fackaallo
Qof nuguur ama dabeecad xun oo aan lala dhaqmi karin.
faclayn
ld facle (2).
facle
1. Orod afarqaadle ah oo aan xawli dheer lahayn oo ay ugaarta iyo xooluhu sameeyaan marka ay barwaaqaysanyihiin. 2. ld faclayn.
faclee
Facle samayn.
facshar
1. Ceeb iyo sharafdhac weyn. 2. ld facsharid.3. Kashifaad. ld faxshar¹.
facsharan
Qof la facsharayay noqosho. ld faxsharan.
facsharid
ld facshar1 (2), faxshar¹, faxsharid.
facsharmid
ld faxsharmid.
fad
1. Daruur yar. 2. Wax yar oo meel ka soo go'ay. 3. ld fas.
fadal
Raad noole oo dhulka qoday ama diisay.
fadallee
Fadal samayn. ld fadli².
fadaq
F. ah: qof badnaa da' yar oo aan xasilloonayn.
faddaaddo
1. Wax shaki leh ama aan caqligal ahayn. 2. Dillaac dhaawac caallirasan. 3. Marin laga bixiyey deyr ama qoqob. 4. ld faddaro.
faddaraysan
Wax la faddareeyey ahaansho.
faddaraysnaan
ld faddaraysnaansho.
faddaraysnaansho
/dh ld faddaraysnaan.
faddare
1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. ld faddaro.
faddaree
Wax faddaro ka dhigid, wax baabi'in.
faddaroobid
ld faddarow¹.
faddarow
Wax, faddaro noqosho.
faddhac
F. ah: go'idda wax cadad ka go'aan ee uu yeesho meelo daloola.
faddo
1. Meel dhulka kale in yar ka sarreysa, bannaan oo la dego waqtiga roobabawda. 2. Taag.
fadeexee
Cid fadeexo ku samayn; dacaayadeyn.
fadeexo
Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
fadeexow
Fadeexo la kulmid.
fadfad
Godgod yaryar oo cudurka furuqu ku reebo jirka nafleyda; furuqdhaw, furuqdhoon.
fadgooyo
1. Qiimagoo lagaga deyanayo gataha u horeeya waxa uu bixiyo. 2. Hanti yar oo xoolo gooyo ahaan qof loo siyo. 3. Waxtar horaadka laga helo shay kharaj ku baxay. 4. Cadad waaweyn oo wax loo googooyo. ld fadgoo.
fadhaq-dareen
Miiqaqo dareen wadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.
fadhi
1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid.
fadhibarad
Ilmo yar oo bilaabay fadhi.
fadhibaro
Ilmo yar gaarid waqti uu fadhiisto isagoon cidi hayn.
fadhiid
F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.
fadhiidnimo
Fadhiid ahaansho.
fadhiyid
ld fadhi¹, fadhin.
fadiil
Liifad.
fadiilad
Wax dar Ilaah lo bixiyo; sadaqo. ld fadiilo.
fadqalal
Ficil rabsho badan iyo buuq iwm oo si wadajir ah, ay sameeyaan dad badan gaar ahaana meel fagaara ah.
fadqalallee
Fadqalallo samayn.
fadqalallo
Qasidda meel xasilloonideeda iyo nabaddeeda la qaso; arbushid; rabsho.
faduul
Maag, daandaansi.
faduuli
F. ah: qof wax aan loo dirsan ama aan raalli looga ahayn ama aan daniba ugu jirin, iska dhexgala; aabi iyo faduul badan.
faduulin
ld faduulis.
fag
F. dheh: orod!.
fagaag
Meel bannaan oo degaan ama aqal hortiis ah.
fagaaragee
Wax meel fagaare ah ku soo bandhigid.
fagaare
Meel dad badani isugu soo baxay oo ciyaar iwm lagu hayo.
fagaaree
U f.: fagaare u samayn.
fagaas
Bir ama qori la geliyo afka fardaha iyo baqlaha marka la xakamaynayo.
fagan
1. Wax qodmay noqosho. 2. Wax duugoobay noqosho.
fagax
1. Orodka ugu dhaqsaha badan ee nafleydu samayso. 2. Orod ka mid ah ciyaraha fudud ee lagu tartamo oo ah 100 m.
fagid
ld fagis.
fagiiji
Ku f. indhaha: libiqsi la'aan indhaha wax ku eegid.
fagiijin
ld fagiijis.
fagiijis
fagis m.dh ld fagid.
fago
Qof iskiis wax u qodasho.
fahamsan
Qof wax gartay ahaansho. ld fahnsan.
fahamsanaan
ld faham-sanaansho,fahansanaan,fahan-sanaansho.
fahamsanaansho
/dh ld fahamsanaan.
fahamsii
Qof wax ka dhaadhicin. ld fahansii.
fahamsiin
ld fahamsiis, fahansiin, fahansiis.
fahan
Wax garasho.
fahansanaansho
/dh ld fahansanaan.
fahle
Socod xarrago ku jirto.
fahlee
Socod xarrago leh socosho.
fahleyn
ld fahleys.

