f dh

ld faraggelis.

0

faraggelis

m l

Eeg: faraggelin

0

faraggirgir

m l

Gacanta dhabarkeeda oo cid lagu dhufto. ld faraggoror, farajirjir.

0

faraggorgor

m l

1. Ciyaar carruureed. 2. Fiidda geeduhu ka fufaan. 3. Faraggirgir.

0

faraggoys

m dh (-syo, m.l)

Nooc shimbiraha hilibcunka ka mid ah; dafo.

0

faraggubyo

m dh

1. Faraha gacanta ama lugta oo gubta. 2. Abaal marin yar oo la siiyo qof cunto kariyey.

0

faraggubyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Faraha ka gubasho.

0

faraggubyood

m f l

Eeg: faraggubyoo

0

faragguuto

m dh (-ooyin, m.l)

Wax yar oo far iyo suul lagu qaadi karo.

0

farahal

m l

Biyaha lagu farahasho.

0

farahalasho

m f dh

Eeg: farahalo

0

farahalid

m f dh

Eeg: farahal²

0

farahalo

f mg3 (-ashay, -alatay)

Gacmaha iska mayrid.

0

farajannayn

m f dh

Eeg: farajannee

0

farajannaysad

m l

Eeg: farajannaysasho

0

farajannaysasho

m l

/dh eeg farajannayso. ld farajannaysad, farajannaysi, farajucsad, farajucsa

0

farajannaysi

m l

Eeg: farajannaysasho

0

farajannayso

f mg3 (-stay, -satay)

Faraha xubnahooda jucsasho. ld farajucso.

0

farajannee

f g2 (-neeyay, -naysay)

Xubnaha faraha jucin.

0

farajirjir

m l

Eeg: faraggirgir

0

farajucsad

m l

Eeg: farajannaysasho

0

farajucsasho

m dh

Eeg: farajannaysasho

0

farajucsi

m l

Eeg: farajannaysasho

0

farajucso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: farajannayso

0

farakabbax

m l kh

Eeg: farabbax¹

0

farakacayaar

m l

Isjiidjiid ama legdan aan dhab ahayn oo dheeldheel loo sameeyo.

0

farakacayaarid

m f dh

Eeg: farakacayaar²

0

farakalabbax

m l

ld. farabbax¹.². ld. farakalabbixid.

0

farakalabbixid

m dh

Faro ka qaadidda cid faraha laga qado; dayrin. ld farakalabbax (2).

0

farakannax

m l

Eeg: farkannax¹

0

farakannaxsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: farkannaxsan

0

farakannaxsanaan

m dh

Eeg: farkannaxsanaan

0

farakannaxsanaansho

m l

/dh ld farkannaxsanaan.

0

farakannixid

m dh

Eeg: farkannixid

0

farakh

m l (-khyo/furuukh, m.dh)

Ilma aan meher xalaal ah ku dhalan; wacal; garac.

0

farakuhayn

m dh

1. Shaqo socota oo markaas gacanta lagu hayo. 2. Qabashada si joogto ah hawl loo qabto. ld farakuhays.

0

farakuhays

m l

Eeg: farakuhayn

0

faral

m l kh

f. ah: wax qasab ay qofka ku tahay in uu sameeyo (diinta).

0

faraley

m dh

; ld farooley.

0

farallaab

m l

In yar oo lacag ah oo hoos laysugu dhiibo.

0

farammaggaadho

m dh

Caro dhawaan; sabirdarro. ld farammaggaarto.

0

farammaggaarto

m dh

Eeg: farammaggaadho

0

farammaggooggo

m dh (c.nafl.)

Bahal jaadad badan leh oo badda ku nool oo leh jir buufimo yar la moodo iyo siddeed lugood ama gacmood oo dhuudhuuban oo hoos u jeeddada ku leh goobooyin yaryar oo wax ku dhega ama nuuga. ld farammuggo, faraley (1), farabbadan¹.

0

farammar

m l

1. Wax gacanta la geliyo ama lagu duubo marka hawl adag la qabanayo. 2. ld faraggal.

0

farammaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Qof aan hanti lahayn ahaansho. 2. Wax farammar leh ahaansho (qof). 3. Qof aan gacanta wax ugu jirin ahaansho (hub, lacag iwm).

0

farammarnaan

m f dh

ld farammarnaansho.

0

farammarnaansho

m l

/dh ld farammarnaan.

0

farammarooji

f g2 (-iyay, -isay)

Ka f.: qof wax gacanta ugu jirey xoog uga qaadid. ld farammaroori.

0

farammaroojin

m f dh

ld farammaroorin.

0

farammarooqsad

m l

Eeg: farammarooqsasho

0

farammarooqsasho

m f dh

ld farammarooqsad, farammarooqsi, faraammaroorsad.

0

farammarooqsi

m l

Eeg: farammarooqsasho

0

farammarooqso

f g3 (-saday, -satay)

Ka f.: qof wax gacanta ugu jirey xoog uga qaadasho. ld farammaroorso.

0

farammaroori

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: farammarooji

0

farammaroorin

m dh

Eeg: farammaroojin

0

farammaroorsad

m l

Eeg: farammarooqsasasho

0

farammaroorsasho

m dh

Eeg: farammarooqsasho