0

fahleys

m l

Eeg: fahleyn

0

fahmad

m dh

Eeg: fahmo

0

fahmaddaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax xanuun aan weynayn hayo ahaansho.

0

fahmaddarnaan

m f dh

ld fahmaddarnaansho.

0

fahmaddarnaansho

m l

/dh ld fahmaddar-naan.

0

fahmaddarro

m dh

Xanuun aan weynayn.

0

fahmajab

m l

Dareenka ku dhaca qof wax weyn filanaayey oo waayey; niyadjab, qalbijab.

0

fahmajebi

f g2 (-iyay, -isay)

Cid fahmajab ku ridid.

0

fahmajebid

m f dh

Eeg: fahmajab²

0

fahmajebin

m f dh

Eeg: fahmajebi

0

fahmaysad

m dh

Eeg: fahmaysasho

0

fahmaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax farxad, fudayd iyo firfircooni dareensan ahaansho.

0

fahmaysasho

m f dh

ld fahmaysad, fahmaysi.

0

fahmaysi

m l

Eeg: fahmaysasho

0

fahmaysnaan

m f dh

ld fahmaysnaansho.

0

fahmaysnaansho

m l

/dh ld fahmaysnaan.

0

fahmayso

f mg3 (-stay, -satay)

Qof wax farxad iyo firfircooni geliya samayn.

0

fahmid

m f dh

Eeg: fahan

0

fahmo

m dh

1. Garashada si sahlan wax loo garto. 2. Farxad iyo firfircooni. ld fahmad.

0

fahrasad

m dh

Eeg: fahraso

0

fahraso

m dh

Kitaabka, meesha lagu qoro fasallada iyo kiiba bogga laga helo; tusmo.

0

fajaas

m l

1. F. ah: nabar weyn oo samaysma marka qof xoog loogu dhufto yaambo, faas iwm. 2. ld fajaasid. ld fujaas¹.

0

fajaasid

m f dh

ld fajaas¹ (2), fujaas¹, fujaasid.

0

fajac

m l

Amankaag; ashqaraar; yaab.

0

fajacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax fajac hayo ahaansho.

0

fajacsanaan

m f dh

ld fajac-sanaansho.

0

fajacsanaansho

m l

/dh ld fajacsanaan.

0

fajar

m l

Waaberiga qorraxdu inta aysan soo bixin. ld fajir.

0

fajayn

m f dh

ld fajays.

0

fajays

m l

Eeg: fajayn

0

faje

m l (daaw.)

Cudur xariirta lafdhabarta ku dhaca oo keena gasarka ama tuurta. ld fajo, fujo.

0

fajeciso

m dh

Eeg: fajiciso

0

fajee

f g2 (-jeeyay, -jaysay)

1. Wax faraha ku taabasho. 2. Wax faraha ku daliigid.

0

fajici

f g2 (-iyay, -isay)

Cid fajac ku ridid.

0

fajicid

m f dh

Eeg: fajac²

0

fajicin

m f dh

Eeg: fajici

0

fajiciso

m dh kh

F. ah: dhacdo amankaag iyo argagax leh. ld fajeciso, fejeciso.

0

fajiiste

m l (-tayaal, m.l/dh)

Qof aamminsan aragtida Fashiisamka. ld fashiiste.

0

fajiistennimo

m dh

Fajiiste ahaansho. ld fashiistennimo.

0

fajir

m l

Eeg: fajar

0

fajo

m dh

Oogada dadka oo faraha aad loogu mudmudo oo loogu garaaco, si jirku u baraarugo, dhiigguna qummaati ugu wareego. ld fujo (2).

0

fakad

m l

1. F. ah: qof meel uu joogey fasax la'aan ka tegey; baxsad. 2. ld fakasho.

0

fakar

m l

Eeg: feker¹

0

fakarid

m dh

Eeg: fakar²

0

fakarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: fekersan

0

fakarsanaan

m dh

Eeg: fekersanaan

0

fakarsanaansho

m l

/dh ld fekersanaan.

0

fakarsii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: fekersii

0

fakarsiin

m dh

Eeg: fekersiin

0

fakasho

m f dh

ld fakad, fikad, fikasho.

0

fakato

m dh

Nooc digirta ka mid ah oo marka ay geedka ku bislaato qarxata.

0

fakayoon

m l

1. Qof dhiifoon. 2. Dabayl.

0

faki

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cid halis ka badbaadin. 2. Wax waasac ka dhigid. 3. Wax meeel si xoog leh u qabsaday ka sii deyn. ld fiki.

0

fakiiran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Eeg: faqdiiran

0

fakiirnaan

m f dh

Eeg: faqdiirnaan

0

fakiirnaansho

m l

/dh ld faqdiirnaan.

0

fakin

m f dh

ld fikin.

0

fako

f mg3 (-kaday, -katay)

1. Si xoog leh u ordid. 2. Wax gacmo ka farabaxsasho. 3. Meel ama wax ka baxsasho. 4. Halis ka badbaadid. ld fiko.

0

fal

m l (-lal, m.l)

1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. ld falid.

0

falaad

m l (-ddo/-dyo, m.dh)

1. Fal aan ujeeddo lahayn oo waqtiga lagu lumiyo. 2. Anshax, dhaqan.

0

falaadid

m f dh

Eeg: falaad²

0

falaadxumaan

m f dh

ld falaadxumaansho, falaadxumo.

0

falaadxumaansho

m l

/dh ld falaadxumaan.

0

falaadxumo

m dh

1. Dhaqan xumo. 2. ld falaadxumaan.

0

falaadxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Wax dhaqan xun ahaansho.

0

falaaji

f g2 (-iyay, -isay)

Dhoobo, dambas iwm walaaqid.

0

falaaliso

m dh

Eeg: fulaaliso

0

falaanfal

m l

Sixir. ld falaanful¹.

0

falaanfalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax falaanfal lagu sameyay ahaansho. ld falaanfulan.

0

falaanfalax

m dh

Eeg: falanfalxo

0

falaanfalid

m f dh

ld falaanfulid.

0

falaanfallow

m l

Eeg: falanfallow

0

falaanfalnaan

m f dh

ld falaanfalnaansho, falaanfulnaan, falaanfulnaansho.

0

falaanfalnaansho

m l

/dh ld falaanfalnaan.

0

falaanfalxo

m dh

Eeg: falanfalxo

0

falaanful

m l

Eeg: falaanfal¹

0

falaanfulan

f mg4 (-ulnaa, -ulnayd)

Eeg: falaanfalan

0

falaanfulid

m dh

Eeg: falaanfalid

0

falaanfullow

m l (-wyo, m.dh)

Eeg: falanfallow

0

falaanfulnaan

m dh

Eeg: falaanfalnaan

0

falaanfulnaansho

m l

/dh ld falaanfalnaan.

0

falaanji

f g2 (-jyay, -jisay)

Dhoobo, dambas iwm walaaqid.

0

falaanjin

m f dh

ld falaanjis, falaanjiyid, falaaji.

0

falaanjis

m l

Eeg: falaanjin

0

falaanjiyid

m dh

Eeg: falaanjin

0

falaas

m l

1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.

0

falag

m dh

Eeg: falko

0

fąlag

m l

Eeg: feleg

0

falagsad

m l

Eeg: falkasho

0

falagsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: falkan²

0

falagsanaan

m dh

Eeg: falkanaan

0

falagsanaansho

m l

/dh ld falkanaan.

0

falagsasho

m dh

Eeg: falkasho

0

falagsi

m l

Eeg: falkasho

0

falagso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: falko²

0

falan

m l

1. F.kay, f.kaa iwm: dartay, dartaa iwm. 2. “F.kiisii gal!”: “Arrintiisii gal!”.

0

falanfallow

m l (-wyo, m.dh)

Qof falka yaqaan. ld falaanfallow, falaanfullow.

0

falanfalxo

m dh

Geed quwaax leh xabag loo isticmaalo wax udginta. ld falaanfalax, falaanfalxo.

0

falanqayn

m f dh

ld falanqo.

0

falanqee

f g2 (-qeeyay, -qaysay)

Arrin si dhab ah uga doodid; arrin u kuurgelid, arrin gudo gelid.