0

fiiqsi

m l

Eeg: fiiqsasho

0

fiiqsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Hoore cid aayar kabbisiin.

0

fiiqsiin

m f dh

Eeg: fiiqsii

0

fiiqso

f g3 (-saday, -satay)

Hoore aayar kabbasho.

0

fiiqtamid

m f dh

ld fiiqtan¹ (3).

0

fiiqtan

m l

1. Kabbaysi aayar-aayar ah oo caano loo wadaago. 2. Si tartiib ah oo caano loo dhamo. 3. ld fiiqtamid.

0

fiiqtin

m l (-inno, m.dh)

Qori af dhuuban oo wax mudi kara.

0

fiiqtukaale

m l

Fiiqsi caano laga dhergey lagu sameeyo iyadoo lagu soo noqno-qanayo.

0

fiiqtukaalee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Fiiqtukaale samayn.

0

fiiqtukaaleyn

m f dh

Eeg: fiiqtukaalee

0

fiiqtukaaleysad

m l

Eeg: fiiqtukaaleysasho

0

fiiqtukaaleysasho

m f dh

ld fiiqtukaaleysad.

0

fiiqtukaaleyso

f g3 (-stay, -satay)

Caano si fiiqtukaale ah u dhamid.

0

fiir

m l

Nacayb loo muujiyo nafley meel ku cusub.

0

fiiradarro

m dh

Caqli gaabni, fahmayaro.

0

fiiradheer

f mg4 (-raa, -rayd)

Wax garasho wanaagasan ahaansho (qof).

0

fiiradheeraan

m f dh

ld fiiradheeraansho, fiiradheeri.

0

fiiradheeraansho

m l

/dh ld fiiradheeraan.

0

fiiradheeri

m dh

Eeg: fiiradheeraan

0

fiiraggaaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Wax feker yar ahaansho (qof).

0

fiiraggaabi

m dh

Eeg: fiiraggaabnaan

0

fiiraggaabnaan

m f dh

ld fiiraggaabi, fiiraggaabnaansho, fiirag-gaabni.

0

fiiraggaabnaansho

m l

/dh ld fiiraggaabnaan.

0

fiiraggaabni

m dh

Eeg: fiiraggaabnaan

0

fiiri

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Wax eegid. 2. (f.g) Wax ka fekerid. 3. (f.mg) Isu f.: waxyaabo isbarbardhigid. 4. (f.mg) Ka f.: wax, wax kale ka ilaalin. 5. (f.mg) Ka f.: cid wax ka sixid. 6. (f.mg) Ku f.: wax, wax kale ku tijaabin. 7. (f.mg) U f.: cid wax u raadin.

0

fiirid

m f dh

Eeg: fiir²

0

fiirin

m f dh

Eeg: fiiri

0

fiiro

m dh

1. Daymo, eegmo. 2. Feker. 3. F. gaar: wax si gaar ah in loo eego loo baahanyahay.

0

fiirsad

m l

Eeg: fiirsasho

0

fiirsasho

m f dh

ld fiirsad, fiirsi.

0

fiirsi

m l

Eeg: fiirsasho

0

fiirso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax meel ka dayasho. 2. U f.: wax si fiican uga fekerid.

0

fiirus

m l (baay.)

Noole yaryar oo aan lagu arki karin mikariskoobka caadiga ah oo keena cudurro halis u ah xoolaha, dadka iyo geedaha.

0

fiish

m l

1. Daaf. 2. Malaxda ka timaad indhaha marka daaf ku dhaco.

0

fiisika

m dh

Eeg: fiisiko

0

fiisikis

m l

Eeg: fiisiko

0

fiisiko

m dh

Barashada xeerarka suga dhismaha uunka marka loo eego maatarka iyo tamarta ee ay ka koobantahay. Caado ahaan, barashada waxa loo qaybin jirey qaybo: kul, ileys, jabaq, danab iyo birlabnimo, iyo mekaaniko. ld fiisika, fiisikis, fisika, fisikis, fisiko.

0

fiistola

m l (-layaal, m.l/dh)

Isudalooshamid aan caadi ahayn ee labo xubnood oo uurkujirtada ka mid ah ama xubin jirka dibeddiisa.

0

fiito

m dh

1. Ubax aan weli dillacin o isku duuban. 2. Caws cosob ah oo aan la daaqin. 3. Dhaawac biskoon waayey. 4. Cudur idaha irmaan naasaha ka gala.

0

fiix

m dh

Eeg: feex

0

fiixi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Caano firfir ka keenid. 2. Wax ka dhididin. 3. Geed fuf yeelasho.

0

fiixid

m f dh

ld fiix¹ (4).

0

fiixin

m f dh

Eeg: fiixi

0

fijaan

m l

Eeg: fujaan

0

fikad

m l

Eeg: fakasho

0

fikasho

m dh

Eeg: fakasho

0

fiki

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: faki

0

fikin

m dh

Eeg: fakin

0

fikir

m l

Eeg: feker¹

0

fikirid

m dh

Eeg: fekerid

0

fikirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: fekersan

0

fikirsanaan

m dh

Eeg: fekersanaan

0

fikirsanaansho

m l

/dh ld fekersanaan.

0

fikirsii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: fekersii

0

fikirsiin

m dh

Eeg: fekersiin

0

fiko

f mg3 (-kaday, -katay)

Eeg: fako

0

fikrad

m dh

Eeg: fekrad

0

fil

m l

1. Wadarta sano ee noole jiro. 2. Da', cimri. 3. La f.: isku da'ah; isku gu'yaal jira.

0

filaariya

m l (daaw.)

Deriskunool ka tirsan qaybta “nematodeka” wuxuuna wax yeelleeyaa soohyada xiriirinta iyo linfaatikada.

0

filad

m l

Eeg: filasho

0

filan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

1. Ku f.: wax, wax kale deeqa ahaansho. 2. Isku f.: wax aan cid wax uga baahnayn ahaansho.

0

filanwaa

m l fk

Dhacdo yaab iyo amankaag leh oo aan la sugeyn. ld filawaa.

0

filasho

m f dh

ld filad, filitaan (2).

0

filawaa

m l fk

Eeg: filanwaa

0

filaysad

m l

Eeg: facaysasho

0

filaysasho

m f dh

Eeg: facaysasho

0

filaysi

m l

Eeg: facaysasho

0

filayso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: facayso

0

filbax

f g1 (-xay, -xday)

Saami cid lagu lahaa bixin.

0

filbixid

m f dh

Eeg: filbax²

0

fildaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax foolxun ahaansho.

0

fildarnaan

m f dh

ld fildarnaansho.

0

fildarnaansho

m l

/dh ld fildarnaan.

0

fildarro

m dh

Foolxumo.

0

filfil

m dh

Miro yaryar, madmadow leh dhadhan kulul oo uu dhalo geed faalala oo ka baxa dhulka kulul.

0

filfili

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax filfil ku darid. 2. Cid dhibaato gaarsiin.

0

filfilin

m f dh

Eeg: filfili

0

filfillaa

m l

Xabag cadaadeed, weli aan adkaan oo marka la cuno lagu dibbiro.

0

filgan

m l

Eeg: filgin

0

filgasho

m f dh

Eeg: filgo

0

filgid

m f dh

Eeg: filig²

0

filgin

m l (-immo, m.dh)

1. Qori xooggan oo afka loo dhuubo si wax loogu qodo. 2. Guntin ay wax ku guntadaan haweenka oo ah dacal hoosaadka googaradda. ld filgan¹.

0

filgo

f g3 (-gaday, -gatay)

Wax meel ka baarasho.

0

filid

m f dh

ld filitaan (1).

0

filig

m l

1. Qalab yar oo inta sun lagu shubo cayayaanka lagu buufiyo. 2. Sun hoore ah oo cayayaanka lagu buufiyo.

0

filim

m l

Eeg: filin

0

filin

m l (-mmo/aflaam, m.dh)

1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. ld filim.

0

filiq

f g1 (-lqay, -liqday; -lqi)

Wax sayrin.

0

filiqsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la filqay ahaansho. ld firiqsan.

0

filiqsanaan

m f dh

ld filiqsanaansho, firiqsanaan, firiqsanaansho.

0

filiqsanaansho

m l

/dh ld filiqsanaan.

0

filiqsanaanta-qawmiyadaha

m dh (juqr.)

Barashada sayniseed ee fliqsanaanta goboleed ee faracyada ama jinsiyadaha bani-aadamka iyo dhaqamadooda.

0

filitaan

m l

; ld filasho.

0

fillamid

m f dh

ld fillan¹.

0

fillan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Ku f.: dhib ama hawl ama wax la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid.

0

filnaan

m f dh

ld filnaansho.

0

filnaansho

m l

/dh eeg filnow. ld filnaan.

0

filnaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Ku f.: wax, wax kale deeqsiin.

0

filnaysiin

m f dh

Eeg: filnaysii

0

filnow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Ku f.: wax, wax kale baahi tiri kara noqosho.