0

foodsaar

f g1 (-ray, -rtay)

1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho.

0

foodsaarid

m f dh

ld foodsaar¹ (4).

0

foodshareer

m l (-rro, m.dh)

1. ld foodsaar 1 (3). 2. Timaha foodda oo inta salxanyaha soo dhaafa wejiga yareeya oo foolxumeeya; wejiga qaarkiisa kore oo aan dadku badanaa timo ku lahayn, timo ka baxa.

0

foof

m l

1. Xoolo daaq doonad ah. 2. Meesha xooluhu daaqaan. 3. Inta u dhexeysa xerada iyo daaqsinta. 4. Kadin geel ah. 5. Daaq. 6. ld foofid. ld soof¹.

0

foofi

f g2 (-iyay, -isay)

Xoolo daaq geyn. ld soofi.

0

foofid

m f dh

ld foof¹ (6), soof¹, soofid.

0

foofin

m f dh

ld foofis, soofin, soofis.

0

foofis

m l

Eeg: foofin

0

foofiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(baay.) Meel yar oo diisan oo ku taalla badhtanka qaybta dambe ee natiinaha qaar ka mid ah lafdhabarleyda. Waa meesha ugu muhiimsan ee uu ku soo dhaco ilaysku, waana halka aasaaska u weyn ee ragga. Waxa laga helaa qorratada, qaar ka mid ah shimbiraha iyo garadleyda ay ku jiraan dadku.

0

foofsad

m l

Eeg: foofsasho

0

foofsasho

m f dh

ld foofsad, foofsi, soofsad, soofsasho, soofsi.

0

foofsi

m l

Eeg: foofsasho

0

foofso

f g3 (-saday, -satay)

Xoolo daaq geysasho. ld soofso.

0

foog

m dh

1. F.ta/berri f.ta: maalinta gelinkeeda hore; subax. 2. Berri.

0

foogan

f mg4 (-gnaa, -gnayd)

Wax soo taagan oo aan meel laga maro lahayn ahaansho.

0

foognaan

m f dh

ld foognaansho.

0

foognaansho

m l

/dh ld foognaan.

0

foohaar

m l

Xarrago dhar waaweyn loo qaato oo is tustus iyo kibir ku jiraan.

0

foohaari

f g2 (-iyay, -isay)

Is f.: xarrago iyo isweyneyn dhar waaweyn u qaadasho oo dadka is tustusid.

0

foohaarin

m f dh

Eeg: foohaari

0

foojig

f mg4 (-gaa, -gayd)

Eeg: feeyig

0

foojigaan

m dh

Eeg: feeyigaan

0

foojigaansho

m l

/dh ld feeyigaan.

0

foojigan

f mg4 (-gaa, -gayd)

Eeg: feeyig

0

foojignaan

m dh

Eeg: feeyigaan

0

foojignaansho

m l

/dh ld feeyigaan.

0

fookh

m l

Eeg: fooq

0

fookhad

m dh

Ur udgoon oo ka soo baxa cunto geedeysan oo bisil ama la bisleynayo.

0

fookhadayn

m f dh

Eeg: fookhadee

0

fookhadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Cunto fookhad u yeelid.

0

fool

m l (-lal, m.l)

1. Weji. 2. Afarta ilig ee dhoollaha u dhexeeya midkood. 3. Jiko. 4. Toos; horay.

0

fool4

f mg1 (-oolay, -ooshay)

1. Ka f.: dhibaato iwm ka gudbid. 2. Ka f.: karti dheeraad ah cid kaga rayn.

0

foolad

m l

Eeg: foolasho

0

foolasho

m f dh

ld foolad.

0

foolaxgooddi

m l

Eeg: falaxgooddiyid

0

foolaxgooddin

m dh

Eeg: falaxgooddiyid

0

foolaxgooddis

m l

Eeg: falaxgooddiyid

0

foolaxgooddiyid

m dh

Eeg: falaxgooddiyid

0

foolaxgootayn

m f dh

Eeg: foolaxgootee

0

foolaxgootee

f mg2 (-teeyay, -taysay)

U f: cid u faanid.

0

foolbaxo

f mg3 (-xday, -xatay)

Fooltagid.

0

foolbaxsad

m l

Eeg: foolbaxsasho

0

foolbaxsasho

m f dh

ld foolbaxsad, foolbaxsi.

0

foolbaxsi

m l

Eeg: foolbaxsasho

0

foolbaxso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Bun marsasho. 2. Foolcararid.

0

foolbeenaad

m dh

Eeg: fooldiin

0

foolcarar

m l

Naasley foolanaysa oo xanuun la luntay. ld foolcararid.

0

foolcararid

m f dh

ld foolcarar¹.

0

fooldhabasho

m f dh

Eeg: fooldhabo

0

fooldhabo

f g3 (-btay, -batay)

Bun la dubay jirka marsasho.

0

fooldhaq

f mg1 (-qay, -qday; -dhiqi)

U f.: cid wejiga u dhaqid.

0

fooldhaqasho

m f dh

Eeg: foodhaqo

0

fooldhaqo

f g3 (-qday, -qatay)

Weji mayrasho.

0

fooldhaw

m l

Bun la dubay oo jirka la marsado.

0

fooldhiqid

m f dh

ld fooldhaq¹ (2).

0

fooldiin

m l

Xanuun fooleed qabta dheddigoodka dhalaya marka ay soo sid dhoweeyaan. ld foolbeenaad.

0

foolhallaabid

m f dh

ld foolhallow¹ (2), fooltag¹, fooltegid.

0

foolhallow

m l

1. Dheddig foolanaya oo xanuun la lumay. 2. ld foolhallaabid.

0

fooli

f g2 (-iyay, -isay)

Dheddig foolanaya ilaalin.

0

foolid

m f dh

Eeg: fool4

0

foolin

m f dh

ld foolis.

0

foolis

m l

Eeg: foolin

0

foolkaano-dambaseed

m l (-dyo, m.dh)

(jool.) Qurubyo yaryar oo laarfa, oo badanaa leh qaab goobo, kaasoo dibadda u soo tuurtay foolkaano iyadoo dareere ah, adkaanaysana markey soo dhacdo.

0

foolmaroodi

m l

Labada ilig ee dhaadheer ee maroodiga gafuurkiisa ka taagan.

0

foolnugayl

m l

1. Cabsi badi qof leeyahay. 2. Xishood badi qof leeyahay.

0

foolnuglaan

m f dh

ld foolnuglaansho.

0

foolnuglaansho

m l

/dh ld foolnuglaan.

0

foolnugul

f mg4 (-glaa, -glayd)

1. Wax cabsi badan ahaansho. 2. Wax xishood badanahaansho.

0

foolo

f mg3 (-ooshay, -oolatay)

Fooldareemid.

0

foolshareer

m l

Timo wejiga qofka qaybtiisa sare ka soo baxa.

0

foolt

m l (fiis.)

Summad V. Halbeegga caalamiga ee keyd faraqa ama xoogga danab wadidda (x.d.w.), waxaana loo qeexaa keyd faraqa u dhexeeya laba barood oo ku yaalla gudbiye sida qulqul danab oo le'eg hal ambiyeer, marka awoodda ku baxday laba barood inta u dhexeysa ay tahay hal waat. Waxa loogu magac daray aqoonyahankii Alisaandaroo Foolt.

0

foolt-beege

m l (-gayaal, m.l/dh)

(fiis.) Qalab lagu cabbiro xaddiga keyd faraqa ee u dhexeeya laba barood. F. waxaa mareegta loogu xidhaa barbarro.

0

fooltag

m l

Eeg: foolhallaabid

0

fooltegid

m dh

Eeg: foolhallaabid

0

fooltub

m l

Yuur ka muuqata qof wejigiisa marka uu xanaaqo. ld fooltubid.

0

fooltubid

m f dh

ld fooltub¹.

0

foolwaa

m l (xis.)

Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.

0

foolwanaagsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax qurxoon ahaansho.

0

foolwanaagsanaan

m f dh

ld foolwanaagsaansho.

0

foolwanaagsanaansho

m l

/dh ld foolwanaagsanaan.

0

foolxumaan

m f dh

ld foolxumaansho, foolxumi, foolxumo.

0

foolxumaansho

m l

/dh eeg foolxumow. ld foolxumaan.

0

foolxumi

m dh

Eeg: foolxumaan

0

foolxumo

m dh

Eeg: foolxumaan

0

foolxumow

f mg3 (-maaday, -maatay)

Wax foolxun noqosho.

0

foolxun

f mg4 (-umaa, -umayd)

Wax aan qurxoonayn ahaansho.

0

foon

m l

Weel muggiisa wax lagu rido, oo la buuxsho, ama la miiso, wax lagu sii daro oo laga taalleeyo; cunnada weelka qarkiisa madaxa kala baxda oo fooca ah.

0

foona

m dh (juqr.)

Nafleyda xayawaanka ee gobol ama kal jiyoolojiyeed. Foona waxay la xiriirtaa erayga foloora oo isna loo isticmaalo nafleyda dhirta. ld fawna.

0

foondhaaf

m l kh

F. ah: weel qaadkiisa badar ka badan lagu shubay.

0

foondhaafi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax muggiisii badar ka badan ku shubid (weel).

0

foondhaafid

m f dh

Eeg: foondhaaf²

0

foondhaafin

m f dh

ld foondhaafis.

0

foondhaafis

m l

Eeg: foondhaafin

0

foontaano

m dh

Dar dhis ah oo dhexda ku leh ilo kor biyo u sayraya ayadoo isla darka biyuhu ku soo noqonayaan. ld fontaano, funtaano.

0

fooq

m l (-qaq, m.l/-qyo, m.dh)

Guri, guri kale ka dul dhisan; dabaq. ld fookh.

0

foor

f g1 (-ray, -rtay)

Ciyaar turub, dubnad iwm cid uga dhicid.

0

foorad

m dh

Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iwm. looga dhaco. ld fooro.

0

foorar

m l

Eeg: foororid

0

foorari

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: foorori

0

foorarid

m dh

Eeg: foororid