fanayso
Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid.
fandambeed
/dh (-dyo, m.dh) Dusha xoolaha la rarto dhankeeda dambe.
fandhaal
Qaaddo qori ka samaysan.
fandhaallaysan
Wax fandhaal la socdaan ahaansho (xeero).
fandhaallaysnaan
ld fandhaallaysnaansho.
fandhaallaysnaansho
/dh ld fandhaallaysnaan.
fandhar
Meel malax ama qodaxi ku jirto aayar furid. ld findhir, findhiri.
fandharid
ld findhirid, findhirin, findhiris.
fanee
Faras la saaranyahay cid kale fan ka saarid. ld fangeli.
fangal
Faras la fuushanyahay oo fankiisa qof kale la fariisiyo. ld fangelid.
fangar
Meel wax ka go'ay daloolka ay yeelato. ld fongor¹ (3).
fangaran
Wax fangar leh ahaansho. ld fongoran (2).
fangarnaan
ld fangarnaansho.
fangarnaansho
/dh ld fangarnaan.
fangelid
ld fangal¹.
fangi
(baay.) Koox ka tirsan dhirta yar yar oo aan lahayn cagaariye.
fanhoraad
Dusha xoolaha la rarto dhankeeda hore ee garbaha xiga.
faniinto
Nooc digirta ka mid ah, yaryar oo marka balaggeedu qallalo iskii u qarxada.
fanjeedi
Meel ka tegid.
fanjeedin
ld fanjeedis.
fanji-dile
(daaw.) Dawo lagu dilo fangaska.
fanjooq
Dan la'aan meel muddo u taagnaan (cid).
fanjooqsan
Wax la fanjooqiyay ahaansho.
fanjooqsanaan
ld fanjooqsanaansho.
fanjooqsanaansho
/dh ld fanjooqsanaan.
fannaan
1. Nin masrax ka heesa. 2. Nin fanka ku xeel dheer.
fannaanad
1. Haweeney masrax ka heesta. 2. Haweeney fanka ku xeel dheer.
fannid
1. Wax, wax kale ka dhex raadin. 2. Wax heerheer u kala saarid.
fannidid
ld fannid¹, fannidaad.
fano
Meel fuuliddeedu dhib tahay, xeelad ku korid.
fanqooji
Wax, wax kale in yar kor uga qaadid. ld fanjooqi.
fanqoojin
ld fanjooqin, fanjooqis, fanqoojin, fanqoojis.
fanqooq
1. Wax meel uu ku dhegganaa ka soo fuqay laakiin weli meel yar ka haysta. 2. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn; kadalloob. 3. Wax meeshi ay saarnaayeen in yar kor uga kacay. 4. ld fanqooqid.
fanqooqid
ld fanqooq¹ (4)
fanqooqsasho
ld fanqooqsad, fanqooqsi.
fanqooqso
Wax lagu fadhiyey in yar kor uga kicid.
fansaar
1. Alaabo yar oo aan cuslayn oo gaadiidka dheegga laga saaro marka lararaayo. 2. ld fangelid.
fansaar-is-haysta
Fansaar aan ku dhicin isbeddel dhaqso ah marka doorsoomaha madax bannaan ee fansaarku uu kordho ama yaraado.
fansaar-jibbaar
Fansaarka f(x) = e oo loo qoro f(x) = exp(x). Waxa kale oo loo isticmaalaa fansaarrada noocan oo kale ah, ax, oo a ay tahay madoorsoome. Guud ahaan, waa fansaar leh doorsoomayaal loo jibaaxay jibbaar ahaan.
fansaar-labasaable
Urur fansaarro oo leh astaamooyin u eg marka dhan laga eego kuwa fansaarrada tirignometeri waxaana lagu magacaabaa saynka labasaable (sinh (x)), kosaynka labasaable (cosh (x)) iwm. Waxa la xiriiraan laba saab sida ay fansaarrada tirignometeriga ula xiriiraan goobada.
fansaar-tirigonometari
(xis.) Fansaarro leh qiime maangal sida sin(x), cos(x) iyo tan(x) ee laga helo dheehashada qaar ka mid ah saamiyada dhinacyada saddex-xagal qumman.
fantatiir
Xoog iyo dadaal badan iska doonid; istiilid. ld wantatiir².
fantatiirid
ld fantatiir¹, wantatiir¹, wantatiirid.
fantax
1. Meel yar oo ka banaan wax qarkiis. 2. Leebka meesha boqonka laga saaro ee qabsata.
fanteel
F. ah: dallaal (meel).
fanteeli
Meel firaaqo ka dhigid.
fanto
Cudur jirka ku dhaca oo nabarro dhacaan iyo malax lihi ka soo yaacaan oo goggooyaan.
faq
Hadal hoos la isugu sheegid.
faqdiiran
1. Wax cararaya meel fog ka sii muuqasho. 2. Qof, qof kale oo hawl haya isagoo dul taagan kuurid. ld fakiiran.
faqdiirnaan
ld fakiirnaan, fakiirnaansho, faqdiirnaansho.
faqdiirnaansho
/dh ld faqdiirnaan.
faqid
ld fiqid.
faqiir
Qof dan yar ah oo aan hanti lahayn; cayr, sabool.
faqiirad
Naag sabool ah.
faqiiri
Cid faqiir ka dhigid. ld faqiirtee.
faqiirid
ld faqiiroobid, faqrin, faqriyid.
faqiirin
ld faqiirtayn.
faqrad
Qayb kastoo ka mid ah qaybo qoraal.
faqri
1. Hanti la'aan. 2. F. ah: qof aan hanti lahayn.
faqrinnimo
Faqri ahaansho.
faquuq
1. Takoor; karatiil; karaantiil. 2. ld faquuqid.
faquuqan
Nafley intii ay la nooleyd wax ka takooran ahaansho.
faquuqid
ld faquuq¹ (2).
faquuqnaan
ld faquuqnaansho.
faquuqnaansho
/dh ld faquuqnaan.
far
1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.
faraaci
Habeenka dayaxu xiddigta faraacida la fadhiyo.
faraasilad
Shay wax lagu miisaamo oo culayskiisu u dhigmo 16 kiilo ama 28 rodol. ld faraasilo.

