0

foorarin

m dh

Eeg: foororin

0

fooraris

m l

Eeg: foororin

0

foorarsad

m l

Eeg: foororsasho

0

foorarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: foororsan

0

foorarsanaan

m dh

Eeg: foororsanaan

0

foorarsanaansho

m l

/dh ld foororsanaan.

0

foorarsasho

m dh

Eeg: foororsasho

0

foorarsi

m l

Eeg: foororsasho

0

foorarso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: foororso

0

foore

m l

Dabayl dhaxan badan oo habeenkii soo dhacda.

0

foori

f mg1

/2 (-ryay, -iday/isay; -ryi)Bushimaha oo laysu dhoweeyo oo neef xooggan lagu afuufo cod ka yeerin.

0

foorid

m f dh

ld fooris.

0

fooridhiileyn

m f dh

Eeg: fooridhiillee

0

fooridhiille

m dh

Foori si degdeg ah geela loogu kiciyo.

0

fooridhiillee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Si degdeg ah geel foori ugu kicin.

0

fooriggaalle

m l

1. Foori gaar ah oo geela lagu dheelmo. 2. Foori qofka faraxsani ku maararoobo.

0

fooriggaallee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Foori gaalle samayn.

0

fooriggaalleyn

m f dh

Eeg: fooriggaallee

0

foorin

m dh

Eeg: fooryid

0

fooris

m dh

Eeg: foorid

0

foormaliin

m dh (kiim.)

Milan ka kooban biyo iyo 40% oo “formaldehyde” ah loona isticmaalo jeermidile (sterilization) ama dhajiye (fixative) gaar ahaan qaybta cudur barashada (pathology) waxaana lagu dilaa “antharax spores”.

0

foorno

m dh (-ooyin, m.l)

Tinaarka rootiga lagu dubo.

0

fooro

m dh

Eeg: foorad

0

fooror

f mg1 (-ray, -rtay)

Iyadoo la taaganyahay qaarka sare hoos u laallaadin. ld foorar².

0

foorori

f g2 (-iyay, -isay)

Wax madaxiisa hoos marin. ld foorari.

0

foororid

m f dh

ld foorar¹, foorarid, fooror¹ (2).

0

foororin

m f dh

ld foorarin, fooraris, foororis.

0

foororis

m l

Eeg: foororin

0

foororsad

m l

Eeg: foororsasho

0

foororsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la foorariyey ahaansho. 2. Wax madaxa loo hoos mariyey ahaansho. ld foorarsan.

0

foororsanaan

m f dh

ld foorarsanaan, foorarsanaansho, foororsanaansho.

0

foororsanaansho

m l

/dh ld foororsanaan.

0

foororsasho

m f dh

ld foorarsad, foorarsasho, foorarsi, foororsad.

0

foororsi

m l

Eeg: foororsasho

0

foororso

f mg3 (-saday, -satay)

Iyadoo la taaganyahay qaarka sare hoos u laallaadsasho. ld foorarso.

0

fooryid

m f dh

ld foorin.

0

foos

m l (-sas m.l)

1. Dad badan oo hubaysan. 2. F. ah: qofka qaybinaya turubka qofka ku xiga ee midig ka jira.

0

foosil

m l (-lo, m.dh)

(jool.) Hadhaaga ama raadadka ka sii muuqda raqda noole hore u jiri jirey.

0

foosto

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: fuusto

0

footon

m l (-nno, m.dh)

(fiis.) Saxar leh cuf neg oo le'eg eber, kana kooban kuwaantam kaah birlab-danabeed. F.ka waxa kale oo lagu tilmaamaa halbeeg tamar oo le'eg hf, taas oo ah ay tahay madoorsoomaha blaank iyo f oo ah rakaadka kaahinta oo lagu cabbiro Heertis. F.nadu waxa ay ku socdaan xawaaraha ileyska.

0

footoobeegid

m dh (fiis.)

Barashada kaahinta la arko, gaar ahaan xisaabinta iyo cabbiraadda itaalka iftiimeed, falaqaska iftiimeed iwm. Xaaladaha qaarkood, xisaabinta f.du waxa ay gaartaa ilaa hirarka birlab-danabeedka ee casaan-hoosaadka iyo altaraafiyooletka.

0

footoosintasis

m l (baay.)

Dariiqadda kiimikeed ee ay dhirta cagaarani ku samaystaan iskudhisyo orgaanikeed iyaga oo ka samaysanaya kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo ilays.

0

foox

m l

Xabag laga helo geedaha qaarkood, sida maydiga oo loo shito udgin; beeyo; luubaan.

0

fooxaalli

m l

1. Geesinnimo been ah oo la muujiyo. 2. Cagajuglayn been ah oo la muujiyo.

0

fooxaallin

m dh

Eeg: fooxaalliyid

0

fooxaalliyid

m f dh

ld fooxaallin.

0

fooxi

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Foox shidid. 2. (f.g) Foox ka faallin. 3. (f.mg) Cabsasho.

0

fooxin

m f dh

ld fooxis.

0

fooxis

m l

Eeg: fooxin

0

fooxiso

m dh (-ooyin, m.l)

Haweeney fooxa ka faallisa.

0

fooxiye

m l

Nin fooxa ka faalliya.

0

fooxle

m l (-layaal, m.l/dh)

Wadaad joogto ahaan u fooxiya.

0

fosforas

m l (kiim.)

Curiye bir ma ahe oo adke ah aadna u firfircoon; waana curiyaha labaad ururka V ee tusaha kalgalka.

0

fowliil

f mg1 (-iilay, -iishay)

Wax siman ama sulux ah ka soo foocsanaansho. ld fowriir².

0

fowliilid

m f dh

ld fowriirid.

0

fowriir

f mg1 (-ray, -rtay)

Eeg: fowliil²

0

fowriirid

m dh

Eeg: fowliilid

0

fud

m l (-dad, m.l)

Kuus ciid ah oo is haysta.

0

fud-barafeed

m l (fiis.)

Cadad biyo fadhiista ah oo ku samaysma dhulka dushiisa, marka heerkulka hawadu uu hoos u dhaco ilaa iyo ka hoos.

0

fudayd

m l

1. Culaysyaraanta wax leeyihiin. 2. Dabci wax ka fiirsasho la'aaneed oo qof ku sifoobo. 3. ld fududaan. Firfircooni.

0

fudaydi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: fududee

0

fudaydin

m dh

Eeg: fududayn

0

fudaydsad

m l

Eeg: fududaysasho

0

fudaydsasho

m dh

Eeg: fududaysasho

0

fudaydsi

m l

Eeg: fududaysasho

0

fudaydso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: fududayso

0

fudfudayd

m l

Eeg: fududaan

0

fudfudud

f mg4 (-daa, -dayd)

Eeg: fudud

0

fudud

f mg4 (-daa, -dayd)

1. Wax aan cuslayn ahaansho. 2. Wax sahlan ahaansho. 3. Wax fadaq ah ahaansho. 4. Wax firfircoon ahaansho. ld fudfudud.

0

fududaan

m f dh

ld fudayd, fudfudayd, fududaansho.

0

fududaansho

m l

/dh eeg fududow. ld fududaan.

0

fududayn

m f dh

ld fudaydin.

0

fududaysad

m l

Eeg: fududaysasho

0

fududaysasho

m f dh

ld fudaydsad, fudaydsasho, fudaydsi, fududaysad.

0

fududaysi

m l

Eeg: fududaysasho

0

fududayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. ld fudaydso.

0

fududee

f g2 (-deeyay, -daysay)

1. Wax

0

fududow

f mg3 (-daaday, -daatay)

1. Wax fudayd noqosho. 2. Wax sahal noqosho. 3. Qof fadaq noqosho. 4. Qof wax firfircoon noqosho.

0

fudul

m l (-llo, m.dh)

Bur, ciid, sokor iwm ah oo is haysta.

0

fuf

f mg1 (-fay, -ftay)

Dhir la jaray ama la daaqay iyadoo aan roob ku di'in fiid bixin.

0

fufid

m f dh

Eeg: fuf²

0

fujaan

m l (-nno/fanaajiin/faraajiin, m.dh)

Weel yar oo dheg leh oo sida badan dhoob ka samaysan oo dareeraha lagu shubto. ld fijaan.

0

fujaas

f g1 (-say, -stay)

Eeg: fajaas²

0

fujaasid

m dh

Eeg: fajaasid

0

fuji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax meel ku dheggan rujin. 2. Dharbaaxo f.: qof dhabanaanayn.

0

fujin

m f dh

Eeg: fuji

0

fujisasho

m dh

Eeg: fuqsasho

0

fujiso

f g3 (-stay, -satay)

Eeg: fuqso

0

fujo

m dh

1. Ijaar la siiyo cid lagula heshiiyey hawl fulinteedu muddo soconayso. 2. ld fajo.

0

ful

f mg1 (-ulay, -ushay)

1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka tegid. 2. Hawl ama arrin hirgelid.

0

fulaaliso

m dh (-ooyin, m.l)

(dii.) Ducooyin la akhriyo ama cashar la qoro marka haweenay foolanaaysaa sahal u dhali weydo. ld falaaliso.

0

fulabbaji

f g2 (-iyay, -isay)

Falal cid lagu cabsigelinayo samayn.

0

fulabbajin

m f dh

ld fulab-bajis.

0

fulabbajis

m l

Eeg: fulabbajin

0

fulannimo

m dh

Eeg: fuleynnimo

0

fule

m l

Eeg: fuley

0

fuley

m l (-yo, m.dh)

Qof cabsi badan.

0

fuleynnimo

m dh

Fuley ahaansho.

0

fulful

m l

Raar geeddigu kala fogyahay oo aan marriin lahayn.

0

fuli

f g2 (-iyay, -isay)

1. Xoolo wabax ah ama dhaan cokan ceel ka wadid. 2. Hawl ama arrin hirgelin.